Sharta Cabdiwali Shalay ayeey jirtay!! (Bal arag taariikhdiisii hore)

imageBarasho horteed ha I nicin
~Get to know me, before you reject me ( don’t hate and stereotype something or someone before you get to know)

Ararta ka dib, horta laba Cabdi Wali waa kuwama? Sadarradan sii raac aad baratide. Horraantii sideetameeyadii mudane C/wali Axmed Maxamed waxuu ka mid ahaa guddiga Ardeyda ee Jaamacadda, oo uu booskaas ku heley si qabyaaladaysan. C/wali Axmed Maxamed iyo Cabdirasisaq Juriile oo ahaa ninkii mashruucii FIA ee Talyaaniga musuqmaasuq Malaayiin Doollar ku cuney, loogana shakisan yahay inuu gacan ku lahaa sunta lagu aasey Gobollada Bari, ayaa waxey Jaamacadda gudaheeda ka sameeyeen liis ay ku qoran yahiin ardeyda aan ku haybta ahayn ee Jaamacadda dhigata in gebi ahaan Jaamacadda laga eryo, weliba kuwa sida gaarka ah waxbarashada ugu fiican. Eryidda ardadan waxaa luugu marmarsiyooday iney sida caadada ahayd KACAAN DIID ahaayeen –wax la diido muusan ahayn?-, ayna kala qeybinayeen ardada. Bal xasuusi kan xusaya Maalinta madow ee 21ka oktoobar waxan iyo waxa la midka ah ama ka liita.

Isla markii uu Jaamacadda dhammeeyey Cabdi Wali ayaa waxaa madax looga dhigey mashruuc la dhihi jirey SUUQGEYNTA XOOLAHA, halkaas oo uu 3 Milyan oo Doollar oo mashruuca loogu talagaley uu si toos ah u lunsadey, isagoo laba guri oo waaweyn ka dhistey, mid xaafadda BOOLI QARAN, guriga kalena xaafadda Yaaqshiid. (Xogtan waxaan ka soo xigtay, Wariye; Abdulahi Nur Colombo) inta aan la ogaynna ka badan. Qof walba oo la yaabban jagada degdeg ama sahalka lagu gaaro, mudane C/wali Axmed ha ka tusaale qaato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda bilaabay inuu ka qayliyo kana gilgisho tallaabooyin uu Sharci daro ku sheegay oo Ra’isul wasaarihiisa Cabdiwali uu ku dhaqaaqay, waxayna gilgilashada Madaxweynuhu timid xilli aan wax badan la qaban karin, sida ay dadka xog-ogaalka ahi aaminsayihiin.

Waxay ahayd inuu Madaxweynuhu horay uga fiirsado ujeeddooyinka Cabdiwali iyo tallaaboyinka Siyaasadeed ee uu qaadayay, kuwaas oo qaarkood tusaale ka bixinayay damaca uu Ra’isul wasaaruhu leeyahay iyo waxa uu soo wado.

Bal aan dib u xusuusano arrimo dhowr ah oo uu ku dhaqaaqay Cabdiwali lagasoo bilaabo markii xilkan loo dhiibay, iyadoo arrimahaas ay dadku aad u cambaareeyeen, balse aanu Madaxweynuhu waxba ka oran codadkaas cambaareynta ah ee shakiga galinayay ujeeddooyinka dambe ee Cabdiwali.

1. Markii ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh lasoo magacaabay, waxa ugu horreeyey ee shaqo uu ka billaabay kadib markii uu magacaabay golaha wasiirada, waxa ay ahaayeen inuu colaado iyo naceyb qabyaaladeed dib usoo nooleeyo, isaga oo si gaar ah u bartilmaameedsanayey beelaha Hawiye.

2. Waxa uu tagay Kismaayo, isaga qabyaalad darted ugu hiiliyey kooxda Axmed Madoobe, iskana indha tiray xuquuqda dadka qabaa’ilada badan kasoo jeeda ee dega gobollada Jubbooyinka. Xitaa Barre Hiiraale oo asaga dad ugu dhow ayuu ku yiri “Axmed Madoobe isku dhiib”, sababta oo ah Cabdi Weli waxa uu is-baheysi ka raadinayey maamulka Puntland, waxaana Barre Hiiraale lala xiriirinayey beelaha Hawiye.

3. Waxba waxbaa ka daran’e, Cabdi Weli waxa uu socdaal ku tagay magaalada Marka, ee gobolka Sh/Hoose, isaga oo hub iyo lacag isugu daray maleeshiyada Biyo-Maal ee xiriirka la lahaa Al-Shabaab, una sheegay inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah beelaha Hawiye.

4. Waxaa taas xigay in Cabdi Weli, oo fulinaya siyaasad ah “Hawiye yaysan saameyn ku yeelan federaalka”, uu gobolka Shabeelaha Hoose uu ku biiriyey gobollada Bay iyo Bakool, ayada oo xaqiiqdu tahay in dega gobolkaas ay beelaha Hawiye yihiin. Xitaa maamulka lixda gobol oo diiday arrintaas, waxaa lagu been abuurtay magaciisa, si qorshahan loo meel mariyo.

