Waxaan Sameeyay Gudi La Dagaalanka Musuqmaasuqa Balse Xafiiskeygu Kuma Jiro

Taariikhda Madow ee Dr. Cabdiweli Gaas Maxaa Lagu Xasuustaaa!!!

Garoonka Muqdisho oo lagu Qabtay Nin sitay $ 2 Milyan & R/wasaraha oo fasaxay Ninkaas

Waxaa na soo gaaray Warar lagu Kalsoonyahay oo sheegaya in Shalay galinkii hore Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ciidanka Boliiska ee garoonkaasi gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah kaasoo boorso ku sitay Lacag “Kaash” oo dhan $ 2 Milyan.

Wararka hordhaca aya sheegaya in Ninkaan oo aan Magaciisa la shaacin arriimo amaan awgeed ayaa ku qornaa mid ka mid ah duuliyaad gudaha ah ee diyaaradaha rakaabka ee Soomaalida uu ka raaci rabay, wuxuuna xilligaasi u qorsheynaayay inuu gaaro magaalada Gaalkacyo kadibna Magaalada Bosaaso.

Saraakiisha Ciidanka ee garoonka oo qabtay Ninkan ayaa ku amray ninkaasi inuu ka haro duulimaadkii uu ku qornaa waxayna u kexeeyeen saldhiga amaanka ee Garoonka.

Markii saraakiisha baaritaanka ee Booliska garoonka ay weydiiyeen ninkan sababta uu Laba Milyan Doolar Kaash ah ula raacayey diyaarad ayaa wuuu ku jawaabay inuu Lacagtaasi u watay ganacsi caadi ah oo uu kuleeyahay magaalada Boosaaso.

Wuxuuna Ninka sheegtay inuu Lacagtan kala soo baxay shirkadda Xawaaladda ee AMAL sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo la socda baaritaanka.

Hase yeeshee saraakiisha Booliska ayaa xiray ninkii lacagta watay kadib markii uu ku adkeystay in Lacagta uu isagu leeyahay, Lacagtiina way ka hayeen oo isla saldhigga garoonka diyaarada ayaa la dhigey.

Intii uu socday Baaritaanka Minka, isaagiina uu ku jiro saldhiga garoonka ayaa waxaa iska soo daba dhacay telefoon xiriir ah oo ka imaanayey Wasiirka arimaha gudaha DKMG C/samad Macalin Maxamuud kaasoo culeys ku ciidamada Booliska iyo taliska nabadsugida ee kiiska gacanta ugu jiray inay arinta baaritaanka hakiyaan ayna fasaxaan ninka ay xireen iyo lacagtiisaba.

Culeysyadaa ka imaanaayay Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ugu dambeyn sababay in Booliisku joojiyaan baaritaankii ay wadeen iyaga oo aan ka gun gaarin, islamarkaana waxay siidaayeen ninkii la xirey iyo labadii milyan ee uu watay.

Waxaana ninkii oo lacagtiisa boorso ku sita uu si caadi ah uga safray garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoon su’aal dambe la weydiin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiil ku dhow Ra’iisulwasaaraha ay ku lug lahaayeen lagactaan laga qaaday Muqdisho, iyadoo la sheegay iney ka macaasheen intii uu xilka hayay Mr. Cabdiweli Maxamed Gaas oo todobaadkii hore magacaabay gudi la dagaalanta musuqmaasuqa ee  saraakiisha Dowlada KMG ah oo ku caan baxay iney boobaan hantida Qaranka.

Source : keydmedia 

———————————————————————————————————————————-

Shirkii Garoowe oo lagu qarash gareeyey 6 Malyan oo doolar iyo qaramada miidoaby xafiiska siyaasada ee Soomaliya oo ay buuq ka dhalisay bixinta lacagtaasi

Shirkii Garoowe oo socday dhowr cisho ayaa la sheegay in ay ku baxday qarash dhan 6 Malyan oo doolar sidan ka soo xiganay rag sar sare oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada oo ka careysan qarashkaas badan oo ku baxay shirkaas muda yar socday

Qilaafka 6 Malyan ee ku baxay shirkaas ayaa waxaa ka hor yimid ku xigeenka xafiiska siyaasada Soomaalida ee Qaramada midoobay isagoona ku tilmaamay in aysan macquul aheen in ay baxdo qarash intaa la eg in ay ku baxdo muda gaaban isagoona sheegay in meesha dadka joogay ay koobnayeen waxii qarash ku baxana ay aad u yareed aysan dhaneen qarshka lagu sheegay

Qilaafka miisaniyadaas iyo qilaafyada kale oo jiray ayaa waxay keentay in ku xigeenka Mahiiga xilka si degd eg ah looga qaado si aysan u fashilmin arima badan oo la qarinaayey

Xafiiska siyaadada ee laga hago Soomaaliya oo ku yaalo magaalada Nairobi ayaa waxaa xiligaan hareeyey qilaafyo kale oo badan oo keeni karto in Mahiiga oo ah maxada siyaasada Soomaaliya laga qaado xilikaas sidaan ka soo xiganay dad ka ag dhow xafiiska kuwa aoo diiday in aan adeegsano magacyadooda

Si kastaba Ha ahatee qarashkaas muda yare e ku baxday shirka Garoowe ee garaayo 6 Maylan oo doolar ayaa keeni karo I fashil ku yimaad wada xaajoodka lagu marsanay lacagata badan iyadoona horayna shaliya badan ay ku jireen qodobadii ka soo baxday shirkaas ooh al dhinac u xaglineysay 

 ——————————————————————————————————————————–

R/wasaare Gaas Oo Dalbaday $10-Billion

London – GMN – Ra’isul Wasaaraha Dalka Soomaalia Dr C.Wali Maxaned Cali Gaas ayaa sheegay in Dowlada Soomaalia ay xiligan ubaahan tahay ilaa 10 Bilyan si loo dhamaystiri qorshaha haatan socda.

Isagoo Waraysi gaar ah siinayay Tv-ga laga leeyahay Dalka Mareykanka ee CNN-ka ayaa waxaa uu sheegay in Lacagtaas 10-ka Bilyan ah lagu qaban doono arimaha Hormarinta Road Map-ka iyo dib udhiska.

