MA OG TAHAY IN Xasan Kheyre ku eedeysan yahay inuu si qaldan u maamulay miisaaniyada

IMG_1699MA OG TAHAY IN Xasan Kheyre ku eedeysan yahay inuu si qaldan u maamulay miisaaniyada, Mise og tahay in Sababta loogu deg degay xil ka qaadista Hanti dhawrka qaranka ay tahay?…..ku darso waa xabsi guri Nuur Faarax hanjbaadna waa lagu haaya, Xasan Kheyre oo ficilo xun ku kacaya

Hanti dhowrkii Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in lagu amray in aanu ka bixi karin Madaxtooyada, isla markaana la geliyay xabsi guri, inta uu socdo kiiska baaritaanka dilkii ay geysteen Ilaaladiisa.
Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo qadka taleefanka kula hadlay Wariyaha Jowhar.com ayaa sheegay in aanu soo gaarin warqad lagu amrayo in xabsi guri la geliyay, balse la soo gaarsiiyay fariin ah in aanu ka bixi karin Madaxtooyada oo uu degan yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay arrin siyaasadeed, isla markaana wixii dhacay ay tahay wax la siyaasadeynayo.

“Madaxtooyada kama bixi kartid ayaa la ii yiri, xabsi guri ayaa la i geliyay, mana hadli kartid, wax warqad ima soo gaarin, waxaa la ii leeyahay Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax oo intaa ku daray in xataa gaarigiisa la amray in aanu ka bixi karin Madaxtooyada.

Waxaa uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka inuu arrinta uu sii fogeynayo, isla markaana siyaasad u adeegsanayo, isagoo si gaar ah u carabaabay in kiisas uu horay ugu dhiibay oo ku saabsanaa dad la soo xirayo uu si hoose u xaliyay, isla markaana musuq maasuqay.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in aanu sharci u laheyn inuu xilka ka qaado, waxaa uu horay u sheegay inuu ka hadlay in Ra’iisul Wasaaruhu si qaldan u maamulayo miisaaniyada, taasna ay sharci aheyn.

Dr. Nuur Faarax ayaa ugu dambeyn sheegay in kiiskii dhacay iyo arrinta xil ka qaadistiisa ay isku soo aaday, balse ay jireen arrimo horay u taagnaa, waxa hada socdana ay yihiin kuwo ay siyaasad ka dambeyso.

Baarlamaanka Federaalka ayaa sida dastuurka qabo awood u leh xil ka qaadista Hanti dhowrka Guud, isla markaana Madaxweynaha uu ku soo saarayo digreeto.

 Africorruption News

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s