Dr. Baadiyoow oo wada Dhaqdhaaq siyaasadeed oo looga soo horjeedo Itoobiya

images

Wednesday, July 10th, 2013- Wararka ka imanaya magaalada Kambala, caasimadda dalka Yugaandha ayaa sheegayaan in Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ahaa musharaxiintii sanadkii la soo dhaafay u tartamay jagada madaxweyninamada Soomaaliya  in uu ku sugan yahay Kambala, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay qaar kamida siyaasiyiin Soomaaliyeed ee horay xilal kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii hore.

Dr. Baadiyoow oo kamida hogaamiyayaasha ururka Alislaax ee xubinta ka ah ururweynaha caalamiga ee Ikhwaanul Muslimiinka ayaa la sheegayaa in uu in dhawaalaba ku hawlanaa abaabulka siyaasado u xaglinaya dhanka Masar taasoo looga soo horjeedo biyaxireenka qarniga “ Millennium Dam”,  kaasoo ay Itoobiya dhawaan hirgelintiisa ka bilawday gobolka Benishangul-Gumus oo ku yaala galbeedka Itoobiya.

Biyo xireenkan ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu muran ba’an ka dhex dhaliyay dawladaha Itoobiya iyo Masar, iyadoo Masar ay bilawday in ay gobolka Geeska Afrika ka abaabusho dawlado iyo kooxo siyaasadeed oo taageera siyaasadeeda ku aadan in Itoobiya laga horistaago hirgelinta biyoxireenkan, si aanay Masar ugu dhicin biyo la’aan saamaysa nolosha dadkeeda.

Bilihii la soo dhaafay wufuud rasmi ah iyo kuwa qarsoodi ah oo ka socda dawladda Masar ayaa socod ku marayay gobolka Geeska Afrika si ay u helaan xulufo ay u kaalmaystaan hakinta mashruuca biya xireenka Itoobiya, wadamada ay wufuudaasi tageen waxaa kamida dalka Soomaaliya, waxaase xeeldheerayaasha falanqeeya arrimaha gobolka ay ku nuux nuuxsadeen in madaxda Soomaaliya aanay soo dhaweyn rabitaanka Masar ee ku aadan hakinta mashruuca biyo xireenka Itoobiya.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in wufuuddii qarsoodiga ahayd ee Masar ay la kulmeen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho iyo Nairobi, kuwaa oo aan xilal siyaasadeed ka haynin dawladda, waxaana la sheegayaa in Dr. Baadiyoow uu kamid ahaa siyaasiyiintii la kulmay sirdoonka Masaarida, isagoo kulmo kula qaatay Muqdisho iyo Nairobi, isla markaana ka ballanqaaday inuu abaabulo kooxo siyaasadeed oo ka hawlgala carqaladeynta mashruuca biyo xireenka Itoobiya.

Sida wararku sheegayaan hawlagalada Dr. Baadiyoow waxa ay ka socdeen Muqdisho, Nairobi, iyo weliba dalal kale oo Yurub iyo Mareykanka ah kuwaasoo uu kala xiriiray siyaasiyiin qaarkood ka biyo diiday fekerkiisa ku aadan in qulqulqtooyin laga dhex abuuro dalalka Geeska Afrika.

Waxaa lagu xasuustaa Dr. Baadiyoow booqashadiisii Qaahira iyo la kulankiisa madaxda ururka Ikhaawaanul Muslimiinka sanadkii tagay xilligii uu socday ololaha doorashada madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo ay badanayd hadalhaynta in uu dhaqaale ka soo helay Ikhwaanka Masar iyo dalaka khaliijka sida Qatar, Sacuudiga, Baxrayn, Kuweyt, Imaaraadka, iyo sidoo kale Turkiga.

Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa u arka abaabulka Dr. Baadiyoow mid sii murjin kara duruufaha siyaasadeed ee ku xeeran dawladda Soomaaliya oo la kacaa kufaysa culayso badan oo isugu jira siyaasad, dhaqaale, iyo taagdari dhan walba leh.

Source: http://somaliarguments.wordpress.com/2013/07/10/dr-baadiyoow-oo-wada-ddhaqdhaaq-siyaasadeed-oo-looga-soo-horjeedo-itoobiya/#more-32

  

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s