“Lacagta waxaa lagu soo celin doonaa amniga iyo dib udhiska Soomaalia”ayuu sheegay Dr Gaas Ra’siul Wasaaraha Soomaalia oo kusugan Magaalada London.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in ay ubaahan yihiin in si deg deg ah uhelaan Dhaqaalahaas si loogu fuliyo Howlaha Dowlada Soomaalia Horyaal.

Dhanka kale Waxaa Ra’isul Wasaaraha Wax laga weydiiyay duqeyntii ka dhacday Gobolka Sh.hoose taas oo lagu dilay Saraakiil la rumaysan yahay in ay katirsan yihiinm Al-Qacidada Soomaalia.

Waxaa uu sheegay in Dowlada Soomaalia ay horey usoo dhaweysay isku dayada lagula dagaalamayo Shabaab oo haatan isku badalay Al-Qacida, isagoo Tilmaamay in duqeyntaas lagu laayay Saraakiil Ajaanib ah.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo 2 maalin ku qarash gareeyey 80 Kun USD Muqdisho to Naroobi xili Ciidamada Xooga baahi darteed isku xabadeynayaan Maxaase kala socotaa qarashka ka soo xarooda Dekada weyn iyo Eraboorka Adan Cade

———————————————————————————————————————–

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Cabdi wali Cali Gaas ayaa safar 2 cashaa ku tagay magalada Naroobia ee Dalka Kenya isagoona sida la sheegay ku baxday qarash dhan 80 kun oo Doolar oo sida muuqata xiligaan mac quul aheen madaama dalka ku jira xaalad adag oo keentay in ciidamada xooga dalka la siinwaayo dhowr bil wax mishear ah taana waxay keentay in ay isku dhacaan labada ciidan ee safka iskula jiray iyadoona isbaarooyinka ay ku soo badanayaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka koowaad ayaan la heen cid la xisabtanto madaama xafiiskiisa ay joogaan Rag ku jufa hoose ah iyadoona garab martay sharcigii u yiilay Dowlada ee ahaa in xafiis walba ama wasaarad walba looga shaqeeyo Afar beel iyo Bar taa oo aan ka dhaqan galin xafiiska wasiirka koowad waxana ka shaqeeyo 12 dhalinyaro ah oo isku jufa hoose ay yihiin iyadoona arinkas ka jirta guux hoose

Waxaase cajiib ah Xogeentiisa qaska ah ee Wasiirka koowaad oo ka yimid wadanka Canada kana shaqeen jiray hotel ku yaalo Canada uu u qaabilsanaa soo qaadida boorsooyinka dadka hoteelka soo dago ayaa xiligaan waxuu magaalada Naroobi dagan yahay hoteelka ugu qalisan magaalada Nairoobi isagoona ku baxdo qarash aad u badan oo ku socoto kaasada Dowlada mana jirta cid la xisaab tami karto madaama garab uu ka heysto masulka koowaad ee dowlada Soomaliya.

Dhanka kale waxaa bishii ka soo xaroota dekada weyn ee magaalada Muqdisho 2 Malyan iyo Bar USD halka Eraboorka ay ka soo gasho hal malyan iyo Bar USD ah iyadoona xarunta madaxtooyada bil waliba ay doowlada Sudaan ay siiso Hal malyan iyo Bar USD taa oo ku dhicin kaasada Dowlada waxaana si qaas ah lacagtaasi Dowlada Sudaan ay bixisa qaato madxaweynaha Somaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed mana jirta cid la xisabtami karto Barlamaankii la xisabtami lahaana isaga dhaxdiisa isku mashqulsan yahay

Waxaana la yaab leh ciidankii difaaci lahaa dalka ay gaajo u dhimanayaan iyagana dhaxdooda isku dilayaan dhaqaalo xuma jirta aawgeed 
Si kastaba ha ahatee waxa isweydiin mudan waxa hor taagan qarash intaa la eg dowlada in ay u soo xarooto ciidankoodana ay mishar laaan yihiin.

—————————————————————————————————————————————-

AKHRISO: WARQADII UU CABDIWELLI GAAS KU DIIDEY MAAMULKA KHAATUMO WAAGII UU AHAA RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA

Moment Media Ethics– 10 JAN 2014: Abdiwel Gaas oo ahaa R/wasaarihii Soomaalida sanadihii 2011-2012, hadana loo doortey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, ayaa Waraaqdii uu ka qorey  Maamulka Khaatumo markii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uu ku sheegey in Khaatumo aysan buuxinin ama buuxin karin shuruudihii maamul Goboleedyada  ee ku xusnaa axdiga KMG, sidaa darteed Maamulka Khaatumo ma noqon karo maamul goboleed, waxaana warqada ku sixiixan mid ka mid ah Wasiiradiisa;  hoos ka akhri:

image

R/wasaaraha Haddii uu-san Waalneen waa Xishoon lahaa  

Xishoodka waa Qeyb ka mid ah iimaanka weliba xishoodka waa wax lagu amrri jiray xitaa ummadihii naga horeeyey, haddii aad dib u fiiriso waxaa uu ahaa nin mucaarad ku ah maxkamadihii dalka ka hanno qaaday 2006 waxuuna xiligaas u ololeeyn-jiray kuna faraxsanaa gumaadka Ethiopia ee magaalada Muqdisho iyo hogaanka C/aahi Yusuf oo Qabiiliga ahaa.

Dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Prof Cabdiweli weli maxaa u wehliya Aqoontiisa 1,2,3, waxaa umada ogtahay shirkii Garowe in uu ahaa mid xaaraan ah sabbabta oo ah Somali oo dhan kama soo qeeybgelin, qodobada ka soo baxay waa kuwa aay mudneeyd in xildhibaanada baarlamaanka ku meelgaarka ahi go’aanka noocaan oo kale aay gaaraan not Faroole iwm.

Ilaah baan idinku dhaariyee ma mudan tahay in dastuurkii qabyada ahaa ee la dhahay waa la soo dhameeystiray anaga oo og in Somali aayan ka warqabin meel lagu dhameeystiray iyo cida dhameeystirtay hirgelintiisa in 1000 qof cod u qaadaan ??? ma Somali ayaa 1000 ah ??

In 4,5 lagu noqdo ama laga gudbo maaha mid Faroole iwm aay mudneeyn in lagala tashato balse xildhibaanada ku meelgaarka ah ayaa lahaa awoodaa sabbabta oo ah Kenya iyo Jabuuti waxaa awooda iyo xukunka Somalia lagu qeeysaday qabiil dhalay 550 xildhibaan.

