Xog: MD Xasan oo xilal siinaya 5 ka mid ah Qaswadayaashii Nairobi + Magacyadooda

 Xog: MD Xasan oo xilal siinaya 5 ka mid ah Qaswadayaashii Nairobi + Magacyadooda


Xog: MD Xasan oo xilal siinaya 5 ka mid ah Qaswadayaashii Nairobi + Magacyadooda

Africorruption – 20 Jul 2014: Xogo hoose oo aan ka heleyno Villa Somalia ayaa inoo xaqiijinaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud kala diray Siyaasiyiintii Qaswadayaasha  ahaa ee isku aruursaday Magaalada Kenya ee Xarunta Dalka Kenya.

Madaxweyne Xassan oo muddo Hal sanno iyo bar qaati ka taagnaa Qaswadayaashasi, ayaa waxa uu iminka gaashanka u daruuray inuu ku kala maareeyo xilal muhiim ah islamarkaana isaga aan wax saameyn ah ku yeelaneynin.
Shaqsiyaadka Qaswadayaasha loo aqoonsaday ayaa waxaa kamid ahaa kuwo looga itaal roonaaday Doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho oo uu ku guuleystay Madaxweyne Xassan, halka kuwa kale ay iyaguna muuqaalkooda ka dhex waayen Muraayada Siyaasada.

image

Read More:

Madaxweyne Xassan oo Khatar u arko Kooxdaasi Qaswadayaash, ayaa waxa uu ku safay xilal muuqda shaacintooda iyo kuwa aan weli la shaacin oo la filaayo in dhawaan la shaacin doono waxaana kamid ah:-

1-Ambassador Omar Abdirashid Ali Sharmarke.
2-Prof Maxamed Xaaji Cabdi Gaandhi oo lagu wado in dhawaan loo magacaabo Danjiraha Dowlada federaalka u fadhin doono Dalka Canada.
3-Cali Maxamed Geedi oo maalmaha soo socdo lagu wado in loo magacaabi doonoSafiirka Dowlada Federaalka Somalia u fadhiya Dalka Britain UK.
4-Yusuf Garaad Cumar oo dhawaan lagu wado in loo magacaabo Madaxa Warfaafinta Madaxtooyadda.

Shaqsiyaadkaani Qaswadayaasha ah, ayaa waxa ay Wakhti dheer kadib heleen xilalkii ay ka rajeynayeen DFS, waxaana jiro warar hoose sheegayo in Mucaaradka weyn ee Kooxdaani ka fogaaday Dr Baadiyow isaguna uu xusulo duub ugu jiro hanashada xil uu isagu kula gor-gortamaayo Madaxweynaha.

Read More News

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s