FARMAAJO OO FAHAD YAASIIN doortay, Isagoo Sacuudiga Dhabarka u jeediyay , Turkiga oo isna jari doono dhaqaalaha bil walba uu siiyo Dowladda Soomaaliya haddii Sacuudiga ku aragti noqdaan

IMG_8874FARMAAJO OO FAHAD YAASIIN doortay, Isagoo Sacuudiga Dhabarka u jeediyay , Turkiga oo isna jari doono dhaqaalaha bil walba uu siiyo Dowladda Soomaaliya haddii Sacuudiga ku aragti noqdaan


 

IMG_8878Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sababta ugu weyn ugu dhiiran waayay in Dowladda Qadar xiriirka loo jaro isla markaana Soomaaliya ka mid noqoto Isbaheysiga Sacuudiga hogaaminaya ayaa la sheegay inay tahay abaalkii maaliyadeed ee Qadar u gashay Farmaajo xilligii Doorashada markaas oo Qadar ay bixisay lacagaha Farmaajo doorashada ku galay.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku khilaaftay markii hore in laga mid noqdo Isbaheysiga Sacuudiga ee xiriirka dhaqaale, socdaal cir iyo dhulka ku soo rogeen Qadar, hase yeeshe markii khilaafka xoogeystay ayaa Madaxda Dowladda oo kala mowqif aaminsan ayaa ugu dambeyntii isla qaatay mowqif dhexdhaxaad ah in laga noqdo Arrinta Qadar iyo Sacuudiga.

Hadaba Maxaa ku qasbay Farmaajo inuu qaato mowqifkan dhexdhaxaad ah

1- Qodobka ugu weyn ayaa ah iyadoo Qatar ay ahayd dowladii maalgelisay ololihii doorashada Farmaajo ee keenay in loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

2- Iyo qodobka labaad oo ah agaasimaha cusub ee madaxtooyada, ahna saaxiibka ugu weyn madaxweyne Farmaajo ninka lagu magacaaabo Fahad Yaasiin oo difaacaya dowladda Qatar, isla markaana balanqaad ka heysta Qatar.

Waxaa jirta arrin 3 aad oo Dowladda Soomaaliya ku qasbaysa inay dhexdhaxaad ka noqoto khilaafka Sacuudiga, Imaraadka iyo Qadar kaas oo ah dhaqaalaha faraha badan oo ay ka hesho Turkiga.

Haddii ay la safato Sacuudiga waxay weyn doontaa lacagata tirada badan ee Turkiga bil walba ugu deeqo Dowladda Soomaaliya.

Turkiga waxaa uu si dhow xulufo ula yahay Qadar, waxaana ka jooga Ciidamo sidoo kale raashin iyo qudaar ayuu geynayaa Magaalada Dooxa.

Seddaxdaas arrimood waxay sii xoojiyeen in Farmaajo u debci waayo cadaadiska Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaase laga cabsi qabaa in Imaaraadka uu fuliyo tallaabooyin lagu go’doominayo madaxweyne Farmaajo oo ay ka mid yihiin in laga horjeediyo maamul goboleedyada iyo kacdoon laga dhex abuuro Golayaasha Baarlamaanka.

SomaliaAgainstCorruptionMovement

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s