AYAX TAG (TAGAY) EELNA REEB!!! (Qormo)


imageAYAX TAG (TAGAY) EELNA REEB

Ra’isul-wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Fashilmay C/weli Sheekh Ahmed, oo hada ku sugan deegaanada Maamul Goboleedka Puntland, asiga iyo rag kale oo sharwadayaal ah, horeyna ugu soo fashilmay siyaasadda dalka, caqabadna ku ah, Midnimada iyo deganaanshiyaha Koofurta Soomaaliya. Gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho. Waxaa loogu yeeray shir lagu sheegay Daah-furka Eerabotka cusub ee Boosaaso, balse BAROORTA ORGIGA KA WEYN, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo garwadeen ka ah Ruwaayadda lagu soo jilayyo Puntland.

Waxaa ku lammaansan, Ruwwaayadan HIIGSIGA 2016 maya Hoogga 2016, qaybta SHARWADAYAASHA, Raisul-wasaarayaashii hore: C/weli Sheekh Axmed, Cali Maxamed Geedi iyo Barre/Macalin hore (Jaamacad) laakin u waashay, Mar uun Xil culus haleygu aaminno, dariiqeediinna aan hayn C/raxmaan Macalin Baadiyow Waxay jilayyaan Ruwaayad hal abuurkeeddii berri hore laga tagay ( Rubac Qarni) 1991. Waa siyaasiyiin wada fashilmay iga dheh!!!! Qaran danbanna lagu aamini Karin dhamaantood.

C/weli SHeekh Axmed, waa Shaqsiga sanadka 2016, ugu af dheer Ruwaayaddaan, Markuu Media-ha hor yimaadana aananba war isu hayn, wuxuu ku hadlayo shar iyo qeyr, bilaa aqlaaq ah, jecelna iska hor keennista shacabka soomaaliyeed, ee ah Walaal, Xigto iyo Ood-wadaag, horeyna ugu soo fashilmay jagooyinka ugu sareeya dalka, intuu is celin kari waayay Goob shir ka dhacayay Garoowe, ayuu afka kala furtay, mar waxaan is irraahdaa, tolloow odaygu maka dhacsan yahay? Maya! Wax maa la siiyay? Yaa og hee, mayee, Sadar muuqda su’aal ka dhan.

Maaha markii ugu horeysay ee uu Shacabka Muqdisho ee dhibanaha ah markasta, uu ka been abuurto, colaad ka dhex raadiyo, intuu xilka hayayna, uu maalinba geed “TIIN” ah u abuurayay! Marag asigaa isugu filan, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan uu gaaray heerkii ugu sarreeyey, Colaad ba’ana uu ka abuuray Magaalooyinka Kismaayo ( Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe) Marka, Jowhar iyo B/weyne Beello walaalo ah oo wada dega, wuxuu kala jaray Gobolka Mudug, qabyaalad aawgii qaybna uu raacsiiyay maamulka Puntland si aanney GALMUDUG u balaaran. Barlamaankii Dowlada dhexe ee Federaalka fowdadii iyo qaskii uu ka dhex abuuray eel-keeddi weli wuu jiraa.

Heshiisyo lagu sheegay, shaqo Qaran, balse ahaa shaqo Qabyaaladeed waaggaasi, ayuu la soo galay, maamulka Puntland madaxda ka yahay C/weli Maxamed Cali Gaas, aabbaha ruwaayaddan cusub ee Hiigsiga maya Hoogga 2016, laakin danta iyo ujjeedka reer Puntland (Qayaanno aabaheed)wuxuu ahaa markaa, inuu meesha ka baxo Raisul-wasaare Cabdiweli Sh. Axmed, si cadkaasi ay fursad ugu helaan (Puntland) una buuxiyaan kursiga uu asiga iyo beeshiisaba ka dacay, waxeeyse filan waa ku noqotay Markii lagu badalay, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’ake, kana soo jeedda maamulka Puntland, Soomaalidu inta badan waxay aaminsanaayeen, odaygu Dabinkii loo dhigay wuu ku dhacaye, muxuu milicsan doonnaa ?? Xigmaddii Soomaaliyed ee aheyd, “Mar I dage alle ha dago mar labaad idage’se anaa is dagay, kuma cibro qaadanne Mar labaad ayaa loogu yeeray ruwaayad kale oo loogu Wanqalayyo “Hiigsiga cusub maya Hoogga cusub ee 2016”

