RA’IISAL WASAARE XASAN KHEYRE oo Cadaadiskii ka badiyay Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiir C/raxmaan Beyle, habka ula dhaqmo Xubnaha Wasiirada oo lagu tilmaamay nidaam ka baxsan sharciga kana hooseeya…..

IMG_7963RA’IISAL WASAARE XASAN KHEYRE oo Cadaadiskii ka badiyay Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiir C/raxmaan Beyle, habka ula dhaqmo Xubnaha Wasiirada oo lagu tilmaamay nidaam ka baxsan sharciga kana hooseeya…..


Africorruption – RA’IISAL WASAARAHA Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa awoodii sharci iyo midii maamul Golaha Wasiirada Soomaaliya la wareegay isagoo ku xadgudba xubnaha Golaha Wasiirada ula dhaqma si aan ku jirin mas’uuliyad kana hooseysa habka loola dhaqmo arday dugsiyada ama meel hooseysa.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre aysan isku wanaagsanayn Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle iyo Wasiirada Sportiga Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxaa jira Wasiiro kale oo Ra’iisal Wasaaraha si aad ah u bahdilay hase yeesha kiisaskooda hoos u dhigay.

Khilaafka u dhaxeeya Ra’iisal wasaare Xasan Kheyre iyo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo shaac baxay markii hadalo qalafsan labadaba isku adeegsadan xaflad Talyaaniga bilad ku guddoonsiinayay Afhayeenka Baarlamaanka Jawaari.

Laakiin waxaa lagu dadaalay in muranka labada dhinaca ee maamulka iyo is tixgelinta la soo afjaro.
Ra’iisal wasaaraha oo dhaqan madax adeeg iyo inuu keligiisa taliyo jaceyl ayaa diiday waan waantii laga dhex waday isaga iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Labadooda haatan iskuma wanaagsana, waxayna isku taag taagayan marka ay shirka Wasiirada joogan farahooda.

Sidoo kale Ra’isal Wasaare Kheyre oo fara geliyay Wasaarada Maaliyadda ayaa waxaa moodaa inuu haatan soo dhamaanayo sabirkii Madaxweyne Farmaajo u haayay Kheyre maadama Farmaajo aad u taageersan yahay Beyle.

Khilaafka Beyle kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha ayaa ah mid ka baxsan sharciga iyo nidaamka dowladnimo, waxaa uu soo jiray tan iyo magacabistii Beyle maadama Ra’iisal wasaaraha uu jagadaas la doonayay nin reer Puntland ah balse Madaxweyne Farmaajo ka diiday.

Saadaasha ayaa muujinaysa in Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Kheyre shirka london kadib soo shaaca bixi doono khilaafka iyo muranka dhinaca sharciga ee ka dhaxeeya.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa cadaadiska uu saarayo Golihiisa Wasiirada waxaa uu ku micneeyay la dagaalanka musuq maasuqa la degay soomaaliya hase yeeshe arrimuhu ayuu ka badbadiyay.

 

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s