Comunita’ Somala In Italia dulqaadkii wuu ka dhammaaday waxaan ka dhur-sugeynaa Baarlamaanka Soomaaliya in ay soo celiyaan hantidii Qaranka ee ay kireeyeen safiirka Nuur Cadde & ninka uu garyaqaanka ka dhigtay Cali Marduuf…”

nuur-cadde111 (1)Cabdinaasir Xassan Suubiye oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Talyaaniga ah ayaa ku booriyey xildhibaanada baarlamaanka in ay xilweyn iska saaraan sidii ay uga dhabeyn lahaayeen balanqaadkii ay horay u sameeyeen ee ahaa in la soo celin doono hantidii Qaranka ee ay kireeyeen Nuur Cadde & Cali Marduuf.

“Soomaalida ku dhaqan waddanka Talyaaniga waxey indhaha ku hayaan fadhiyada baarlamaanka, bal in jawaabta ku haboon ay ka bixiyaan baarlamaanka hantidii Qaranka ee ay sida sharcida darrada ah ku kireeyeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nuur Cadde & ninka uu Garyaqaanka ka dhigtay ee Cali Marduuf” ayuu yiri Cabdinaasir, wuxuuna xusay in Jaaliyadu ay qabaan welweli ballaaran oo ku saabsan in madaxweynuhu raali ka yahay bililiqada bareerka ah ee Nuur Cadde u geystay hantida Qaranka, haddii ay taasi ku cadaato madaxweynuhuna ay ka dhigan tahay in madaxweynuhu hareermaray ka weecday cadaaladii uu balanqaaday inuu waddanka ku hogaaminayo.

“Cadaaladdu waa in meel ay ka muuqataa, baarlamaanka Soomaaliya ee hadda fadhiyadiisu ay billowdeen waxaan leenahay haddii aan nahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga dulqaadkii waa naga dhammaaday, waxaan idinka sugeynaa inaad soo celisaan hantidii Qaranku lahaa ee ay sida sharci darrada ah u kireeyeen Nuur Cadde & Garyaqaankiisa Cali Marduuf, waxaana leenahay inta ay goori-goor tahay waa in dhismahaasi lagu soo celiyaa gacanta Soomaalida, haddii kale Soomaali weligeed ma arki doonto dhulkaasi” ayuu yiri Cabdinaasir.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s