si loogu jid maro, mar labaad nacasnimadiisa, aan garashada laheyn, Naceybka iyo qabyaaladda xadkeedii buux dhaafisay Ayuu intuu is hayn kari waayay fooshii uu waayadanba la daala dhacayay Kenya, ummusheedii nasiib u yeelatay, (marqaati) Maamul Goboleedka jid iyo jaha diidka soomaaliyeed (Puntland) wuxuu ku tilmaamay Shacabka Xamar, in ay Bililiqo ku heystaan Xukunka, qaar guryo haystaan, qaar kale ganacsigii dalka oo dhan u xiran yahay! Eeg lifaaqan hadalkiisii oo cod ah.

Read More :http://caasimadda.com/

Waa nin nuuceeya C/weli Sh. Axmed? Shacabka Xamar kaalin intee le’eg ayey bulshada kaga jiraan?

Waxaan filayaa, cinwaanka maqaalka waxaan u soo qaatay, markii Baarlamaanka kalsoonida kala noqday , maqaal dheer oo aan ka qoray odaygu, Ayaan Cinwaan kaga dhigay “AYAX TAG EELNA REEB” eeg lifaaqan,

Read More: MomentYuulka

C/weli Sh. Axmed markii Madaxweynuhu kala soo dhex baxay tobaneeyo qof, Ummadu waxey is laheyd tolloow kanni ma noqon doonaa kii loo “ayyo” mase noqone wuxuu isla markiiiba bilaabay, hab qabyaaladeed, dalka oo la ciir ciirayay colaadihii sokeeyana wuxuu geliyay mowjado is diidan, colaado, gobolada qaar ka soo cusboonaaday, iyo is qab qabsi hey’adaha dhexdooda ah. Durbadii raadiyowga iyo tv-ga dowlada markii laga sheegay/daawaday Magaciisa iyo muuqqiisa, dad badan, oo indheer garato ah horeyna u garanayay ayaa afka iyo gacanta isa saaray, kuna dhawaaqayay soomaaliya, meeshii iyo meel ka xun ka filo!!!! Gabood fallo uu geystay dhowr iyo sideetameeyadii, Weriye, C/laahi Nuur Kolombo, ayaa maqaal dheer uu ka qoray ku sheegay Magacaabistiisa in ay aheyd ”MAALIN MADOOW”

Wuxuu soo daliishaday heerka qabyaaladeed ee C/weli Sh. Axmed, ku dhex lahaa Ardaydii ay jaamacada wax ka wada baranayeen, asigoo adeegsanaya Awooddii dowladii kacaanka ee ina adeerkii majaraha u hayay, asigoo u arkayay ardayda qaar ee uu heyb soocayay in aaney mudneyn in ay ilaa heer jaamacadeed gaaraan! Intii ay jirtay dowladii kacaanka waayaddii danbo, wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii lagu naas nuujinayay, kuna tagri falayay awoodda dalka. Ma qoslo, ma kaftammo, wejigiisa carro carro dhaaftay baa laga dheehanayaa, inaanuu naxariis laheyn, qabyaaladuna ay dillootay ka garo foolkiisa!

Ka daroo dibbi dhal, Markuu xafiiska yimid, wuxuu faragelin toosa ku hayay awoodda Madaxweynaha ee dastuurku u ogolaanayo magacaabista sida Taliyaasha Ciidanka, wuxuu magacaabay, nin taliye ay isku hayb yihiin, fal danbiyeedyo horena ka geystay Magaalo madaxda Muqdisho, xiliggii kacaan ku sheegii dalka gubay talada uu hayay, Taliyahaa oo Baxsad ka ahaa, dowlada Canada, dadkii uu ku ciqaabay xamar, kadib burburkii dacwad ay ka gudbiyeen, ka gadaalna uu dhuumasho ku soo galay kenya, waa Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan, dhowaana ku geeriyooday Muqdisho, asigoo xilkii haya taliyanimo. Markey tii rabbi u timidna uu Raisul-wasaarahu yiri, waa la summeeyey, wuxuu qarash badan ku bixiyay diyaarad qaas ah, si baaritan caafimad loogu soo sameeyo Kenya. Magacaabistaasi oo aheyd mid sharci jebin ah, mid qabyaaladeed intuba! Geerida dabadeed, wuxuu si ku meel gaar ah u magacaabay, taliye ku meel gaar ah, Jen. Cusmaan Cumar Wehliye, wallow uu ahaa taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliiska si ku meel gaar ahna uu xaq u leeyahay, hadane Raisul-wasaaruhu foowdo ayey ka aheyd, In jen, Cusmaan Cumar Wehliye, loo arko shaqsi ay isku beel yihiin Madaxweynaha, mayee waxay ka ahayd shalay ina adeerkaa ayaad magacowday adoo jabinaya xeerkii dalka u yaallay, ee halaguu arko nin shaqadiisu ka daacad tahay.

