Qabqablaayasha

image

MADAX Maran MUUNAD Ma MUDNA!

Tuesday 10 December 2013 – Ma doonayn inaan ciilkaambi dhaliyo ama aan calaw iyo cilllad abuuro, haddana: “Run iyo Ilkaba waa la caddeeyaa” marka waan filaa inaadan igu nicin taa, illeyn: “Run sheeg waa ceeb sheege” oo aan filayo inaan uga gabban doono in xaalka aan ka sheekayn doono uu yahay: “Waa la buuxaa waa la badan yahay” micnaha qofna, qabiilna, iyo kooxna kama maqna, oo waa loo waa dhan yahay, sidaana uu meesha uga baxayo: “Looma dhamma” iyo “Dadka ha isku wada qaban”.

“Yaa miyir qaboo Maas “Amaah” la weydiiyaa?!” ayaa murti leedahay. Hubaal in MAANKU yahay hagaha XUBNAHA Jirka, MIYIRKUNA yahay halbeegga maanku wax ku hago. Macnaha “MIYIR lahaa MAAN leh!” Balse, MIYIRku isagoo jooga ayaan in badan MAANku shaqayn. Sababo la xirira xigmaddoo guurta, garashadoo gabaabsiya iyo gunnimo u dhalasho [DOQONNIMO] murti kale ayaa leh: “Talo kuguma noolee, Adaa ku nool”.

Labada dawladeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya isku sanad ayey xil gabeen, oo dawladihii ka dheceen, mid (Soomaaliya) waxaa ka dhacay lama arag iyo lama maqal, sidii inaan Geel kala dhacaynno ayaan ku soo qamaamnay xaruntii dalka, iyadoon jirin qorshe aan ka ahayn in la rido Maxamed Siyaad Barre, Rajiimka dalka cuuryaanshay, lama kala roonaan, isna wuxuu dib u soo qaaday dagaal, adba dib u xasuuso: “Dagaalkii Xadka iyo Xawaraaha!” iyo oraahdii ahayd: “Ruug caddaagii soo rogaalceli!”dalkiina u horseeday dagaal sokeeye, intii isaga ka daba martayna dib ayey isu ruugeen raq ruux baxday!

Dhanka kale, Itoobiya waxaad moodday in uu dhacay IS BADAL DABIICI ah, wax walbana sidii loogu talagalay ayey ku dhaceen, maamul meesha laga saaray iyo madax carartay, maamul cusub iyo wajiyo hor leh, sidaa lagula kala wareegay awooddi, hubaal in Reer Galbeed Soomaaliya la maagganaayeen dibir xun, haddana, inagu lama imaan xigmad iyo xeerin.

Hadduu xilka qabtay waa Melese, xarbi badan ka dibna xasiliyey Itoobiya, isagoo xoog iyo xeeladba ka helaya Reer Galbeedka, dhanka kale, 01/08/1996kii waxaa geeriyooday Geesigii Geeska Afrika Gen. Maxamed Faarax Caydiid, aanba dhaho Geesiga Qaaradda Madow iyo inta diiddan Embreyaaliyadda Maraykanka, iska fiiri hee, magaca waxa uu ku qaatay ma ahan dagaalkii sokeeeye ee uu qaybta ka ahaaye, ee wuxuu ku helay dagaalkii 03/10/1993dii uu Maraykanka Muqdisho kula galay.

Geeridaa Gen Caydiid, Meles waxay u ahayd gudub ku aaddanaa oo meesha ka baxay, bilo ka dib waxay Itoobiya gudaha u soo gashay Soomaaliya, dabcan, iyadoo taageero ka haysta beelaha deegaanka, si ay u baacsato Alshabaabtan – Altixaadkii hore, Maxkamadihii hore, iyo Alictisaamka hadda -iminka ee dalka iyo dadka dulliyeystay, diin dacareed iyo duucaanna ku dillaaciyey .