Somalida waxaa aay leedahay indheergarad aqoon yahan, siyaasi, culumo , dhalinyaro macnaha noocwalba oo aadahana leeyahay,dhamaan umada waxaa aay aragtaa xishood la´aanta C/weli ee hogaamisay ama ku qasabtay in uu baarlamaanka iyo xulashada gudoomiyaha baarlamaanka Madoowe Nuunow  diido, awoodaasi xagee ka keenay ??

Full News : keydmedia

——————————————————————————————————————————————–

Warbixin lagu shegay inay magaaloyin katirsan puntland kafaa’ideen burcad badeeda.

 

WARBIXIN – warbixin iyo daraasaad lasemeeyey ayaa lagu sheegay in burcad badeeda soomaaliya ay u hor seedeen qaybo ka mid ah dalka soomaaliya hormar balaaran oo dhanka dhaqaalaha ah, sida ayshegtay hay’ada British think-tank Chatham House, oo faah faahinteeda waxa ay inta badan la socdey sawiro dhanka artin ah.

Dhaqaalaha burcad badeeda ayaa waxa lasheegay in magaalooyinka waweyn ee gobolada ,magaaloyinkaasi oo lagu sameeyay maal galin xoogan,oo ah lacag ka timid burcad badeed sida ku cad daraasadani cusub.

Anja Shortland oo haweenayda qortay warbixinta ayaa waxa ay isticmaashay sawiro satalaayd uu heerkiisu sareeyo ahna kan la adegsado maalinkii iyo satalaydka wax sawira xiliga habenkii.

Waxana baritaanka waday ilaa iyo laga soo bilaabo 2000, Sawirka dhanka lagu qaaday satarlayt goor habeenkii ayaa muujinaya in si’aad ah ay sare u kaceen nalalka xiliga xiliga habeenkii ka shidan magaalooyinka sida darasaaadka lagu sameeyey.

Waxana kamid ah magaaloyinka Boosaaso garowe cadaado oo intooda badan burcada lagu arko si’aad ah kana tirsan maamul goboleedka Putlan halkaasi oo inta badan saldhig u ah kooxaha burcad badeeda.

Sawirada ayaa muujinaysa daraasadu leedahay in uu batay isticmaalka korantada sababtuna ay tahay hormarka dhanka dhaqaalaha ee yimid burcad, waxa Daraasada cusub ee ku saabsan dhaqalaha ay soo kordhiyeen burcad badeed ayaa sidoo kale farta ku fiiqaysa in isticmaalka nalalka iyo korontada ku sii kordhaya Boosaaso iyo Garawe.

Sawirada dhanka satalaytka ee laqaaday maalinkii ayaa sida daraasada ku cad waxa aymuujinayaan in laga soo bilaabo 2002-dii ilaa iyo 2009-kii , ay si’aad ah u kordheen dhismaha cusub, ee laga dhisayo magaalada Garawe iyo waliba hormar balaaran oo dhanka ganacsiga ah oo ka taaba galay magaaladaasi.

Warbixinta waxa ay inta kudartay inay dhismooyin badan ay ka socdeen ilaa xiligaasi magaalada Garawe markaana banaanka dhismaha ay ku baakin garaysan yahiin,gawaari aad u tira badan taasi oo muujinaysa dhaqalaha meesha yaala.

Waxa darasaadka aysooqada tay degmoyinja cadaado, Hobyo, ayl oo sida la sheego xarun u ah burcada badeeda oo anan wax horumar ah uga siimuuqan sida daraasada ku cad.

Hay’ada British think-tank Chatham House, ayaa muujinaysa in lacagta madax furashada ah ee ay burcad badeeda ka qaataan maraakiibta ay afduubtaan ay dad aad u tira badan qaybsadaan taasi oo dhaqaalaha goobaha ay ka soo jeedaan kobcisay.

Warbixinta ayaa dhanka kale waxa saamaynta lacagta burcad badeed ku tilmaamtay in aytahay qiimaha badecoyinka oo si’aad ah u kordhay islamarkaana sicir bararka uu heer sare gaaray.

British think-tank Chatham House oo ah hay’ada samaysay darasaadka, ayaa soo jeedinaysa in xalka burcad badeeda uu yahay in birriga lagula dagaalamo isla markana dowlada maamul goboleedka Putland qaado talabo kadhan ah arintani, wax badana ay ka qabato.

Marakiibta caalamiga ee kusugan gacanka cadmayd ayaa adkeeyay in ay kooxaha burcad badeeda ay weeraro cusub qaadaan walow ay jiraan afduubyo mararka qaar dhaca, taasi oo lagu tilmaamay inaysan waxii howshoda ahayd qaban ciidanka Nato.

Programme Paper

Anja Shortland, January 2012

  • This paper uses recent forms of nightlight emissions and high resolution satellite imagery to look at the effects of piracy on the Somali economy and establish which groups benefit from ransom monies.
  • Pirates appear to be investing money principally in the main cities of Garowe and Bosasso rather than in the coastal communities where pirate activity is located.
  • The positive economic impacts of piracy are widely spread, so a military strategy to eradicate piracy could seriously undermine local development.
  • Villages that have gained little from hosting pirates may be more open to a negotiated solution which would be to their benefit.

Source : chathamhouse 

———————————————————————————————————————————-

Qabiil Qaran Ma Dhiso – Xafiis Ra’iisal Wasaare mise Xero Qabiil ?!.

 

Muqdisho – Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho isa soo tarayaay warar la isla dhexmarayo oo sheegayaa in xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ay hareeysay arin la xiriira Qabyaalad iyo musuq maasuq.

Good governance has 8 major characteristics. It is participatory, consensus oriented, accountable, transparent, responsive, effective and efficient, equitable and inclusive and follows the rule of law. It assures that corruption is minimized, the views of minorities are taken into account and that the voices of the most vulnerable in society are heard in decision-making. It is also responsive to the present and future needs of society.

