XOG: Gaas oo dejiyay dhisme ku kacay hal-milyan oo doollar oo uu ka iibsaday dalka Itoobiya, marwadiisa labaad ee uu dhowaan guursaday oo reer Soomaaliland ah.

IMG_8265XOG: Gaas oo dejiyay dhisme ku kacay hal-milyan oo doollar oo uu ka iibsaday dalka Itoobiya, marwadiisa labaad ee uu dhowaan guursaday oo reer Soomaaliland ah.

Posted on May 16, 2017 – Africorruption

Addis Ababa (Africorruption ) Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa ay u noqon doonta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya goob deegaan ah, markii uu halka ka gatay guri qiimihiisa uu ku dhow-yahay hal milyan oo doollarka Marekanka ah, sida ay oggaatay Raxanreeb oo soo xiganeysa ilo ku dhow madaxweynaha.

Madaxweynaha dhismaha uu ka gatay magaalada Addis Ababa,waxaa la sheegay inuu ku yaallo mid ka mid ah xaafadaha ay ka deggaan xarunta Itoobiya ganacsatada iyo dadka kale ee dhaqaalaha heysta, taaso sabab u ah guriga uu madaxweynaha gatay lacagtiisu inay gaarto 25 milyan oo lacagta birta Itoobiya ah, dhismaha oo aad u qurxoon lacag badana ku fadhiya dad badan oo gudaha Itoobiya ku nool ayey layaab ku noqotay madaxweyne dowlad-gobolleed ku yaalla Soomaaliya inuu iibsado.

“Madaxweynaha sida ay u muuqato, Addis Ababa waxay u noqon doonta meel uu ku nasto.” ayuu yiri qof ka mid ah dadka sida dhow ula socday dhismaha uu madaxweynaha ka iibsaday Itoobiya.

Madaxweynaha dhismaha uu lacagta badan ku bixiyay, wuxuu dejiyay marwadiisa labaad oo u dhowaan gursaday, oo sida ay oggaatay Raxanreeb ka soo jeeda gobollada Soomaaliland.

Dhaqaalaha badan ee u madaxweynaha ku bixiyay dhismaha iyo dakhliga ku baxay guurkiisa labaad ee dhowaan dhacay ilaa hadda ma cadda sida uu ku yimid, waxaan la ogeyn lacagtan badan in laga bixiyay khasnadda dowladda ama lugu helay magaca Puntland.

Lacagaha uu bixiyay madaxweynaha, waxaa loo arka marna inaysan ka fogeyn musuq maasuq, dadka fallan-qeeya dhaqaalaha ayaa sidoo kale sheegaya dhismaha uu iibsaday madaxweynaha in laga dhex arki karo dhaqaalaha badan ee u sida madaxa banaan u maamullayo.

Madaxweynaha wuxuu dhismaha la wareegay waqti ay Puntland ku jirtay marxalad adag oo kumanaan dad ah ay u baahnaayeen in loo gurmaddo, maaddaama gobolka uu hadda ka soo gudbayo xaalad adag oo abaar ah.

Puntland dad ayaa u dhintay gaajo,boqollaal qoysna waxaa ay ku cayrooben abaarti saameysay dalka oo dhan, waxaana qoysaska ay wali caawinaad uga baahanyihiin dowladda iyo madaxweyne Cabdiweli.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaan dhankooda sheegay inay oggaal u yihiin madaxweynaha sida xorta ah oo u dhaqaalaha Puntland u maamullo,iyadoo mararka qaar ay dhacdo inuu ku takri fallo daqli badan oo magaca Puntland lugu helay.

“Waxaa socda baaritaan ay wadaan xildhibaanno dhowr ah,waxaana hadda naga go’an si shaqsi ah madaxweynaha in lugula xisaabtamo.”ayuu yiri xildhibaan Baarlamaanka Puntland ka tirsan oo codsaday inan la baahin magaciisa.

Arrintan waxaa ay ku soo aadaysa xilli ay Puntland wali dhexda ugu jirto hoos u dhac dhaqaale,gobolka oo dhanna adeegyadda laga fuliyo kaliya waa kuwo ka yimaaddo hay’addo iyo shirkaddo shisheeyo oo dano gaar ah u fuliya dhammaan mashaaricda ay hirgeliyaan.​

Africorruption

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s