Meles maalintaa sidii uu Soomaaliya u soo galay, maalin ma moogaan, waxayba u noqtay wadiiqo joogta ah ee uu ku diqdiqeeyo, illeen wixii yac ka dhihi lahaa ama uu uga baqayey meeshaba ka bexe, ee dawlad, darajo iyo dadba lahaaye, mar walba Meles wuxuu taageero ka halayey laba qolo oo Soomaalida ka mid ah, oo kala ah:

A. Qabqablayaashii iyo Dagaal oogayaashii waddanka jid iyo jiho u diiday, ee isugu jira Shibil iyo Ciidan, oo mar walba dabada la gali Jiray Meles, kuwani waxay si toos ah u taabacsanaayeen Meles iyo tusmooyinkiisa ku aaddan Soomaaliya.

B. Wadaad xumayaal: magacyo badanayaal, Alitixaad, Maxkakamadihii, Alshabaab, dhammaanse isugu imaanaya ARGAGIXISO, iyagu taageeradoodu waxay ku imaanaysay si dadban, sababtoo ah mar walba waxay ku kacaan falal Xabashida u horseeda inay ku soo dhirradaan waddanka, marmarsiyihii ugu weyn ee dullaankii 2007-dii saw ma ahayn; ilaalinta ammaanka Itoobiya?.

Waxaa saddaxeeya: T. Hoggaan habacsan oo mar walba (WARANLE iyo WADAAD) dhextaal u ahaa, oo garan waayey sida ay dalkan iyo dadkan u daba qabtaan uguna maareeyaan habka ugu habboon ee ugu hubban. Tusaalaba ka dhigo C/qaasim Salaad Xasan (Dawladdii Carta) iyo Xasan Sheeq (Dawladdan cusub) ee dadka qaar u yaqaan (Dawladda Damac-jadiid).

Meles wuxuu ahaa madaxa rasmiga ah ee ka talin jiray waddanka gees ka gees, deegaanka Koofurta yuuba wakiillaba ku lahaa baa la dhihi karaa, ee deegannada ay ka taliyaan maamulka Waqooyi iyo maamulka Bari ee ay kala hoggaanshaan Siilaanyo iyo Faroole si toos ayuu u maamuli jiray.

Marka laga soo tago in ay Qurbaan joogta ah bixin jireen, marka laga soo tago inay dad nool u dhoofin jireen Meles, marka laga soo tago inay u xeraysan jireen had iyo jeer, tii ugu darnayd waxay dhacday markii xay dalka Xabashi xoog ku soo gashay, iyaga oo taageero ka haysata dawladdii C/laahi Yuusuf iyo xertii Xabasida ee wehlisay, ay keensadeen 50,000 [Kontan Kun] oo ciidan Xabashi ah, kana gaystay Magaalada Muqdisho iyo Goballada Koonfureed xasuuqii ugu xumaa ee taariikhda ummadda Soomaaliyeed soo mara, dawladnimadii ka hor iyo ka dibba. C/laahi Yuusuf kali kuma ahayn gumaadkaa, ee kaaliyayaal badan ayuu lahaa, oo Xabashidu u xushay, sida: Cali Maxamed Geeddi oo Wasiirka koowaad u ahaa, Maxamed Maxamuud Guuleed “Gacma Dheere”, Cabdi Wali Gaas, Salaad Cali Jeelle, Xuseen Caydiid, Yuusuf Azhari, Xuub Sireed, Moorgan, Yusuf Dabageed, C/karpim Laqanyo IQKB.

