Nuur Cadde si cad oo aan gabasho lahayn usheegey in hantidii qaranka Soomaaliyeed uu ku wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay oo Talyaani ah taasoo hadda isticmaaleysa dhismihii safaaradda.

Kn:Nuur Cadde oo ah safiirka dalka Talyaaniga mar danbe loogu darey inuu noqdo safiirka Yurub oo dhan ayaa waxuu si cad oo aan gabasho lahayn usheegey in hantidii qaranka Soomaaliyeed uu ku wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay oo Talyaani ah taasoo hadda isticmaaleysa dhismihii safaaradda.

Safiirka ayaa isagoo aan wax ogolaansha ah ka heysanin dawladda Soomaaliya iyo wasaaradda arimaha dibadda ku dhaqaaqey sidey la noqotey oo ah inuu guriga safaaradda u isticmaalo sidii guri kiisa. Mar wax laga weydiiyey arimahan ayuu sheegey iney shirkad talyaani ah safaaradda dib udhistey kadibna ay iyadu dagi doonto safaaradda muddo dheer. Safiirka ayaa ka jawaabi waayay sababta safaaradda uu ugu wareejiyey shirkad ajnabi ah isagoo aan wax ogolaansha ah ka haysanin.

Warar hoose ayaa sheegaya in muddo 18 sano ah uu kireeyey safaaradda safiir Nuur Cadde ayna kasoo gali doonto hanti badan oo aan meella ku caddeyn balse waxaa la yaab ah in dawladdu ay ka aamusan tahay hantida qaranka ee lagu takri falayo.

Dayactirka Safaaradda
Lama oga cidda ku wehelisay qorshaha hanti boobka ah ee Nuur Cadde ku dhaqaaqay waxayse dadka qaarkood ku macneeyeen nidaam ah ka gaarsii inta aan xilka lagaa xayuubin, maadaama laga yaabo inay seefta la kacdo isku shaandheynta soo aadan ee shaqaalaha wasaarada Arimaha dibadda.

Haddii ay tahay in Safaaradda la hagaajiyo meey Hantidii loo Uruuriyay Somalia Shirkii ka dhacay  Brussels Halkaan ka Akhri:online.wsj.com/article/SB124052209266249837.html .

Ama Hantidii somalia ku xayarniid Wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga Fondo Aiuto Italiano. (FAI) , Hantidaas ayaa Safaaradda lagu hagaajikaray  mana aheen in Shirkad laga kiriiyo Hanti Ummadda leedahay.

Haddii ay ahayd in safaaradda la hagaajiyo ama la dayactiro waxaa shaqadaas iska lahaa wasaaradda arimaha dibadda iyo dawladda Talyaanigu iney ka wadahadlaan kadibna maaro loo helo markaasna dawladdu ay go’aan kasoo saarto. Balse waxaa nasiib darroda dhacday xaalka Nuur Cadde wuxuu u ekaaday maahmaadii Soomaaliyeed ee ahayd “baadi kugu raagtay hantidaada ayaad moodaa”, maadaama xilkan uu mudo hayay isla markaana ayna jirin cid waligiis kala xisaabtantay, wuxuu u qaatay wax asaga shaqsiyan uu u leeyahay.

Safaaradda waxay ku taal magaalada Rooma bartamaheeda, farasmagaalaha meelaha ugu bilicda san, iibka ama kirada loo galaa dhismayaasha halkaasi ku yaalana waa mid aad uga sareeya kuwa ku yaala magaalada inteeda kale. Nuur Cadde wuxuu dhimaha safaaradda kiraystay 18 sano. Halista halkani taala ayaa ah in dhaqaalaha ka soo xarooda kirada uu noqonaayo mid gala jeebka Nuur Cadde, dhismahana laga yaabo inuu noqdo mustaqbalka hanti u gaar ah ama mid uu shirkadda hadda isticmaalaysa uu qumaati oogu wareejiyo.

Haatan waxaa safka ku soo jira dhismihii safaaradda Soomaalida ee dalka Belguim oo asna sidoo kale uu doonayo inuu shirkad ku wareejiyo, ayadoo qiil loogu samaynaayo way dayactiraysaa, kadibna kharashaadkii ka galay ayay kala soo baxayaan.

Arinta Nuur Cadde waxay isoo xusuusiday, riwaayaddii qabyo iyo mudaharaadkii uu horkacaayay Abwaan Sangub iyo Fanaan Mustafe Kiiko, ayagoo ku luuqaynaaya “Jiini down”, hadeer waxaan leenahay Safaarad gatoow Down, Nuur Cadde Down.!

Waxaa xusid mudan in burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya uu safiirkii Soomaalida u fadhiyay dalka Kenya uu qoys hanti leh ka iibiyay dhismihii safaaradda, taasi oo dagaal dheer oo socday ku dhawaad 20 sano kadib dib loo soo dhiciyay. Laakiin safiirkaasi wuxuu Nuur Cadde kaga badalnaa, saaxada ayuu ka dhuuntay sidii lagu yaqaanay qof wax dhacay, laakiin Nuur Cadde wuxuu la soo taaganyahay indho adeyg iyo madaxey kuusan.

Mase aha qofkii ugu horeeyay ee inta danbi qaran galo, muran qayaxan la soo istaaga, waxaa wali maanka Soomaalida ka sii guuxaya, warqaddii ay ugu yeereen “Is afgarad” ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uu dalka Kenya ugu sixiixay qayb ka mid ah badda Soomaaliya. Illeen ceeb looma dhintee, Indha Adayga ayaa ka daran!

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s