Aan ku barro’e Shacabka Muqdisho, in ay yihiin masaakiin u gargaar (koris)!

Shacabaka Muqdisho, waxay kaalin, mug weyn ku leeyihiin guud ahaan miisaanka dalkoo dhan, Hadey noqon laheyd, dhaqan iyo derisnimo dhowrka, Ganacsiga, SIyaasadda, Ciidamada, Muqdisho waa magaalada kaliya ee dad iyo degmaba ugu badan hadii loo eeggo gobolada kale ee dalka, waa dadka ugu nugul gacan qabashada soomaaliga liitta, tusaale, Puntland abaartii ka dhacday, shacabkaan dulman ee sabarka badan leh, waxey iska soo aruuriyeen 200,000 US ah, ayagoo ku caawinayay Duufaantii ka dhacday Puntland, halka Puntland ay Miishaar la daba taagan tahay shacabka Muqdisho, taasoo laga dheehan karo heerka ay ka joogaan Soomaalinimada iyo Midnimada! Ganacsatada aad u gaftayna waa kuwa Markab tankiisu culus yahay u diray wadanka Yemen, si ay ugu soo daad gureeyaan walaalaha Soomaaliyeed ee dirirtu ku qabsatay, ayagoon u eegin qabiil, halka reer Soomaalilaan, dadkii tirada yaraa ee Berbera ka soo dagi lahaa, lagu ciqaabay! Shacabka, Muqdisho, waxaay bixiyaan Caanshuur aanney bixin Gobol kale, dowlad kasta oo timaadana wey marti geliyaan, xitaa tii Kacaanka muqdisha laf dhabar u ahayd, inteey koriso bahalo sida C/weli Sh. Axmed iyo Gaas ayay masas ku noqdaan.

Waxeey lacag u direen AUN fanaankii weynaa ee ka geeriyooday Qaranka, Maxamed Suleebaan Tubeec wadanka Jermalka. Shacabka Muqdisho abaar kasta oo ka dhacda dalka, waxay guryo iyo buushash ugu sameeyan daafaha iyo magaalada, Waxaanse weydiin lahaa, Odaygani ee doonaya inuu xil danbo ka qabto Soomaaliya Muqdisho ku abaal dhacdaye Garoowe Goof makuugu yaal?

Shacabka Muqdisho, waxay abaal u hayaan cid kasta oo soomaalinimmo kula dhaqanta, waxaan ka xusi karaa kaliya Sida Maxamed C/laahi farmaajo iyo Cabdi faarax Shirdoon saacid oo aad isku hayb tihiin, laakin ah dad aqlaaq iyo soomaalinimo ay ku jirto, Adiguse taariikhdad baal mugdi ah ka gashay, rajo danbo kama qabno na hogaamiso, weliba adiga iyo Sharwadayaasha kula xantamma, adigoo nool ayaad shacabka Muqdisho ku hor dhimatay, adiga iyo Xertaada sida C/weli Maxamed Cali Gaas, iyo SABSABLAYAASHA kala ah, Cali Maxamed geedi iyo C/raxmaan Macalin baadiyow, labadaan danbo, Dan kama laahan halkeey doontu u shiraacato, waayo waxay og yihiin, in aaney cod ku lahayn halkay ka soo marqaan tageen, Muqdisho, tashatay, kana tashatay Sharwadayaasha qayrkood ka haray!

AYAX TAG (TAGAY) EELNA REEB!!! (Qormo)

 

image image

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s