Fadeexad: Faroole: Turkiga Muqdisho ha kasoo tagaan, waxaan siin doonaa wax reer Muqdisho aysan siin karin oo ah…!

Faroole1

August 20, 2013 – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa si aad ah u dhaliilay dowladda Turkiga iyo hay’adaheeda, sababo la xiriira dib u dhiska iyo horumarka ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Faroole, oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in Turkiga uu gar gaarkii Somalia oo idil ay u baahneyd uu ku shubay magaalada Muqdisho.
“Sababta aan u celinay markabkii siyaasadeysnaa waa inaga oo diideyna in Soomaalida oo idil lagu xiro Muqdisho, wax kastana ayada loo soo marsiiyo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.
Faroole waxa uu dowladda Turkiga u sheegay in muddo ka badan laba sano oo ay dhiseysay Muqdisho aysan waxba ka faa’idin, magaaladaasna ay tahay magaalo amnigeedu aad uu u xun yahay, sida uu hadalka u dhigay.
“Amniga Muqdisho waa midka ugu xun Somalia, mana ahan mid ay hay’adaha gar gaarka ah ka howl gali karaan, dowladduna waa ay diiday inay wax ka qabato oo howl kale ay ku mashquushay” ayuu yiri Faroole.
Waxa uu ugu baaqay Turkiga in hay’adaheeda ay ku fidiso dalka Somalia oo idil.
“Turkiga ha tagaan Somalia oo idil, oo ha yimaadaan Puntland, waxaan u ballan qaadeynaa wax aysan siin karin reer Muqdisho, oo ah amni buuxa” ayuu yiri Faroole.
Si kastaba waxaa xusid mudan in mar uu sarkaal ka tirsan hay’adaha gar gaarka Turkiga uu booqday Puntland, ay ciidamada Faroole oo ka careysnaa howl galada Turkiga ee Muqdisho ay isku dayeen inay dilaan, balse uu ka bad baaday oo uu soo gaaray dhaawac kaliya.
Puntland ayaa muddo olole ugu jirtay sidii ay u wiiqi lahayd horumarka ka socda Muqdisho, ayada oo hadda ka hor uu Faroole Muqdisho ugu yeeray “Madax weyn oo ku yaalla oogo curyaan ah” .

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s