Xildhibaanada mooshinka wada oo ka soo horjeestay go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka

Xildhibaanada mooshinka wada oo ka soo horjeestay go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka

Xildhibaanada mooshinka wada oo ka soo horjeestay go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka

Africorruption – Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka wada Xukuumada ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka, kaasoo ahaa in ajandaha mooshinka uu dib u dhigay ilaa laga xalinayo khilaafka iyo xasilooni darada ka dhex taagan fadhiyada Baarlamaanka.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ahaa mudanayaal shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka aanu is qabaneyn, isla markaana mooshinka ay ka keeneen Xukuumada uu soo maray marxaladihii looga baahnaa.

“Mooshinka Xildhibaanada keenay ee tiradooda aheyd 138-marxaladihii sharciga ahaa ayuu soo maray, Gudoonka Baarlamaanka wuxuu ku muujiyay qoraal in mooshinka sharci yahay, uuna la yaalo Baarlamaanka, marka waxaa rabnaa Gudoomiyaha inuu sharciga iyo xeer hoosaadka uu heysto inuu ku dabaqo Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Cirro.

Waxaa uu sheegay in hadii ay yihiin aqlabiyada baarlamaanka ay degenaan muujiyaan, isla markaana aanay carqalad ka sameyn baarlamaanka, waxaana uu xusay in dhinaca kale ee carqalada ka waday Baarlamaanka ay ahaayeen kuwo tiro yar, isla markaana Gudoonka laga doonayo inuu wax ka qabto oo uu sharciga adeegsado.

“Ma ahan in qoraal kaliya lagu dhaho waxaa jirta xasilooni daro, Gudoomiyuhu wuu heystaa xeer hoosaadka waana inuu taas ku dhaqmaa, waxaa leenahay raga kale ee saaxibadeena ah hadey tiro hayaan ha yimaadeen maalinta axada”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Gudoonka Baarlamaanka oo go’aankiisa ku sheegay in mooshinka la qeybiyay, isla markaana shalay uu saddex jeer uu weydiiyay xildhibaanada in mooshinka la qeybiyay, uuna cayimay mudada la qabanayo dooda mooshinka oo ah Maalinta Axada oo taariikhda ku beegan tahay 30-ka bisha.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in aanay raali ka aheyn in waqtigii uu Gudoomiyaha mudeeyay ee mooshinka laga doodayo in dib loo dhigo, isla markaana aanay jirin cid meesha ka saari karta mooshinka ay wadaan.

Dhinaca kale Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inuu garan la’yahay sababta Gudoomiyaha Baarlamaanka uu xeer hoosaadka u adeegsan la’yahay, isla markaana gacmihiisa ku jira, waxaana uu xusay in aanay raali ka noqoneyn tiro yar inay isbaaro dhigtaan oo ay fowdo iyo buuq sameeyaan.

“saaxibadeena Xildhibaanada waxaa leeyahay shalay markii aad mooshin ka keeneyseen xukuumadii saacid waa ka doodeen, si degenaan ayaa baarlamaanka lagu keenay, maantana fowda sameyneynaa iyo isbaaro cid yeeleyso ma jirto”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa nasiib daro ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha, isagoo sheegay in shalay 184 ay kalsooni siisay, isla markaana aanay aheyn inuu kala qeybiyo Baarlamaanka sida uu yiri.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaanadan mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa jawaab u ah go’aan ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka oo ka koobnaa 10-qodob, kaasoo uu kaga hadlayay arrinta mooshinka iyo in mooshinka uu la yaalo Baarlamaanka, isla markaana inta xal laga gaarayo nidaam darada iyo xasiloonida darada ka jirta Baarlamaanka dib loo dhigay.

image image image

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s