Top Secret Tape – Jen. Morgan “Waa Dagaal Daarood iyo Hawiye”

Walaaleyaal, DPS waa xisbi siyaasi ah, ayna abuureen dad Soomaaliyeed oo isugu jira wax garad iyo aqoon yahanno, kuwaasoo aan ku imaan habayaraatee qaab qabiil, ama fikir shisheeye, balse ay isu keentay oo qudha u damqasho dadkooda iyo dalkooda iyo inay ka gudbiyaan marxaladda adag ee ay ku sugan yihiin.

DPS waa xisbi Dimoqraadi ah rumaysanna: In diinta Islaamka si quman loogu dhaqmo, mana jiro xaqsoor kan ALLE ka wanaagsan, mana jirto dimoqraadiyad aan tan ALLE ahayn. Soomaaliya waxay kusugantahay marxaladdii ugu xumayd qarniyadan, waxaa waddankeenna loo sooweeraray qaabab kala duwan geystayna xasuuq, dil iyo baabi’in dad iyo dalba, taasina waa marxaladda dhabtaa ee ay manta kusugan yihiin carruurteenna, dumarkeenna, waayeelkeenna, iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeedba, taasina ma’ahan mid waxgaradka Soomaaliyeed oggolaankaro.

Walaalahayga Soomaaliyeedow, aannu abbaaro mustaqbalka,balse aan jara jaleecno marxaladda aan maanta ku suganahay: waxaanu soo aragnay baaba iyo burbur, waanu soo aragnay qabiil, isdil, isnacayb; waxaanu soo aragnay xabaalo badan ooy sameeyeen beesha caalamku, balse xabaalaha ugu badan aanu dhexdeena iska dillay. Intaas kadib naxariista ALLE lagama quustee DPS waxay araagtaa rajo, ma ahan rajo keliyee waxay aragtaa nolol, farxad, iyo cabsi la’aan. Annagoo eegayna taariikhdayadii waagsanayd, Dhaqankayagii wacnaa, iyo gumaysi diidkii aabayaashayo & awoowe yaashayo ayna ahaayeen kuwo marwalba utaagan difaca dadkooda iyo dalkooda iyo weliba xallinta khilaafka ama mushkiladaha iyaga ka dhexdhaca; annagoo taas ka duulayna ayaan aragnaa in la xaliyi karo khilaafka dhexdeena yaal, cadawga hororkaa ee nakala qoqobayana aanu isku meel uga soo jeesan karno, dalkeenana aanu dib u dhisi karno, magaceennii iyo sharfteeniina sidaa ku soo ceshano.

Haddaba, DPS waxay aaminsan tahay ujeedka siyaasadeed oo qaabsaxan loo dejiyo loona hirgeliyo, una horseeda dalka iyo dadkaba deggenaan, masuuliyad, miyirqab, loogana gudbo qabiilaysiga, nafjeclaysiga iyo awood jacaylka, saa awgeed waxaan taageeraynaa in waqtiga xukuumadani & baarlamaankuba ku ekaadaan Aug.2012. Marimayso maanta: waa laga yaabaa in isbedel la helo ee waxay maraysaa waa khasab in isbedeel la helo, si loo badbaadiyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed

Waxaa jira barnaamij dhan oo DPS ugu hadlayso sida ugu sahlan ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga bixi karaan, dagaalka, colaadda, burburka baaba’a una talaabi lahaayeen nabad, isjacayl, dibudhis iyo horumar docwalba ah. Kaasoo aan kulamadeenna dambe si buuxda ugu soo bandhigi doonno.

Walaaleyaal, dawladi waxay awoodeeda ka heshaa dadka waxay ugu shaqaysaana waa dadka, dawladi waxay xaqnoqotaa markii dadku xalaaleeyo, dawlad ay xalaaleyeen UN iyo Beesha caalamku oon haysan kalsoonida shacabku ma ahan Xalaal. DPS marnaba ma rumaysna dawlad aan shacabku soo xulan, ee ku timid rabitaan shisheeye inay hoggaanka qabato. DPS waxay aaminsan tahay Somaliya Soomaali baa leh!!! Mustaqbalka Somaliyed UN, iyo Beesha caalamka midna shaqo kuma laha ee waa mid Somli gaar u leedahay.DPS wuxuu diyaar u yahay u adeegga mujtamaca Somaliyed, gaarsiinta horumar iyo nabad buuxda.

DPS waxay ku baaqaysaa xornimo, caddaalad, horumar, dastur cusub,iyo xukun dadka u adeega.

Walaaleyaal waxaa lajoogaa waqtigayagii, waa mustaqbalkaagii, DPS waxaa loo abuuray joojinta dhiiga iyo samatabixinta qaranka, ilaalinta diinta, xornimada, Dimoqraadiyada iyo sharafta shacbiga Somaliyed.

DPS waxay si xushmad leh usoo dhawaynaysaa fikirkiina iyo taageeradiinaba.

F.G. Waxaan Salaan diiran idiinka sidaa caawa Gug, xis DPS    Eng. Maslax Maxamed

Wabilaahi towfiiq.