Hadaba markii ee taarikhda aheed 13.08.2011-waxaa soo baxday Dikreeto lagu magacaabayo mudane Cabdiraxmaan Warsame Cabdi (BURHAAN) in uu noqdo agaasimaha guud ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha, maalinkaasi waxaa ay shaqaalaha xafiiska ahayd maalin mugdi ah, sababtuna waxaa ay ahayd waxaa soo hor martay xumaantiisa oo waxaa la helay in ninka loo magacaabay in uu agaasime u noqdo uu yahay nin musuq maasuq iyo qabyaaladi ku weentahay.

Go’aanka magacaabista agaasimaha waxaa iskaleh Ra’iisal Wasaaraha, shaqaalahana waxaa ay hoos imaanayaan dhamaantooda Agaasimaha Guud waxii maalinkaa ka danbeeyay shaqaalahii xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxaa ay hoostageen masuq maasuq iyo  nin ay ku wayntahay qabyaaladda.

Waxaa uu galay Agaasimaha in howlahii xafiiska uu la wareego isla markaana shaqadii xafiiska soo fadhiisto, shaqadii ugu horeeysay oo uu qabto waxaa uu ka dhigay in uu yiraahdo wax aanan aniga ogayn iyo lacag aan aniga bixinin ma ka bixi karto xafiiska, xafiisk ra’iisal wasaaraha waxaa uu leeyahay nidaam uu u shaqeeyo ama uu u dhisan yahay, waxaa jirtay in shaqada xafiiska ay kala qaybsaneed laakiin agaasimaha cusub uu la yimid hab cusub oo ah in isaga kaliyaah uu wax kastaahi maamuli karo halkga agaasime waaxeedyada aysan waxba go’aan ah gaari Karin waxna maamul karin.
Waxyaabaha masuq maasuqa ah oo ilaa iyo hadda uu ku kacay agaasimaha waxaa ka mid in uu ardaydii Imtixaanaadka galay ee Turkiga loo waday uu musuq maasuqay qaar ka mid ah isaga oo 10wiil oo aanan galin Imtixaanka qasab ku raaciyay dayaaradii Turkiga ardayda u qaadaysay dalka Turkiga halka kuwii xaqa u lahaa ee Imtixaanka u galay laga reebay oo ay hadda Muqdisho joogaan, intaas oo kaliyaah maahanee waxaa kaloo jirta in gaadii Xafiiska Ra’iisak Wasaaraha uu looyahay oo noocoodu yahay Land Rover uu mid ka mid ah agaasimaha ka kireeyay  kooxda gurmad ah oo ka socotay dalka URDUN halka gaariga kale ee uu ilaa hadda ka kireeysan yahay kooxda gurmadka ee ka socota wadanka  IRAN.
Waxaa kaloo dhacday in reerkiisa ah ka tirsanaa ilaalada Xafiiska (Security-ga) uu ka saaray ciidanka isaga oo ka dhigay shaqaale rayid ah, iyada oo aysan jirin in la soo marsiiyo xafiiska shaqada iyo shaqaalaha iyo tababarada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, taasina waaa ay keentay in maanta uu mushaarkiisa ka dhigo $500 halka askarta asaagiisa ah ay qaataan $100.
Intaa ka dib waxaa dhacday in uu agaasimaha dalbaday gurmad reerkiisa ah si howshaan baaxada wayn ee markii hore kala qaybsaneed oo cid waiba ay garanaysay shaqadeedii aysan gacantiisa oga bixin, waxaa markiiba soo gaaray koox dhalin yaro ah oo aan garanaynin waxa la yiraahdo dowlad iyo sida ay u shaqayso, waxaana ay ka bilaabeen aniga ugu sareeyo iyo anigaa ugu sareeyo howsha xafiiska.
Dadka yimid xafiiska ee qaabka Qabiil ku howl bilaabay oo aan ka diiwan gashaneen waaxda shaqada iyo shaqaalaha iyo tababarada ee xafiisak Ra’iisan wasaaraha waxaa ay kala yihiin:
  • 1.      Hassan Awil Farah title Assistant to the PM
  • 2.      Mr. Ali Ahmed Jama Title  Personal assistance
  • 3.      Mr. Abdukadir Khalif Jama  La-taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Qurbe Joogta & Jaaliyadaha.Title
  • 4.      Mohamed Abdulrasak Dayib, Deputy Humanitarian Co-ordinator Aid
  • 5.      Mr. Abdukadir Khalif Jama  La-taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee
  • Arrimaha Qurbe Joogta & Jaaliyadaha.Title
  • 6.      Mr. Abdiwahab Abdulahi Ali Title  Personal assistance
  • 7.      Iyo kuwa kale.
Ku was oo dhamaantod ah hal qoys oo, walina shaqada xafiiska ay ku adagtahay in ay wax ka qabtaan shaqaalaha kale ee horey u joogi jiray dagaal iyo colaad ka abuurtay.
Howsha waxaa ay isku badashay in dadka qaarkii la ruqseeyo qaarna xilalkooda laga qaado qaarna xafiiska Ra’iisal Wasaaraha hortiisa loogu gacan qaad, haddii aan sii iftiimiy oo aan kala qaad qaad qaado sida ay wax u dhaceen ayaa sidan ah:
Waxaa shaqaalaha xafiiska ka tirsanaa mudane ambassador Cali yare oo ahaa wakiilka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Dowladaha IGAD la isku dhaho iyo waxaa kaloo uu xafiiska u qaabilsanaa arimaha bulshada, waxaa dhacday in laga bilaabo isaga in laga saaro liiska shaqaalaa mushaarka qaata ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha isla markaana lagu wargaliyo in uu san ka mid aheen shaqaalaha Xafiiska,
intaa kuma aysan ekaaninee waxaa dhacday in Xassan Cawil Faarax oo ah kooxda Cabdiraxmaan (Burhaan) hiilka qabiil ku keenay ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Personal Assistance, ka dib waxaa loogu daray in uu noqdo u qaybsanaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee UNPOS (Liaison office of the Prime Minister to UNPOS) intaasi kuma ekaaninee waxaa kaloo loogu sii daray u qaybsanaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee xiriirka Caalamiga ah (Focal Point to the External Relations ), waxaa kaloo loogu sii daray in uu noqdo agaasime ku xigeenka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha (Deputy Chief of Staff), mudane Burhaan intaas oo xilka ninka uu isugu daray ma ceebsan oo ma is dhihin meeshu waa Xafiis dowladeed ee waxaa la dagtay qabyaalada ka buuxda, laakiin ugu danbeeyn ayeey iska badashay gacan ka hadal in uu xafiiska dhexdiisa ka dhaco oo Xassan oo intaas oo xil la isugu daray ayaa waxaa damac ka galay in loogu daro xil kale oo ku qornaa Kamaal Daahir Guutaale kaas oo ahaa Agaasimaha Golaha Wasiiradda (Chief of Cabinet) markiiba waxaa uu bilaabay Xassan in uu daabaco ajendaha shirka golaha Wasiiradda isla markaana uu yiraahdo cid aan aniga ahayn shirka golaha wasiiradda masoo fadhiisan karto minute-kana ma qaadi karto,
markii uu Kamaal uu yimid oo uu ku yiri arinkan anigaa u magacaaban ee jooji qaska ayuu ugu jawaabay xilkan anigaa hadda ku magacaaban ee yaan laguugu arag shirka golaha wasiirada, Kamaal ayaa waxaa uu waydiiyay cida magacowday iyo warqaddii lagu magacaabay, ka dib Xuseen jawaabtii waxaa uu ka dhigay GACAN QAAD (FEER) kaas oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Albaabkiisa.
Xafiiska ma u baahna gacan ka hadal iyo is qabqabsi, shaqadana waa shaqo nidaam iyo shuruuc leh qofkastana waxaa uu leeyahay waa jibaad loo idmaday in uu ka shaqeeyo, balse haddii ay meesha timaado REER HEBEL halkaasi waxaa ka baxa nidaamka taas oo ah mida hadda ka taagan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, iyada oo intaasi oo ceeba ay ka jirto Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayeey hadana shaqaalaha rayidka ee xafiiska isku dayayeen in shaqadoodu gutaan.
Waxaan dhamaan wada sugaynaa jawaabta uu ka bixiyo Ra’iisal Wasaare Cabdiwali.
—————————————————————————————————————————————-