5. Dhammaan arrimahaas waxa ay ahaayeen kuwa qabyaalad iyo naceyb fog ku dhisan, balse Xasan Sheekh ma lahayn kartida uu dadkii uu magacooda ku helay xilka ugu doodo, ugana joojiyo xadgudubyada lagula kacayo. Intaas waxa uu Xasan Sheekh dhaafsanayey xilkiisa, maadaama ay jirtay in kooxda Nicholas Kay ee Soomaaliya maamusha iyo kuwa gobolka ay la safteen Cabdi Weli, maadaama uu ku xirmay dhinacyo aan qarannimada Soomaaliya iyo sharafteeda wax dan ah ka lahayn sida Axmed Madoobe oo gobollada Jubbooyinka siiyey Kenya iyo Puntland, oo Ethiopia iyo Kenya si aad ah ugu dhow una fulisa qorshaha ah in midnimada laga ilaaliyo Soomaaliya.

6. Haddii Xasan Sheekh uu dadkiisa u doodi waayey, waxa ay sheekadu tagtay in awoodihiisa dastuuriga ah ee madaxweyninimo lagu soo fara-geliyo, oo ah magacaabista iyo xilal ka qaadista taliyayaasha ciidamada.

Qodobka 90-aad ee dastuurka oo ka hadlaya awoodaha madaxweynaha, waxaa faraciisa 3-aad iyo 4-aad ku xusan sidan:-

3 – Madaxweynaha Wuxuu magacaabaya Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, shaqadana wuu ka qaadi karaa.
4 – Xil ka qaadista Saraakiisha Dowladda Federaalka waxay ku imaanaysaa sidii markii hore lagu magacaabay.

7. Hase yeeshee markii ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu xilalka ka qaaday General Saacid iyo Generaal Bashiir Goobe, oo kala ahaa taliyayaashii booliiska iyo nabad-sugiida, kuna beddelay Generaal Maxamed Xasan, oo ay isku beel yihiin, iyo Cabdullaahi Sambaloolshe, waxa ay ahayd tallaabo “Baraarug” u ah Xasan Sheekh, waayo Cabdi Weli waxa uu faraha la galay awood uusan lahayn oo dastuuri ah. Waxa ay ahayd tallaabo uu ku tijaabinayey Xasan Sheekh, balse Xasan ma uusan fahmin. Maadaama Cabdullaahi Sambaloolshe uu abti ugu aadan yahay Xasan Sheekh, uuna xilka la rabay. Wuxuu go’aansaday inuu ka aamuso. Nasiib-darro, Xasan Sheekh oo aan iskuul culuumta siyaasadda soo dhigan, xil ka horreeyey madaxweynenimo-na aan soo arag, ma uusan fahmin sawirka weyn ee ficillada Cabdi Weli ay bixinayaan.

8. Mundul ninkii dhisaa ka weyn, ayaa ah maahmaah Muqdisho aad looga adeegsado, Haddii Cabdi Weli uu magacaabay Sambaloolshe, maxaa u diidaya inuu xilka ka qaado, waa maya?. Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, waxuu haddana mar kale galay xeendaabka Xasan Sheekh, kana ceyriyey shaqada Sambaloolshe. Xasan Sheekh maalmo ayuu is-diidsiiyey, balse waa la sabarsiiyey, waana markii labaad oo awoodiisa loo soo dhaco. Ficilladaas oo idil waxa ay gogol xaar u ahaayeen waxa gadaal kasoo socdo, ee Cabdi Weli uu soo waday, laakiin Xasan ma fahamesaneyn, haddii uu dareensanaana, ma lahayn awood iyo karti uu isaga qabto.

9. 14-kii October 2014, ayaa Cabdi Weli oo saddex maalmood joogay Puntland, waxa uu heshiis la galay Cabdi Weli Gaas iyo maamulkiisa, oo markii horeba ay xulufo ahaayeen. Aniga heshiis uguma yeerin, ee waxaan u fahmay in Puntland loo ogolaaday wixii ay rabtay, sababta oo ah qodobada heshiiska oo gebigoodba ayada u xaglinayey. Marka laba dhinac ay is hayaan, oo qodobo miiska lasoo saaro, waxaa caadiyan dhinacba uu ka tanaasulaa dhowr qoodb, si xal loo helo, hase yeeshee marka hal dhinaca wixii uu miiska soo saartay loo wada yeelo, taas heshiis lama yiraahdo. Cabdi Weli waxa uu Puntland u saxiixay heshiis lagu dulminayo dowladda, qarannimada Somalia, dastuurka iyo beelo gaar ah.

10. Haddii dhammaan dulmiyadii Cabdi Weli uu ka aamusay ama ku raacay, waxaa Xasan Sheekh loogu yimid gurigiisa kadib markii shalay xilka laga qaaday wasiirkii uu ku dhaartay ee Faarax C/Qaadir, oo dadka qaar ay rumeysan yihiin inuu madaxweynaha isaga gadaal ka maamulo.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s