Faallo: Is Casilaaddii Guddoomiyaha Bank dhexe

image

Moment Media Ethics 01/11/13 – Barnaamijka New deal amma ay dawladda ula baxday Hiigsiga cusub ayaa ah mid lagula dagaallamayo musuq maasuqa, isla markaana maamulka dalka lagu hagaajinayo, oo la rabo in lala xisaabtamo dawladda iyo hay’adaha deeqda loogu soo dhiibo shacabka. Laakiin weli waxa maamulka Muqdisho hadheeyey boob ay madaxda dawladda qaarkood ka wadaan dalka. Shacabkana lagu ababinayo sheekooyin kale oo aan waxba ka tarayn baahidooda.

Inkasta oo ay magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobollada Somaliyaba ay ka soo raynayaan sidii hore, haddana waxa jira musuq maasuq aad u xooggan oo lagu hayo hantida qaranka.
Dhawaan waxa ay hay’adaha deeqda bixiyaa ay soo saareen warbixin lagu lafa gurayo sida ay deeqaha dalka loo fidiyaa ay ugu dhacaan jeebabka mas’uuliyiinta amma ay u garab maraan baahiyaha loogu tala galay ee ay qabaan shacabka Somaliyeed. Warbixintaa oo dad badan lagu eedeeyey ayaa qaarkood ay ahaayeen kuwo waxba kama jiraan ah oo dhan kale loo leexiyey. Waxase ay galaafatay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyii Banka dhexe ee Somaliya mudane Abdisalaan Hadliye.


Waxaa Maanta iska casishay shaqadii Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Yussur Abrar iyadaa oo shaqada haysay keliya 10 casho oo ah markii ay xilka kala wareegtay Godoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Dr. AbdulSalam Omar.

Sababta ay shaqada ugu tagatay ayaa waxay tahay markii ay Dawlada Federalka ogaatay in Yussur ay horay u lunsatay lacaga tira badan oo ay lahaayeen dad maal gashi ku sameeyay Company ay madax ka ahayd iyada iyo rag Nigerian ah ay lunsadeen lacaga gaaraya ilaa $ 40 million arrintaas oo sababtay in laga ceyriyo shirkadii ay wax ka lahayd iyo laga qaato guri ay ka iibsatay dalka Maraykanka kuna yiilay Vienna, Virginia ee Dalka Maraykanka.

Arrimahaan aan kor ku soo xusnay iyo kuwa badan waxaad ka arki kartaa Maxkamadii lagu soo rogay Yussur Abrar oo cadeynaya ilaa manta in la daba taagan yahay oo aysan xilal dambe ka qaban Karin dalka Maraykanka.

Yussur waxay ka guurtay Maraykanka iyada oo shaqooyiin ku meel gaar ah ka hesha African Development Bank oo ilaaa inta aysan shaqadan qaadan ka shaqaynaysay African Bank si ku meel gaar ah oo qaadanaysa ilaa 13000 oo Euro ah welina qaadata oo dad ku dhaw ku tiri waxaa laga yaaba inaan isaga tago shaqada sababa ah in Dawlada ay baaritaan igu hayso inta aanan laygu warrejinin Xisaabaadka dawlada oo idil.

Dawlada markii ay la soo xiriirtay inay suaalo ka weydiiyaan Yussur arrimahan Maxkamada waxay isla markii ka codsatay Madaxweynaha inay shaqada ay degdeg isaga casilayso una dirtay email iyada oo ku sugan Dubai una sababtay culays kaga yimid dad dawlada ka tirsan.

Dawlada waxay ahayd inay baaraan qofka ay u magaacabayaan Jago ama Xil inta aysan qofka shaqada bilaabin sidaa darted dawladan oo loo arki karo inay mar walba ku degdegto xilalka ay magacaabayso oo ah kuwa aad muhiim u ah Arrimahan waxaa looga gudbi karaa iyada oo aan qofka loo soo xulin hab qabiil.

Wixii Warar ah ee ku Saabsan Amuurahaan iyo Cadeemaha Waraaqadihii Maxkamadda Naga Fisha Saacadaha Soo Socda Insha Allah.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s