Heshiiska Dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland // Akhriso

 Teaser Image Heshiiska Dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland // Akhriso

Muqdisho (MMG) Iyadoo Raysal wasaaraha Soomaaliya uu haatan ku suganyahay deegaanada Maamulka Puntland ayaa hadana waxaa Raysal wasaaraha iyo Cabdirixmaan Faroole ay wada saxiixeen heshiis ka dhaxeeya Puntland iyo dowlada Soomaaliya.

Halkaan ka Aqriso Qodobada Heshiiska – WARSAXAAFADEED!

1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO DOWLADDA PUNTLAND:

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen:

1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka dowliga ah.

1.2: In la dhiirigaliyo  wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee Puntland iyo Dowladadda Federaalka.

1.3: In la dhaqan gelliyo dhammaan  heshiisyadii  dhexmaray Puntland iyo dowladihii KMG ahaa wixii aan ka hor imaanayn dastuurka.

1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.

1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta  oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal.

2. 0: ISKAASHIGA AMNIGA:

2.1: Isdhaafsiga Xogta, khibradaha iyo isku xirista hayadaha Nabadgalyada.

2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunaqabataynta hubka  ayadoo la iska kaashanayo xaga hubka iyo saanadda ciidamada.

2.3: Dhisidda ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan gobalada iyo degmooyinka  dalka.
2.4: In si wadjir ah looga wada shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedka.

2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto  maamushana  xeryaha loo aqoonsado inay yihiin xeryo heer qaran.

2.6: Waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Nabadgelyada Puntland laga caawiyo gunooyinka, isgaarsiinta, Gaadiidka, tababarada iyo agabka(logistics).

3. 0: DHAQAALAHA IYO HOUMARINTA:

3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan sidii loo helli lahaa Shillin Soomaali cusub.

3.2: Waxaa la isku raacay  baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta canshuuraha (Tarifs) dalka oo dhan.

3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.

3.4: In DFS dadajiyo shirciga maalgashiga  shisheeye lagana faa,iideysto  khibradda Punland.

3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda horumarineed iyo banii,aadanimo ee heer qaran ayadoo DFS soo dhawaynayso una fududaynayso  ciddii caawinaysa  Puntland.

3.6: In loo hawlgalo  wadashaqaynta iyo midaynta hayadaha socdaalka (immigrations) .

3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha  si waafaqsan dastuurka.

  4. 0: SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA:

4.1: Waxaa  labada dhinac  isla garteen  in Dowladda Federaalku ay dardar geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taaba gellinta dhismaha dowlad gobaleedyada.

5.0: HANAANKA GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND

5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiiro gelliyo hannaanka geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaasna la dhowro  shuruucda iyo xasiloonida Puntland.

5.2: DFS waxay taageeraysaa  lana soconaysaa geedisocodka dimuqraadiyadda Puntland.

6.0: ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO:

6.1: Waxaa  labada dhinac  ku heshiiyeen in DFS  dadajiso isu cellinta hantida gaar ahaaneed si loo hello dib u heshiisiin dhab ah, ayadoo la magacaabayo Guddi heer qaran oo madax banaaan go,aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.
6.2: Waxaa  labada dhinac  ku heshiiyeen in DFS  dadajiso  dib u soo cellinta hantidii qaran gudaha iyo debada.

  7.0: SAMAYNTA AQALKA SARE EE BAARLAMANKA FEDERAALKA:

7.1: Waxaa la isla qaatay in DFS dedejiso dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka si  waafaqsan Dastuurka Federaalka.

……………………………………DHAMMAAD…………………… ……….

  Saxiixayaasha Heshiiska:

  •  1. Raiisulwasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya
  •       Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid)
  • 2.  Madaxweynaha Dowladda Puntland, Dr.Cabdiraxman Sh.maxamed Maxamud.
  •       Moment Media Group Online Xafiiska Muqdisho

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s