Soomaaliya Soomaali baa leh

Xisbi Cusub Oo Uu Farmaajo Ka Dhex Muuqdo Oo Mareykanka Looga Dhawaaqay

Minneapolis: HN: Max’ed C/lahi Farmaajo ayaa sidii horay loo filayay uga dhawaaqay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka xisbi cusub oo loogu magacdaray Xisbiga Cadaalada iyo Sinaanta ee Tayo. Xisbigan oo ay xubno ku yihiin wasiiradii dowladii uu madaxda ka ahaa Farmaajo ayaa waxa gudoomiye looga dhigay Drs. Maryan Qaasim halka Xoghayaha Guud ee ururkana uu yahay Ra’isal Wasaare Max’ed C/lahi Farmaajo.

Xubnahan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xisbigoodan uu la tayo noqon doono dowladii loo bogay ee Farmaajo, waxayna ugu baaqeen dadweynaha inay taageeraan. Inkastoo  Farmaajo uu muujiyay hogaamin wanaagsan xiligii uu ahaa Ra’isal Wasaaraha, hadana umada Soomaaliyeed ma qiimeeyaan waxqabadka shaqsiga ee waxa xisbiyada iyo siyaasada loo taageeraa qaab qabiil, waxana xibigan cusub la qeybsan doona taageerada xisbi uu horay ugu dhawaaqay Jan. Maslax Max’ed Siyaad Barre oo ay isku heyb yihiin Max’ed C/lahi Farmaajo. Xisbiga Maslax ayaa loogu magacdaray Xisbiga Diqumraadiga Soomaaliyeed.

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Farmaajo oo reer Sweden casuumeen si ay ugu mahad celiyaan.

Sawirada Halkaan ka Daawo  

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayay dalka Sweden ku casuumeen, Soomalida halkaas ku dhaqan, kuwaas oo ka codsaday inuu kala soo qeyb galo, xaflad mahadcelin ah oo ay doonayeen inay sharaf iyo maamuus ugu muujiyaan R/wasaaraha, isla markaana uga mahadceliyaan, shaqadii wanaagsanayd ee uu qabtay intii uu xilka hayay.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayuu Farmaajo, kala soo qeyb galay, Somalida halkaas ku dhaqan, w waxaana goobta soo xaadiray madax iyo mas’uuliyiin aad u fara badan kuwaas oo isaga  kala yimid  wadmada yurub.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa bulsho weynta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan  midnimo kana shaqeeyaan qof kasta sidii dalka  loo gaarsiin lahaa nabad iyo xasilooni, waxa uu amaan iyo bogaadin u jeediyey  jaaliyadaha dibada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin wadaniyiin dalkooda  jecel sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in dareenkooda la dhageysto.

Goobta xaflada ayaa waxaa lagu  aruuriyey lacag loogu talo galay ciidamadii geesiyiinta ahaa ee ku dhaawacmay  dagaalada lagula jiro kooxda Alshabaab, waana markii ugu horeysay ee ciidamada qaranka Soomaaliya, jaaliyadaha dibaddu dhaqaale u aruuriyaan, waxayna ahayd tilaabo muwaadin kasta oo wanaagga dalkisa jecel uu ku farxi karo.

Halkaan ka akhri Buuga oo dhan Mohamed-Mohamed.pdf

War deg deg ah: FARMAAJO oo laga cabsi qabo in Maxkamad Caalami lasoo Taago”War Culus

Warar hoose oo aan helnay ayaa shegaya in Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan sheekh Aadan dacwad kadhan ah Ra’isulwasaarihii hore Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo ugudbiye Midowga Africa iyo qaramada midoobe waxaana arinkaan noo xaqiijiye xildhibaanada sida aadka ugu dhow dhow shariif xasan.

Shariif xasan ayaa waraaqdiisa ku qoray ashtako kadhan ah Farmaajo waxaana oo sheegay in khilaafka barlamaanka xiligaan kadhex taagan oo wado asaga isla markaa xildhibaanada kharashaad aad u farabadan kubixiyo sidi loo kale qeybin lahaa.

Waxa oo kale oo sheegay in dhibaato xoogan kuhaayo hirgelinta Roap Mapka isla markaa caqabado farabadan kahordhigo waxaana oo hoosta kaxariiqay in xiligaan oo wado qorshayaal shacabka soomaaliyeed wax xun laga fahansiinaayo shirka kadhacaayo bisha soo socota 23 magaalada London.

Ugu danbeyntii arinkaan ayaa imaaneyso xili Farmaajo kusuganyahe dalka Sweden halkaas oo kulamo kula leeyahe aqoonyahano somaliyeed asagoo kawarbixiye shirka kadhacaayo London oo kusheegay in soomaalida wax dan ugu jirin waxayna imaneysaa ayadaoo Farmaajo lagu war geliye in aan siyaasada soomaalida faraha lasoo geli karin isla markaa dalka oo isaga tago lagu soo hishiiye Magaalada Kampalla ee dalka Ugandha waxaana laga yabaa in qaramada midoobe iyo Midow-ga africa maxkamad soo tagaan farmaajo hadii kuhelaan edeymahaan.

Source: ogaalka

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s