XOG CULUS: NUUR CADE OO KIREEYEY SAFAARADII SOOMAALIYA EE ROME ITALY

Warbixin naga soo gaartay Room ayaa sheegay in Ambashatoorka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu kireeyay dhismihii Safaarada Soomaaliya ee ku tiilay Magaalada Roma.,

Dad lasoo Xariiray ayaa noo xaqiijiyay in Nuur Cadde uu Dhismaha Safaarada ka kireeyay Shirkad lagu magacaabo Italian Tourist Service.
Wargeyska La republica oo ka soo baxa Talyaaniga ayaa Qoray in Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyeen.
Shukri Said oo baaritaankaas sameesay ayaa sheegtay “Waa run arintaasi waxbaa ka jira waana arin xaqiiqo ah, aniga waxaa ila soo xariiray Daraad khamiistii qaar ka tirsan Shaqaalaha Safaarada oo ii sheegay in Safiirka uu isagu yeeray dhamaan Shaqaalaha kadibna uu ku wargeliyay in dhismaha Safaarada Taliyaaniga Safaarada Somalia oo ka kooban 4 dabaq oo ku taala meel qurux badan oo qiimo leh laga kireeyay Shirkada Italian Tourist service laga bilaabo Bishan November aynu ku jirno, Shaqaalahana waxa ay ii sheegen inay markii wax ka weydiiyeen Nuur Cade sababta uu u kireeyay waxa uu nagu yiri adinkama jawaabayo Su’aalihiina”
“Aniga Shalay waxaan tagay Dhismaha Safaarada , waana soo xaqiiqsaday arintaasi waxaa qadka Telphone-ka kula xariiray Nuur Cadde waxaana dhahay arintaasi maxaa ka jira, ma waxaad Amar ka haysataa madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aad iibiso ama kireyso dhismaha Safaarada, iigama uusan Jwaabin, wuxuuna igu yiri shan cisho kadib ayaan soo laabanayaa markaasi ayaan kaaga Jawabaayaa.“
Shukri Said waxa kaloo ay intaasi ku dartay hadalkeeda inay Shaqaalaha qaar ay u sheegeen in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium, qaarna waxa ay ii sheegeen inuu aaday dalka Switzerland kadib markii uu heshiiska lagu kireeyay Safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga uu kireeyay.
Abukaate Avv. Xasan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in Safaarada lagu kireeyay 9 Sano ee hore Lacag gaaraysa Tobada kun Euro ( 10,000 ) halka 9 Sano ee dambe lagu kireeyay 15,000 Euro.
Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkadaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadey in wax laga qabto arintaasi .
Soomaali badan ayaa Arintaas ka xumaatay waxeyna ka codsadeen in Dowlada Soomaaliya ey wax ka qabato Bililiqada ka socota Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga.
Hada kahor ayaa la gatay Guri Qaali ah oo laheyd Safaarada Soomaaliya kuna yaalay Magaalada Rome xaafada “OLGATA” oo ah Xaafadaha ugu qaalisan Caasimada Talyaaniga.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s