Xubin ka tirsan wefdiga R/wasaare Gaas ee Roma-Italy booqday oo sheegay in wasiiradda gaashaandhiga & arrimaha gudaha Talyaaniga ay weydiiyeen Gaas su’aalo adag (Xog rasmi ah)‏

Waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku sugan wefdi uu hogaaminayo R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaali C/weli Gaas, oo ay wehliyaan xubno ka soo jeeda Puntland, waxaana wefdiga R/wasaaraha ay maanta kulan la yeesheen wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga,oo ay kala hadleen arrimo ku saabsan khilaafka dowladda, shirka dhowaan loo balansan yahay inuu ka dhaco Ingiriiska & qodobo kale oo xasaasi ah, waxaana shir gaar ah oo albaabada la isku xirtay uu dhexmaray R/wasaare Gaas oo uu wehliyey C/risaaq Juriile & xubno ka mid ah wasiiradda dowladda Talyaaniga, waxeyna wararka ka imaanaya kulankaasi sheegayan in R/wasaaruhu ka hadlayey sidii ay dowladda Talyaanigu mashaariicyo kala duwan kaga hirgelin laheyd deegaanada Puntland.

Xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso waxa uu u sheegay shabakadda in wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga ay weydiiyeen R/wasaaraha sababta ay safarkiisa ugu wehlin waayeen dhigooda (Wasiiradda arrimaha gudaha & Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya)oo u soo kaxeystay xubno u badan Puntland.

“Nidaamka dowliga ah waa uu dhigayaa haddii R/wasaaruhu la kulmayo wasiirka arrimaha gudaha ama gaashaandhiga in safarkiisa ay ku wehliyaan isla wasiiraddii ama ku-xigeenadoodii ee xukuumadda ku jiray, R/wasaaruhu wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay Madaxweynaha Puntland, dhammaan kulamadii uu la yeeshay labada wasiir waxaa ka qeybgalay isaga & Jurille xittaa Nuur Cadde oo ah safiir waxaa lagu yiri iska joog adiga laguuma baahnee, arrintaasi waxa ay ku tusineysaa sawirka dhabta ah ee R/wasaaraha” ayuu yiri xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday magaciisa, wuxuuna intaa ku daray inuu u soo jeedinayo madaxweynaha inuu arrintaasi il gaar ah ku eego.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

 ————————————————————————————————————————–

Cabdiweli Gaas: Nuur Cadde Darawal baan ku Badalay! // – Bahnimo iyo Beelnimo!

Thursday 5 April 2012 – Moment Media Group waxaa soo gaaray dhaleecayn uu Nin la yiraahdo Cabdullahi Faarax (Diihaal) uu ka fidiyey Safiirkii TFG-da u fadhiya Magaalada Roma Mudane Nuur Caadde.

Nuur Cadde wuxuu sidoo kale gacansaar Diplmaasiyeed la leeyahay Dalalka ku jira Sayladda Reer Yurub. Waa jago weyn oo aan laysu quurin, siiba marka ayna jirin Dawlad Qaranimeed oo Dalka u taagan.

Shaakhsi ahaan, Nuur Cadde wuxuu mudan yahay qiimayn iyo qaddarin heer qarameed, waana ka culus yahay nin Abdullaahi Faarax Diihaal kafad la wada saari karo, siiba: Xagga Aqoonta iyo waayoaragnimada, bisaylka Siyaasadeed iyo nuxurka Diplmaasiyeed.

Marka Shekada Qabiilnimo loo rogo, Diihaal iyo Nuur Cadde waa labo nin oo ka kala dhalatay labad qoys oo hagta TFG-da gabidhaclaynaysa. Runta halaga salgaaro ilaa gaaro halka ay gunta dhigato si loo arko shilinka dhiniciisa kale.

Abdullahi Faarax (Diihaal) waa kuma?   Yaa soo magacaabay? Jagada xoghayaha 1aad ma sitaahilaa?

Diihaal waa Nin kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ahaan jirey tagsiile caan ka ah goobaha fadhi-ku didirka. Marka dib loo raacay Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, Diihaal ma laha Aqoon jaamacadeed ama waayoaragnimo diblomaasiyadeed, hase yeeshee wan in reer-magaal ah oo hawlihiisa meemarsan kara.

Ayadoo ay jiraan Kumanyaal Aqqonyahanno Soomaaliyeed ah oo diyaarsan oo sita shahaadooyinka Masters/Phds, waa nasiibdarro in shakhsigan oo kale lagu Magacaabo jago uusan u qalmin oo haddana heer qaran ah oo u furan ciddii Istaahisha.