Ha moodin inay ka maran yihiin Wadaaddadu soo galintaanka Xabashida, illeen Xabashi kuma soo dhiirrateen inay dalka soo gasho, haddii aan looga baaqin Xamar iyo Fagaaraha teribuunkee, ma ila xasuusataan erayadii ay ka midka ahaayeen; “Iidda waxaan ku Dukunaynnaa Addis Ababa!” sidaa waxaa yiri Indhacadde iyo ku xigeenkiisii Muqtaar Roobow oo Maxkamadaha u qaabilsanaa Arrimaha Difaaca, dabeedna Xajka iska aadeen. Nasiib xumo iyo ayaan darro Xabashidii ayaa Iiddaa Xeebta Xamar ku Iidaystay. Saw ma ahan baaq rasmi ah oo ah; “idinkuna Xabashi u gooddiya iyo dawladda C/laahi Yuusuf, anaguna waxaan ku baaqaynnaa in nimankaa hororka ah nalaga celsho!” oo labadaba ay mar walba ku eed le’ dahay Xabashidu, mar waa ammaankeenna ayaan difaacaynnaa, marka kalana dawlad nala saaxiib ah ayaa gacan na weydiisatay! Bal adba.

Dhacdadii labadaad waxay ahayd markii ay xaflad u dhigeen sanad guuradii uu xilka afgambiyey Meles ee xukunka xoog ku qabsaday, xafladdaa waxaa lagu dhigay Hargaysa iyo Garoowe, waxaana soo qabanqaabshay xubno sarsare oo ka tirsan labada maamul, siday geeridiisii u xiseenna waaba loo joogay!

Dhibka dhacay meel walba ayuu gaaray, madaxda dawladda ugu sarraysa, kuwa maamul beeleedyada ee ka jira waddanka, marka ay is khilaafaan waxaa gogosha u dhiga oo wada hadal siiiiya Itoobiya, aqriste, adi ma tirin kartaa inta Addis loo tagay shir iyo wada hadal (DIB U HESHIISIIN) ku magacaaban? Ani ahaan tiro iska daaye, xitaa laguma qori karo buugga caanka ah ee loogu talagalay waxyaabaha xaddhaafka ama la yaabka ah ee “Guinness World Records”.

Markii hore xerta Xabishada waxaa lagu xaman jiray qabqablaayasha, oo habaar iyo haaraan dabada loo qaban jiray, waxaase gadaal uga soo darsoomay wadaaddadii oo dhan walba leh, aan tusaaleeyee, Ahlusunna saw ma ahan Dhal Amxaaro? Yaa unkay? Yaa aas-aasay? Yaa hubeeya? Saw shirkii aas-aaskooda laguma qaban Addis? Hadday is khilaafeenna saw islaAddis laguma wada hadalsiin? Ogoow magaca Ahlusunno waxaan uga jeedaa garabyada siyaasadeed ee awood qaybsiga dawladeed ku jira, ee kama hadlayo inta Mawlaca iyo Masjidka Alle ku xiran ee aan wali Tusbuxu ka go’in.

Dhanka kale, “Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ( Western Somali Liberation Front) (WSLF) ” oo ahayd jabhad lagu tirsho garabka Wadaadada Waalliddu waday, oo ku doodi jitray inay ku Jihaadayaan maamulka Xabashida, da’ yartana ku dagaalgalin jirtay waxaan xoraynaynaa Soomaali Galbeed, aakhirkoodii ayagii ayaa la xoreeyey, ka dib markii ay isu dhiibeen Xabashida, taa oo aysan wadaadadii shalay diiddanaa in Soomaalidu wada hadasho aysan waxba ka dhihin “La joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan!”. La yaabka baa ahaa, markii uusan ka hadal UMAL oo dawladdii C/laahi ku gaalaysiiyey iny Xabashi la xiratay, oo haddaa labada xirasho maxay is dhaamaan? Bal adba.

Itoobiya Gobol aysan joogin waddanka ma jiro, waxaanba dhihi karaa Degmo aysan koogin, haddaysanba ahayn Tuulo aysan joogin ma jirto, haddana, waxaa la doonayaa in lagaa dhaadhiciyo in Itoobiya walaallo aan nahay ayna u jooogto inay Soomaaliya saaciddo, sidii dalka looga sifayn lahaa Alshabaab iyo Argagxisada, waaba iga su’aale; maxay noo kala dhaamaan Alshabaab iyo Amxaar?.

