Press Conference Opening Remarks of Jeremy Schulman August 12, 2014

Shirkadda Shulman Rogers oo iska Fogeysay in ay lunsatay Hantida Somalia – Video

Minneapolis (Moment Crisis Group) – Shir jaraa’id oo magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu ku qabtay mid ka mid ah madaxda shirkadda Shulman Rogers oo sharciga ka shaqeysa ayaa beeniyay markii ugu horreysay inay ku lug lahaayeen lunsashada hanti ay Soomaaliya leedahay.

Warbixin Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay loo gudbiyay bishii hore ayaa lagu sheegay in lunsashada hanti ay Soomaaliya lahayd oo ku xayirnayd in muddo ah bangiyada calaamka, iyadoo arrintaas lagu eedeeyay madaxweyne Somalia, Xasan Sheekh, wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo haatan ka mid ah xildhibaannada golaha baarlamaanka Somalia iyo shirkadda Shulman Rogers.

Jeremy Shulman ayaa shirka jaraa’id ku sheegay inuu shirkoodan yahay mid ay ku doonayaan inay ku caddeeyaan inaysan ku lug lahayn eedeynta ay soo jeediyeen guddiga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

“Maanta waxaanu doonaynaa inaan shaacinno inaanan lug ku lahayn eedeyn ay soo jeediyeen xubno Qaramada Midoobay ka tirsan, waxaana doonayaa in aan halkan ka caddeeyo in eedeynta shirkadda loosoo jeediyay ay tahay mid been abuur ah oo la dhoodhoobay, warbaahintuna si qaldan uga hadashay,” ayuu yiri Jeremy Shulman.

Sidoo kale, Shulman ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo uu soo bandhigay guddiga daba-galka, waxaana filayaa inay yihiin kuwo ay iska soo urursadeen oo aan xaqiiqo ku saleysnayn.

“Eedeymaha loo jeediyay shirkadayda, madaxweynaha Soomaaliya, wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya iyo dadka kale ee la sheegay inay ku lug leeyihiin arrintan waa been iyo aflagaado. Hadda waxaan diyaarinaynaa tallaabo dhinaca sharciga ah oo aan wax uga qabanayno kuwii warbixintaas soo diyaariyay,” ayuu yiri Jeremy Shulman.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale xusay in hanti Soomaali leedahay oo meel kale loo leexiyay ama cid gaar ah la siiyay inaysan jirin, isagoo warbixintaanna ku tilmaamay mid la mid ah tii sannadkii hore uu isla guddigan soo saaray.

Dhanka kale, mar uu ka hadlay kaalinta ay shirkaddiisu ku leedahay inay dib u soo celiso hantida Soomaaliya ayuu sheegay inay muddo dheer howshan ku jireen, ayna lasoo shaqeeyeen xitaa dowladihii hore ee Soomaaliya.

“Runtii in hantidii Soomaaliya la raadiyo ma ahan mid fudud, innagoo hadda ku guuleysannay inaan dib u soo celinno 33-milyan oo doollar oo ay lahayd Soomaaliya, waxaana si toos ah ugu wareejinnay dowladda sharciga ah ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Shulman.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay in tan iyo markii dowladda hadda jirta ee dalka Soomaaliya inay xoogaysatay howshooda ku aaddan soo celinta hantida ay leedahay Soomaaliya, waxaana rumeysanahay buu yiri inay sannadaha soo socda sii xoogeysan doonaan dadaalladaas.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda ayaa iyaguna horay u beeniyay inay ku lug leeyihiin eedeymaya ay guddigu soo saareen, taasoo sheegaysay inay lunsadeen hanti badan oo Soomaaliya ay leedahay.

Read More: Moment Crisis Group

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s