Xaqiiqada Keymedia heshay waxay tilmaamaysaa in Wasiirka 1-aad, Cabdiweli M. Caligaas uu xambaarsan yahay Diihaal isgaana kasoo meelmariyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, labo waji bayna Cabdiweli arrintanu u leedahay:

1) Inuu Nuur Cadde oo salballaaran ku yeeshay sayladaha siyaasadda Taliaaniga iyo tan Yuruba jagada laga wareejiyo

2) Iyo in Gacanta lagu dhigo Dokumeenti badan oo sir ah oo laga soo aruuriyey Marxuumkii dhintay ee Cabdullaahi Yuusuf Axmad.

Ololaha Dhaleecaynta Nuur Cadde

Jagada Safiirnimada Dalka Talyaani aad baa Madaxda Dawladdu ugu mintidaa wayna isku curjiyaan. Siyaasiga danaystaha ahu wuxuu heli karaa wadiiqooyin badan oo uu ku gaari karo dantuu leeyahay haddii Italia u fadhiyo safiir uu ku kalsoon yahay.

Wuxuu gacaansaar la yeelan karaa “La Mafia” oo u suurogelisa kobcin dan Dhaqaale gaar ahaaneed, gacan-ku haynta Siyaasiga leh damaca weyn, abuurid dhaqaale maalgelineed oo ceeriinka lagu kala qaybsado, sidii “Fondo Aiuto Italiano ( FAI)” oo loogu daneeyey gobollada Bari, hase ahaatee la leexsada in ka badan boqolkiiba 60% oo aan Dalka soo gaarin.

Marka dib loo jalleecsado Dhaqanka iyo xididnimada isku dabarta “Gumayste iyo la Gumayste” ee Gobollada Koofureed, kasokow, Talyaaniga waxaan la wadaagnaa dhaqamo xun xun oo ay Yurubku uusan inta badan la qabin, waxaana kamid ah: Laaluush-cunka iyo Laaluush bixinta.

Momentxaqudood ka timaadda Maamul xumada Dawladda. Weynaaynta iyo baabbaaninta shaakhsi dan laga leeyahay,  Taakulayn ay ugu caleemo-guraan cidda siyaasad ahaan loo xambaarsan yahay, iwm.

Shaqo ka-qaadidda Nuur Cadde

Wasiirka -1aad wuxuu rabaa inuu helo farsamo uu Nuur Cadde jagada uga qaadi karo, Diihaal baana habboonaaday in laga dhigto Shakhsigii Nuur Caadde lagu kala tuuri lahaa, Cabdiwelina xeesha waa u ilbalaclaynayaa.

Cabdiweli waa Nin soo Qorshaysta 10 arrimood oo uu dan gaar ahaaneed ka leeyahay si uu meelmarsado tan u daran oo uu ku taamayo, dabadeedna kuwa kale mar kale soo rogaalceliya.

Farsamooyinka Loo Adeegsaaday Dhaleecaynta Nuur Cadde

Inta badan naynaasta Qofku waxay ka tarjuntaa dhabiicadda shakhsiga, Diihaalna waa yahay Nin rumaysay macnaha Magaciisa. Waxaa Keydmedia.net soo gaartay in rag badan colaad u rimman oo ku taamaya in Nuur Cadde uu dhabarjabin ku sameeeyey Sawladdii Cabdullaahi Yuusuf dokumenti sir ahna laga heli karo.

Diihaal waxay ahayd inuu Gacanta ku dhigo diiwaanka sirta ah oo Nuur Cadde xashinta ugu jira, si loo helo raad ama fursad loo cuskan karo shaqo ka qaadiddiisa. Waa in Gacanata lagu dhigo Xogta uu Nuur Cadde ka aruuriyey Cabdullaahi Yuusuf inta ay shaqada wada hayeen iyo kadib markay kala tageen.

Sidoo kale, waxaa la dabasocdaa sirta dhexmarta Nuur Cadde iyo Madaxweyne Shariif oo ku saabsan curyaamintii Cabdullaahi Yuusuf. Sirtaas oo Dhiihaal soo fago waxay guul iyo rayrayn u ahaan lahayd Cabdiweli, waxanna wiiqmi lahaa tixgelinta Shariif Axmad iyo Nuur Cadde ay ka samayteen Talyaaniga iyo Yurubta kale.

Ololaha Dhaleecaynta Nuur Cadde

Nuur Cadde markuu ogaaday Faragelinta badan oo Diihaal ku shaqo galay, albaabka ayuu kasoo xirtay, qufadihii sirtu ugu jirtana wuu barkaday. Diihaal isuma haysto, looma arkin, inuu yahay diblomaasi ka tirsan Shaqaalaha Safaaaradda ee waxaa loo arkay inuu tartan iyo xafiiltan ah kula jiro Safiirka qudhiisa. Cid walba geeska ayuu daaray, meel walbana wuxuu ku fidiyey warbixin dhaleecayn ah. Xiise aan jirin buu ka dhex-abuuray Safaaaraadda, wuxuuna ka dhigay mel Qabiil leeyahay oo lagu danaysto. Cid walba wax buu ka sheegay.

Safiirkii wuxuu ugu goodiyey in la furo bug tacsiyeed oo aan weli Bulshada Soomaaliyeed heshiis ku wada ahayn. Dil iyo jirxumayn been ah buu ka sheegtay shaqaaliha safaaradda. Wuxuu safaaradda soo geliyey carbanieri baara Shaqaalaha Safaaradda ayadoon iyadoo ayna ka dhicin wax fal-dambiyeed ah. Aflabadiis buu adeegsaday, saxaafaadda bahdiisuna waa u durbaan tuntay iyadoo u muujinaysa nin loo haysto middiyo dhaadheer.

Safaaraddii buu qiime riday oo uu ka dhigay meel beesha nuur Cadde leedahay. Wuxuu carbenieriga Talyaaniga ka dhaadhiciyey in qoys qura Safaaradda fadhiyo oo ku danaysto. Wuxuu carbanieri-ga ka dhaadhiciey in Nuur Cadde iyo inta la hayb ah ay soo kiraysteen rag dilaa ah oo Roma joogta inay naftiisa halis ku yihiin, sidaas darteedna wuxuu codsaday in la nabadgeliyo.

