Gudoomiyaha Bankiga Dhexe, Shariif Hassan iyo Maamul Goboleedka Puntland Faroole oo si hoose u heeshiyay (Document sir ah ku lifaaqan)

Moment Media Ethics-Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa wuxuu shaqaaleyay Lobbyst firm Moffett Group shirkadaas oo la shaqaysa Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland uuna iska leeyahay nin beri hore ahaan jiray congresska maraykanka oo la yiraahdo  Toby Moffet, isla marka ninkaas wiil gabadhiisa qaba oo la yiraahdo Toby Constantine ayaa  wuxuu u yahay la taliye qaas ah Sr Advisor Madaxwenaha Puntland Faroole. Heshiiskan Faroole iyo  Gudoomiyaha Bankiga Abdulsalan waxaa isku xiray Gudoomiyihii Barlamaanka hore Shariif Xasan oo aad ugu dheereya sida loo lunsada hantida dawlada. Heshiiskan oo ka dhacay Hotel ku yaala Nairobi ayaa lagula heshiiyay in Abdulsalaam uu shaqaaleeyo Moffett Group isla marka Faroole iyo Sharif Xasan ay bixiyaan qarashka ku baxaya oo ah $10000 bishii oo loo hormarinayo lacag dhan $60000 taas oo lagu raadinayo lacagihii Somalia kaga maqnaa dibada iyo Gudoomiyaha oo ku tala jiro inuu iibsado Dahabkii Dawlada Somalia uu yiilay New York Federal Reserve oo waqtigii dawladii hore lagu qiyaasay $60 million oo hada qiimuhu kor u dhaafay ilaa $350Millions arintaas oo laga yaabo beryaha fooda nagu so ohayo in la fuliyo

Halkaan ka Aqriso filasha

WAA KAN DOCOMENT PUNTLAND)

(WAA KAN KAN BANK DHEXE           )

Mar aan la xiriirnay Moffett Group waxay inoo sheegeen in shaqadoda ay aad ugu dhow yihiin in ay dhamaato bisha June ee sanadkan.

Fadlan hoos ka aqri Contracts ay gashay Puntland iyo Bankiga dhexe. Waxaa aad ula yaabnay habka uu u galay Governoerka AbdulSalaan oo uu wakiil ugu dhigay Shirkad ajanabi ah inay ka wakiil tahay Central Bank of Somalia taas micnaheedu tahay in ay shirkadaas qaadan karto lacag iyo xoolo walba ay ummada soomaliyeed leedahay waxay soo dabacan kartaa Lacagta shillin Somaliga ah. Sideedaba marka aad contract aad galaysid masauliyad waad siin kartaa oo ku kooban derejadada laakiin Banki dhan oo ay Ummad dhan leedahay ma siin kartid waakilnimo arintaas waa qiyaano qaran maxaa yeelay waxaa la doonayaa hadii shirkadaas oo ah mid aad u yar oo aanan xafiis lahayn kana shaqeeyaan 3 qofood wax lunsato la yirahdo aniga shaqa kuma lihi.

Waxaan aad ula yaaba Dawladan iyo kuwii ka horeeyay mar walba waxaa qiyaama dad ku qaraabta waxaan ahay PHD sooma oga kumaan kun oo PHD waxay u shaqeeyaan dad aanan weligood school aadin aqoonta waxaa ugu wanaagsan tan loo dhashto oo ilaahay ku siiyay.

Haddii aan ka hadla si loo maaweeliyo Dawlada Shariif Xasan iyo Faroole ayaa waxay ku tala galeen in Motion laga geeyo xukuumada si aan loola socon dhaqdhaqaaqa Gudomiyaha Bankinga oo arrimahan oo dhan ka hagaya Mogadishu iyo Nairobi.

Waxaa Heshiiska ay wada galeen sadexdan nin ka mid ah hadii ay dhacdo dawlada Saacid in AbdulSalam laga dhigo Wasiirka Maaliyada iyada oo Bankiga Dhexe loo magacaabayo Bashiir Ciise.

 Source : www.mareeg.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s