Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cumar Cabdi Rashiid iyo General Moorgan Oo Kismaayo Gaaray,Faroole Oo Kusii Wajahan

maslax-iyo-moorganFaroole1pur

April 3, 2013 –Isgaariinta magaalada Kismaayo ayaa maalintii 2-aad hawada ka maqan kadib markii saraakiisha ciidanka Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ay amar dul dhigeen shirkadaha war isgaarsiinta.

Ilo wareedyo ay Somalinimo1 ka heshay Kismaayo ayaa sheegaya in maalintii 2-aad uu socdo shirka ay Kenya iyo Axmed Madoobe soo qaban qaabiyeen ee loogu magac daray “Maamul usameynta Jubba land”.

Dad ku sugan Kismaayo oo lagula xidhiidhay khatka taleefanka Lined-Line-ka ayaa sheegay in xaalad cakirnaan ah ay magaalad ka jirto waxaana qeybo katirsan magaalada gaaf wareegaya ciidamo Kenyaati iyo kuwa Axmed Madoobe ah halka magaalada ay qeyb ka joogaan maleeshiyaad beeleed taabacsan R/wasaare Saacid.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake iyo General Moorgan ayaa Kismaayo gaaray iyagoo isku dayaya in ay qaab beeleed dhanka siyaasadda uga kaabaan Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu u yeertay siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Puntland waxaana laga yaabaa in uu xilal muhiim ah kasiiyo maamulka gacan ku sameyska ah ee xarunta Jaamacadda Kismaayo laga abaabulayo.

Xaalad siyaasadeed iyo mid ammaan oo aad u cakiran ayaa ka jirta Kismaayo,15 sanadood kadib waxaa Kismaayo tegay dagaal Ooge General Maxamed Saciid Xirsi Moorgan oo gacan ku heynta Kismaayo ay ku loolameen Barre Hiiraale oo isna qabqablayaashii Soomaalida kamid ahaa.

Moorgan iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa lagu arkay saldhigga ciidanka Kenya ee Kismaayo iyagoo kulan laleh Axmed Madoobe iyo Cabdi Naasir Seeraar.

Warar laysla dhaxmarayo Kismaayo ayaa sheegaya in Cabdi Raxmaan Faroole hogaamiyaha Puntland uu magaalada kusoo fool leeyahay.

Ifafaalaha Kismaayo ka muuqda ayaa muujinaya in DF-ka aysan wax kaalin ah ku laheyn maamulkan la sheegay in laga abaabulayo magaalada,siyaasiyiin qaab beeleed isugu dhegan waxaana laga yaabaa in khilaafkaasi dagaal ku biya shubto.

Dowladda Kenya oo ciidankeeda ka Qabsaday Kismaayo Alshabaab dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ayay ka go’antahay in ay isku xirto Kismaayo iyo Gaarisa oo ay ka dhisto hal maamul oo ay madax u yihiin dabadhilifyo isku beel ah.

Hoos ka akhri:

http://www.keydmedia.net/editorial/article/ma_ogtahay_dagaalka_…_inay_bilaabeen_reer_puntland_-_been_abuurka_sa/

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s