Buuqaas iyo fadqalalladaas Diihaal aloosay weli Cabdiweli tallaabo kama qaadin. Madaxweyne Shariif dhufays ayuu galay, Wasiirka arrimaha Dibadda waxba kama qaban. Waa dhacdo loogu talogalay inay wax sidaas u dhacaan si Cabdiweli uu u helo fursad uu Nuur Cadde ku kala tuuro.

Waxaa la yiraahdaa “Soomaalidu ma kala xog-ogaalsana ee waa kala xeelad badan tahay.”Waa laga yaabaa in Shaqaalaha jooga Safaaradda Roma ay u badan yihiin bahda Nuur Cadde. Waa laga yaabaan in xogtoodu u meelaysan tahay oo ay gaar u faqaan. Waa laga yaabaa inay si gaar ah isugu xiran yihiin ilaa ay ka bartaan cidda kussoo biirta. Waa lagaa yaabaa inay shaki ka qaadeen baadi doonka sirta Diihaal ku dabajiroo. Waa laga yaabaan in Diihaal ku dhibtooday helidda furihii uu Safaaradda ku rogrogi lahaa, taasoo keni karata in cid walba cadawsato.

Keydmedia oo rabto in ey Arintaas kala hadasho, jawaabtu waxey aheed “No Comment”!

Bahnimo iyo beelnimo sow ma ahan waxa Madaxda TFG-du kalsoonida iyo karaamada ay ku weyday? Sow ma ahan midda dhalisay boobka iyo sadbursiga Dalka ka taagan? Sow ma ahan midda Dadka qaarkiis u hanqal taago inay cunaan cad cid kale leedahay. Sow ma ahan midda qiime ridday habsaamidii Dawladu u shaqayn jirtey?

Bal u kuurgala Xafiiska Wasiirka 1aad ee arka xiisaha beeleed ee haalkaas ka socda. Waa suuq beelu leedahay ee ma ahan Xafiis ay u siman tahay Ummaadda Soomaaliyeed.

Bal Arka inta isku bahda ah oo Madaxa iskula jirta oo haraysay fadhiga xoghaynta Wasiirka 1aad: Waa xiirane iyo dhafoor-qiiq miiran oo aan cid kale wehelin, kuwaasoo dhammaantood laga soo xulay qurbajoogta Cabdiweli la la bahda ah.

Yaa Shaqosiin ugu maqan bulshada inteeda kale? Bal arka ciidanka u gaarka ah oo ilaaliya Wasiirka 1aad. Shufeerradiisa. Takhtarkiisa. Nadiifiyeyaasha Gurigiisa. Kuwa beerta Guriga waraabiya. Kuwa ilaaliya kadinka weyn oo guriga laga soo galo. Kuwa raashinka Suuqa ka keena. Kuwa kariya raashinka iyo kuwa Caanaha diiqalleeya. Bal arka kuwa gaarhayeenka ka ah Wasiisrka 1aad. Intuba Cabdiweli M. Caligaas bay ku hayb yihiin.

Ummaadda Soomaaliyeed, ha ahaadaan kuwa shaaha ku kariya kadika hore ee Villa Soomaaliya ama kuwa ku nool Alaska, waxay ka wada dharagsan yihiin in Xafiiska Wasiirka 1aad uu yahay goobta ugu weyn ee Geeska Afrika oo Qabyaaladda laga hoggaamiyo. Ummadda inteeda kale yaa u ah Wasiir 1-aad ah?

TFG-du Qabiilnimo ayee ku adeegataa oo waa laga tagey in Shaqada dawladda loo cuskado habkii shaqo-bixinta dawladeed ahaan jirtey oo ku salaysnayd: Xulqarameed, aqoon dheeraadi ah, waayoaragnimo, karti iyo hufnaan.

Qurba-Joog Sidata Warqado Uu Soo Qoray R/Wasaare C/Weli Oo Dhibaato Ku Haya Wadamo Ka Tirsan Yurub & Carabta & Dhacdo Fool Xun Oo Ka Dhacday Safaaradda Roma-Italy (Warbixin)

Sat, Mar 31st, 2012 – Waxaa muddooyinkii u dambeysay soo badanayey cabasho ka imaaneysa qaar ka mid ah safiirada dowladda Soomaaliya ay ku leedahay wadamo ka tirsan dalalka Carabta, Afrika & kuwa Yurub, waxaana cabashadani ka imaaneysaa safaaraddaha & diblumaasiyiinta u dhashay wadamada ay safaaradahaasi ku yaalaan ay ku saabsan tahay dhalinayaro sidata waraaqado laga soo saxiixay xarunta madaxtooyada dowladda ee Muqdisho oo dadka soo saxiixayna uu ugu horreeyo R/wasaaraha xukuumadda federaalka C/weli Gaas oo lagu farayo safiiradaasi in ay aqbalaan xilal loo magacaabay dhalinyaradaasi warqadaha sita.

“Waayahan waxaaa safaaradaha caalamka ku soo badanaya dad wata waraaqado duul duulaya oo uu ku saxiixan yahay C/weli, dadka waraaqadaha la wareegayana geddigood waa Majeerteen aan la barxin” ayuu yiri Xassan Jaamac Subeyr oo ka mid ah howl-wadeenada safaaradda Soomaalidu ku leedahay dalka Cumaan.

C/weli Xassan oo ka mid ah Soomaalida deggan magaalada Milano oo arrintan la socday, ayaa saxaafadda uga warbixiyey dhacdooyinkii ka dhacay safaaradda Roma, wuxuuna wax kama jiraan ku tilmaamay warbixino ay soo daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta, oo lagu soo bandhigay si ka duwan sidii ay wax u dhaceen, C/weli Xassan warbixin dheer oo uu soo qoray waxaan ku soo kooban qeybtan hoose:

Waxaa Talyaaniga yimid C/llaahi Faarax (Diihaal) oo warqadii uu sitay ay ku qorneyd in loo soo magacaabay xoghayaha 1-aad ee safaaradda, ninkaasi dadka Talyaaniga deggani aqoon uma aysan laheyn, hasse ahaatee Soomaalidu waa dad wararka aad u heli og, waxaa durba la ogaaday nin ninkani laga soo tuuray Mareykanka, muddooyinkii u dambeeyeyna isagoo xil raadis ah uu joogay Nairobi, markii u dambeysayna Xamar uu ku sugnaa isagoo qaab qabiil ugu hoos jiray Cumar C/rashiid markii dambena C/weli, oo weliba cid wax u dirsatay aysan jirin.

