Fadeexad Waji Cusub Yeelanayso:Shirkadda Soma Oil and Gas oo Dowladda Somalia Dusha Ka Saartay Fadeexadda Lacagaha Shirkadda Soma Oil and Gas.

Fadeexad Waji Cusub Yeelanayso:Shirkadda Soma Oil and Gas oo Dowladda Somalia Dusha Ka Saartay Fadeexadda Lacagaha Shirkadda Soma Oil and Gas.

Michael Howard Soma Oil and Gas chairman Michael Howard,oo ah Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas

Africorruption – Wasiir ka tirsan dowladda Somalia ayaa warqad u qoray Michael Howard sanadkii lasoo dhaafay kana codsaday taageero dhaqaale oo ay ka rabaan shirkadda Shidaal laga leeyahay UK waxaana lacagaha ay shirkadda Soma Oil and Gas siisay madaxda dowladda Somalia haatan ay xudun u noqotay baaritaanka fadeexado shirkadaas ay dhex taallo.

Michael Howard,oo ah Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas ayaa soo bandhigay Nuqulka qoraal la sheegay inuu Wasiirkii Batroolka ee Somalia ku codsaday in la siiyo Taageero Dhaqaale sannadkii hore, taasi oo sababtay inuu Michael Howard bartanka ka galo Fadeexadda Taagan.

Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inay arkeen nuqul ka mid ah Qoraalkaasi uu soo diray Wasiirkii Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Somalia, iyad oo ay Warqadaasi ku taariikheysnayd bishii March ee sannadkii 2014-kii.

Warbixinta Guddiga QM ee Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu xusay jiritaanka qoraalkaasi oo Shirkadda Soma Oil and Gas looga codsaday taageeradda dhaqaale oo lagu fulinayey dayactirka Xafiisyo, Mushaaraad iyo Kharajka La-talinta

Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyska The Financial Times ku muujiyey inuu saxiixay Qoraalkaasi si uu Heshiiska u sii socdo, wuxuuna sabab uga dhigay Doorka Dowladda Britain ee taageeridda Dowladda Somalia.

Warbixin ay Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Somalia iyo Eritrea soo saareen bishan August 3-dii, waxay ku sheegeen inay Shirkadda Soma Oil and Gas siiyeen Saraakiil ka tirsa Wasaaradda Batroolka Somalia lacag dhan 360,000 oo Dollar, oo ay Shirkaddu u bixisay si ay ugu guuleysato Qandaraaska Shidaalka iyo Gaaska looga baarayo Xeebaha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Somalia iyo Shirkadda Soma Oil and Gas waxay Bishii August ee sannadkii 2013-kii kala saxiixdeen Heshiiskaasi oo Shirkadda xuquuq u siinayo sahminta iyo soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee Xeebaha Somalia

Michael Howard,Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, waxa uu horey uga qeyb galay Shirweynihii Caalamiga ee Maalgashiga Somalia oo bishii May ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda London, kana qeyb galay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud.

Links-kaan ka Akhriso Warbixinta uu Qoray Wargayska Financial Times http://www.ft.com/intl/cms/s/0/dedbada0-3d19-11e5-bbd1-b37bc06f590c.html#axzz3iLdk8NBL

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s