Marka laga soo tago labada Maamul ee Siilaanyo iyo Faroole, waxaa si weyn saaxada u qabsaday Wadaadada Ahlusunna, bal ila eeg, deegannada ay ka taliyaan maalin aan dagaal Alshabaab ama Maleeshiyaad dhexdooda ah u dhexeeya ama kuwa dawladda ka tirsan ka dhicin ma lahan, ma kula tahay in dagaalladu ujeed la’aan iska dhacaan? Iyada oo waliba Xabashida ka joogaan ciidan aad u badan, dabcan xoogna leh.

Intaa kuma sinna xaalku, sanad ka dib markii walaahood iyo walwal badan ka jiray, dagaal iyo dib u celin madaxna ka dhacay deegaanka Jubbooyinka, oo uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe, ayaa waxaa markii dambe shir lagu qabtay Addis Ababa, oo ay ku wada gaareen heshiis ku meel gaar ah DFS iyo Axmed Madoobe, heshiiskaa marka laga soo tago in Addis Ababa lagu qabtay, haddana waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom waxaana heshiiska wada saxiixday Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir Wasiiru dawldaha Madaxtooyada, oo ah laba mudane oo ka soo wada jeedaa Itoobiya (Soomaali Galbeed) taa oo heshiiska ka dhigaysa: 1- in dhul Itoobiyaan lagu heshiiyey 2- inay heshiiyeen Itoobiyaan 3- kana heshiiyeen sida loo xakumi lahaa dhul Soomaaliyeed, bal adigu macna aan ahayn in SOOMAALIYA TAHAY KILINKA LIXAAD EE ITOOBIYA ma u haysaa?.

Halkaa kuma ekaan, markii qurbaan geynta (dad Soomaali ah) loogu dhawaaday Xabashi, oo ay si isku mid ah ugu wada dhaqaaqeen Maamulka Siilaanyo, Maamulka Faroole ooba yiri: “Dadka kale oo af soomaaliga ku hadla, oon reer Soomaaliya ahayn oo Kilinka Shanaad ka yimadna way deggan yihiin…” Dawladdii C/laahi Yuusuf, maalin dhaweydna ay si wada jira uga wada qaybgaleen xafladdii sanad guuradii koowaad ee geeridii Meles, ooba ay ka sii daran tahay in Magaalada Jigjiga looga dhisay Taallo la sheegay in qarashka ku baxay loogu talagalay in lagu hormarsho deegaanka, ayba ka sii muhimsan tahay in ehellada Meles ay codsadeen in la burburiyo taalladaa, in lagu dhisay ogaalkooda la’aantooda kaliya ma ahan, ee waxayba ku doodeen in laga dhisay deegaan uusan KU DHALAN AMA U DHALAN, micnaha Qowmiyadda naga xigsatay Meles ma ahan Qowmiyaddisa! Halkan hoose ka dhagayso hadalkii Faroole:

http://www.youtube.com/watch?v=Sk4_uAH9xOk

Tan waxay na keenaysaa midda maanta ka taagan Jigjiga, oo ah in shan wafdi oo ka yimid Jamhuuriyadda Soomaaliya, ee kala matala maamul beeleedyada ka jira ay ku wada sugan yihiin Magaalada Jigjiga, si ay uga qaybgalaan SHIRKA QAWMIYADAHA ITOOBIYA. Weydiinta baa ah: Wafdi ka socda dawladda gartaye, inta kale, yey matalaan? Beelaha ay maamulaan ma la qabaan? Saw ma ahayn inay ka fiirsadaan falalka qaar oo inay dhaawac u keenayso Soomaali ka sokow iyaga bahdil ugu filan?.

Shirkan waxaa fadhiya Siilaanyo madaxa maamulka Waqooyi, Faroole madaxa maamulka Bari, Madoobe madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba, Ciilmooge Wasiirka Warfaafinta, Boostada Iyo Isgaarsiinta Dowladda Federalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, xasuuso waxay Federal ku tahay inay metesho inta aan sadarka sare ku xusay oo dhame, haddana waa kuwaa is garab yaacaya, ooba caadu u tahaye, haddana kulankani ma ahan kii Buruksel oo kale, oo kaa dhaqaale ayaaba lagu malaynayey, ee kan maxaa lagu malaynayaa, kaaga darane uusanna Meles joogin marka laga reebo taalla Jigjiga looga taagay? Bal adba.

Halkan waxaan jeclaan lahaa inaan dhawr eray Amiin Caamir ku dhaho, oo sawir gacmeedkiisa kulanka Jigjiga uu ku jiray Cabdi Qaybdiid Madaxa Maamulka Galmudug. Run ahaan waa laga fiican yahay qof madal uusan joogin in aad u sawirto inuu joogay, oo markaa waxaad la mid noqon kuwa aad sawirtay ee aan meel xun ka maqnaan, illeyn sawirkaagu waa marag, haddaad been abuur aad adigu dhoodhoobtay ka marag kacdada haddi qawlkaaga iyo hadalkaaga ayaa qiimo beelaya. Igama ahan inaan Qaybdiid u doodayo oo “Af jooga iyo addimo Lo’aad midna looma adeegee” isagaa qareen iyo afhayeenba isgu filan, ee anigu waxaan kaliya ku leeyahay: Amiin waxa aad tilmaamayso iyo tilmaamtu ha is yeeshaan, haddii kale tusmo beel ayey noqon.

Horta iyaga ceebi ma kartee, dhogorna ma lahan ay ku ceebsadaane, inta damiirka iyo dadnimada leh hadal iyo hawraar yaysan la harin, illeyn awooddooda ayaaba intaa ku ege, oo yaysan la gabban inay dhaleeceeyaan dhaliilo adagna dul dhigaan falalkan gurracan ee baylihinta iyo bahdilka ku ah magaca Soomaali. Haddii shirka lagu qabtay Jigjiga Qawmiyadda Soomaali maba ka maqnee, kuwan Koofur, Bari iyo Waqooyi ka yimid maxay soo dooneen?.

WIXII LAGA FAANI JIRAY AYAA LOO KALA FIRXANAYAA! ALLAW ADAA FAXAN. Waxay i soo xasuusiday murtidii ahayd: “Biyo guroroo meel godaneey isugu tagaan” ama tii kale ee ahayd: “Waxaad ceebta u taqaan nin bay caadadiis tahay”.

Middase la yaabka leh baa ah, in inta kulankaa goobjoog ka ahayd la is garab fariisayey, oo kuraar isku xigta oo dhinaca iskau haya loo dhigay, halka aysan is rabin, isla hadlin, isa salaamin, wax isku darsan, isla fariisan marka ay dalka joogaan, ama danta umadda ay ka hadlayaan, oo ay ka doorbidaan inay dibadaha ku soo wada hadlaan, gaar ahaan Itoobiya, oo u ah Makada ay u Xajiyaan. Sidoo kale, marka ay cadawga iyo shisheeyaha la joogaan wax ka dhaga nugul, marka ay iyagu isla joogaanna wax ka dhaga adag, oo sii jeeso iyo soo jeeso midna laguma karo! Sanadkii 1960kii ayaa Abwaan Jimcaale Dhegataag uu ku Shirbay:

“Qolo haddey is quursadaan, Qolyo kaleey Qoryo u guraan!”

Ha moodina inaan dhaliilsanahay kulammada nabadda iyo daris wanaagga ku saabsan ee gobolka iyo gayiga lagu qabanayo, balse, waxa aan qaadan la’ahay waa in gudaha dalkeenna laga waayo, dariskana loo kala cararo walibana safka ay isla galaan.

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM.

“Dulli baa ku dhaca duul haddey war iska diidaane

Duqaydiyo waxaay caasiyaan duubabkiyo shiiqe

Dibadday wareegaan markii darar la maalaaye

Duul kalaana soo dega halkay dan u lahaayeene”.

Abwaan Jimcaale Dhegataag, 1960.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s