Qaladaadkii uu ka sameeyey xarunta safaaradda ee Roma.

Isagoo isticmaalaya baasaboorka diplomatic ahaa oo loo maleynayo inuu ka soo sameystay suuqa Cabdalla shideeyaha ee Muqdisho, ayaa iyadoo uu safaaradda ka maqan yahay safiirka ayuu askar keenay xarunta, isagoo ku dooday inuu yahay mas’uulka ugu sareeya safaaradda, aqoonsi buuxda kama uusan haysan dowladda Talyaaniga, waxaana markaa kadib lagu baraarugay sida ay askartii safaaradda timid ay ugu degdegeen in ay dhageystaan shaqsi sitay warqad, arrintaas dambi baaris ayaa ku socota oo ka socota wasaaradaha arrimaha gudaha & dibedda.

Wuxuu adseegsaday baasaboorkii diplomtic ahaa ee uu Xamar ka soo sameystay uu ka dhigtay kaar uu isticmaalo.

Safiirkii oo safaaradda ka maqan ayuu halkaasi qas ka sameeyey, wuxuu jajabiyey printer-kii safaaradda ay ku shaqeyneysay, safaaradii oo dhan buu qasay, wuxuuna ku qeylinayey meeshan Abgaal miyaa yeelanaya.? waxaa loo kala baxayaa Abgaal & Majeerteen.

Dhowr cisho markii uu Roma ku sugnaa ayaa wuxuu maalin yimid hoolkii ayu shaqaalaha safaaradda ku qadeynayeen isagoo uu la socday walaalkiis, waxaa loo sheegay in raashinkaasi loogu talogalay shaqaalaha safaaradda oo keliya, wuxuuna meeshii ka kiciyey qas & buuq isagoo yiri waa in la siiyaa walaalkeey qado, Abgaal oo dhan baa wax ka cuna, walaalkeey maxaa loogu diidayaa, uma uusan dhaqmin sida qof mas’uul ah, waxaana loogu jawaabay Soomaalidu ma ahan dad raashin kala jecleysta, walaalkaa maanta wax waa nala cuni karaa, balse waa inaad u hogaansantaa sharciga u degsan safaaradda oo ah in qof aan shaqaalaha safaaradda ka mid aheyn inuusan safaaradda wax ka cuni karin, waxaana hadaladii laga duubay ka mid ahaa “Abgaaloow waan is baran doonaa”

Dumarkii meesha joogay ayuu aflagaadeeyey oo uu ku yiri hadalo aan loo quurin in halkan lagu soo daabaco.

Waxaa jira shaqsiyaad Soomaali ah oo magaalada Roma & guud ahaan Talyaaniga caan ka ah oo gurbaanka u tumaya ninkan, shaqsiyaadkaas oo ay ku jiraan gabdho dagaal dhinaca qabiilka ah ku jira waxaan leenahay isku daya inaad xaqa ka run sheegtaan.

Ninkan la leeyahay Diihaal Mareykanka ayuu deganaa ballaayuu ka soo sameeyey, kaarkiisii wuu ka soo gubtay Mareykanka, Nairobi-Kenya qas buu ka kiciyey waa la wada ogyahay, waa wax aan weli ka dhicin xarun safaaradeed wixii uu ka sameeyey Roma, haddii ay wax u hareen ciddii Majeerteen aheyd ma waxey waayeen qof karti leh, intii ay ciyaala suuqiin ku soo deynayaan magaaladda.

Source: wehelmedia

————————————————————————————————————————————————

Prof. Cabdiweli Maxaa u Wehliya Aqoontiisa??

Waxaane moodaa in uu r/wasaaraha sheekh Shariif soo doortay Cabdiweli in uusan marna soo hadal qaadin gumaadkii Xabashiga u geeysatay shacabka degenaa Xamar iyo gobolada koonfureed xaqiiqdii waa double moral iyo qabyaalada in uu ku fogaaday,asaga oo aanan kala garan meesha xaqa ku jirto ee mudan in loo hiiliyo.

/wasaaraha cusubi Cabdiwali dadka aqoonta dheerka u leh ayaa ku sheega in uu yahay shaqsi wajiyo badan leh isagoo aadna u aaminsan fikradaha qabyaalada ku saleysan, waxaana xiligii uu C/llahi Yusuf madaxweynaha ahaa uu daabici jiray qoraalo uu aad ugu difaacayo dowladaas isagoo aad ulla  shaqeeyn jiray dowlada USA laamaheeda sirta iyo la taliyahii C/aahi Yusuf Al Azhari oo ahaa xigto aad ugu dhaw Col.C/llahi Yusuf.

Joornaal ka soo baxa dalka Mareykanka oo aad wax uga qora kooxaha islaamiyiinta gaar ahaa kuwa lagu sheego argagaxisada caalamka, Joornaalkan oo lagu magacaabo (The Long War Journal).

C/wali oo xiliga wareysigan la’layeeshay ayaa wareysigiisaas ku sheegay in xiligaasi la soo xirxiro madaxdii Midowga Maxkamadaha waxaana uu sheegay in Sheekh Shariif oo xiligaasi Madax u ahaa in uu yahay nin aanan la jecleyn dadka qunyar socodka ah waana in la soo xiraa ayuu yiri isagoo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray safiirkii Mareykanka oo ku sheegay Shariif in uu yahay nin qunyar socod ah. WUXUU YIRI  C/WALI ENGLISH:  Ferbruary 2007

I am outraged of the behavior of [the U.S. Ambassador] to Kenya. More than 3000 Somalis died because of Sheikh Sharif and ICU,” said Ali Abdiweli, a professor at Niagra University who is in contact with the Somali government. “[Sharif] should be put on trial. Here we go again saying that he is moderate…. This is nonsense and there is no way that Sheikh Sharif will accept any secular government. Actually, the behavior of the Ambassador will encourage the remnants of the Islamic Courts.”

Taariikhda Madow ee Dr. Cabdiweli Gaas

 

 Full News : keydmedia


Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment