FARMAAJO IYO XASAN KHEYRE

IMG_1378FARMAAJO IYO XASAN KHEYRE oo Siyaasadaynaya kiiska Wasiirkii la dilay iyo Nuur Faarax Jimcaale oo lagu haysto dabagal uu ku haayay kiis ku saabsan Shirkado Shidaal oo dalaal ka ahaa Xasan Kheyre


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Kheyre ayaa la sheegay in ay siyaasadeeyan kiiska dilka Wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Sirajai oo ay dileen ilaalada Hanti dhawrka Soomaaliya Nuur Faarax.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa laga soo xigtay in Mr Nuur Faarax Jimcaale haatan xabsi guri yahay laguna amray in wax alla wixii docomenti ah oo ku saabsan Xasan Kheyre soo wareejiyo, sidoo kalena waxaa lagu amray inuusan Idaacadaha gudaha ka hadli karin.

Hantidhowraha ayaa amarrada lagu soo rogay saaka waxaa ka mid inuusan ka bixi karin Madaxtooyada iyo inuusan saxaafadda la hadli karin, maadaama ay baaris ku socoto kiiskii dilka wasiir Cabbaas Siraajo oo ilaaladiisa ay geysatay xilli uu la socday.

“Waxaa la i leeyahay ma hadli kartid, Madaxtooyada kama bixi kartid, lambarka gaarigeygana waxa la dhigay jidadka, waxa aan wajahayaa arrin adag”. ayaa laga soo xigtay Hantidhowrihii xilka laga qaaday oo warbaahinta gudaha ay la xiriirtay.

Diblomaasi Soomaaliyed ayaa u sheegay Newsomali.com in markii horeba Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Kheyre miiska u saarnayd inay shaqada ka eriyan Nuur Faarax laakiin ay waysanaayan qaabkii ay u mari lahaayan tanina u arkeen fursad kaga taqlusi karaan.

Sharciga hanti dhawrka weli ma saxiixan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, markii baarlamaanka u soo gudbiyay magacabista Nuur Faarax Xasan Sheekh hoos ayuu dhigay ma saxiixin sidaas darteed Farmaajo tallaabada uu qaaday waxaa u arkay fursad uu xilka kaga qaadi karo Nuur Faarax balse nidaamka uu maray ayaa qaldan.

Nuur Faarax ayaa la sheegay inuu daba socday kiis ku saabsan shirkado heshiis la galay Xasan Kheyre oo awalb dalaal u ahaa kuwaas oo shidaal ka baaraya soomaaliya.

Africorruption NEWS

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s