Kismaayo: Shir-Daarod oo Nairobi ka dhacay

Tuesday 9 October 2012 – 29kii bishii Sebtember ayaa Hoteel ku yaala magaalada Nairobi ay ku shireen Madax ka kooban beelaha Kablalax. Raggii Hormuudka Shirka ka ahaa waxaa laga xusayaa Mudane Yuusuf Xaaji (Wasiirka Ciidamada Qalabka sida ee Kenya) Mudane Faarax Macallim (Afhayeenka 2aad ee Barlamaanka Kenya), Mudane Afey, Axmed Madoobe, Maxamad Cabdi Gaandi, Maxamad Siciid Morgan, iyo rag kale oo badan.

Waxaa kalsoo nasoo gaartay in Madaxdii ka joogtay Dowlad-gobleedka Khaatumo ku gacansertay arrimihii laga wada xaajooday oo ku saabsanaa Gacan ku-haynta Gobollada Jubbaland.

Saddex arrimood baa ugu weynaa doodihii la qaybsaday waxaa kamid ah:

1. Sidii Jubbaland looga dhisi lahaa deegaan u gaar ah Beelaha Kablalax, loona xakamayn lahaa gacan ku-haynta magaalada Kismaayo.

2. Difaaca magaalada Kismaayo, iyo sii joogtaynta ciidamada Kenya iyo

3. In laga sii afeefto inaan dawladda dhexe soo faragelin maamul-goboleedka halkaas laga dhisi doono.

Sidoo kale, waxaa lays tusaaleeyey sidii geeska loogu riixi lahaa Beelaha kale ee deegaanka wax ku leh. Guud ahaan, waxaan la tixgelin Codka iyo Awoodda dawladda dhexe leedahay iyo mowqifka Baarlamaanku ka qaadan karo maamul-beeleed mutuxan.

Hase yeeshee waxaan laga hadlin sidii laga yeeli lahaa Bulshada Soomaaliyeed oo deegaanka wax ku leh, Aqlabiyadka (Majority) ku ah hadanah lagu kor hirdaamahayo.

Shirkaas layskama warsan: Jufo Daarood oo Qabiili ah oo Qabyaalad ah maka talin karaa Jubbaland? Haddii sidaas dhacdo, nabadu halkaas maka curan kartaa? Haddii Dagaal ballaaran halkaas ka curto Kablalax maku badbaadi karaa? Dagaal Sokeeye oo dib uga curta Jubbaland, muxuu faa’iidu Dalka u keeni karaa? iyo Jaalo Daaroodeyn 90-meeyadii la duugay Morgan, Gaandi iyo kuwa kale Kismaayo ma hantin karaan?

Sidoo kale, waxaan laga hadlin waxay Al-Shabaab ku dambayn doonto iyo is-kaashiga ciidan ee dhexmari kara Beelaha Kablalax geeska ku riixayo iyo isbiirsiga haraadiga Al-Shabaabka iyo beelahoodii.


Gaandi: Midnimada Soomaaliya Qabiilkeyga baan ka Doorbiday!! – Daawo Video


Wiilkii shalay qadiyadda Al-Shabaab u dagaalamay Maantana beeshiisa ayuu u dagaalamayaa, waayo iyada ayaa gabbaadka u ah. Shalay wuxuu ahaa gaban yar oo geel dabasocda, ama xayn ari ah la jooga. Maanta waa hubaysan yahay, waa Dagaalyahan birta calashaday, waana naftihure u hiilinaya “Samatabixinta Beeshiisha”.

Wiilkan iyo inta la Qadiyadda ah waxay ku dhexmilan yihiin 12 beelood oo Jubbaland wax ku leh oo Waalida Kablalax damacsan yahay inuu duudsiyo isagoo kaashanaya Ciidanka iyo Madaxda bahda Kablalax oo Kenya dabada kasoo riixeyso.

Arrimahaan oo dhan waxay dabasocdaa hirgelinta waxey ku sheegaan Lanzania oo xambaarsan beesha Kablalax iyo Saami-wadaagga Khayraadka Gobolka ceegaaga. Arrintu waxay taagan tahay: Sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabadgalaan? Sidee Kablalax Jubbaland u hantiyaa oo nabad ugu daaqaa, beelaha kalenah Kabta hoosteeda loo galiyaa.

Dawladdu waxay qabtaa in Jubbland uu yahay deegaan Soomaaliyeed, guud ahaan, gaar ahaana ay wada dagaan beelo badan oo kala abtirsi ah ay nabad ugu noolaadaan, sidaas darteedna aan Qabiil kaliyah uusan ka dhisan karin Maamul u gaar ah oo aan heshiis lagu wada ahayn.

Kablalax wuxuu qabaa inuu leeyahay awood Ciidan Shisheeye iyo Dhaqaale Maalgelineed oo Shirkado u oggol yihiin in lagu hantin karo sheegashada Jubbaland, maamul u gaar ahna ka dhisi karo oo uu sugi karo Ammaanka Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Kablalax wuxuu qabaa in Dawladda Soomaaliyeed ayna faragelin ku samayn doonin dhismo Dawlad-goboleed Madax bannaan, ayadoo ey ku riyoonayaan iney Ciidamada Kenya sii joogi doonaan Gobolka, kuwaasoo gabbaad u noqon doona Maamul rimaygacmeed Kenya ku dhistay Kamana eysan hadlin Caqabadaha Mustaqbilka ka horimaan kara iyo Coldaada ey hurinayaan oo ey Bulshada Jubbaland u horseedi doonaan Dagaal Sokeeye oo daba dheeraada.

Waxaan laga hadlin Al-shabaab oo shaarka baddalan doonta oo lasoo safan doona Beelahooda. Waxaan xisaabta lagu darin in Madaxdii Al-Shabaab oo Dalka ka baxsaday inay abuuri karto ilo Dhaqaale oo lagu sii joogteeyo halgankii Al-Shabaab.

Waxaan Xiasaabta lagu darin mowqifka Dawladda Kenya ka qaadan doonto markii Dagaal Beeleed ka Qarxo Jubbaland, cidamadeedana lagu aaneeyo inay beelo gaar ah xambaarsan yihiin Gumaadnah usoo hoysah. Waxaan Xisabta lagu darin Aragtida Caalamku ka qaadan doono Dagaalka Kablalax (Majeerteen) hurinayo iyo mowqifka Dawladda Dhexe ee Soomaaliyeed ka qaadan doonto.

Shaxda mugga yar oo Kablalax wato waxaa kamid ah: Waxaan haysanaa taageerada Ciidanka Dawladda Kenya, Madax noo codaysana waanu ku leenahay. Waxaan haysanaa maalgelin Deegaanka lagu hantin karo iyo ciidan Dagaallama. Summadda Kablalax baan deegaanka ku dhiganay. Waxaan dhisi karnaa Dawlad goboleed noo gaar ah. Wixii kaloo yimaada waa Aragtideeda.

Dawladda Federaalka ah xil weyn baa ka saaran xakamaynta Nabadda iyo dhismo Maamul Nabad dhaliya oo aan beelna ku abtirsan.

Laysma tusaalayn wuxuu ku dambayn doono Madaxda Dawladda Kenya kusoo bixin doonta  doorashada bisha Maarso 2013ka iyo aragtida ay la imaan doonto.

Waxaan la tixgelin: 12 Dagaal Sokeeye oo hore Kismaayo uga dhacday iyo burburkii deegaankaas soo gaaray oo aan weli laga soo kaban marka laga soo bilaabo dawladdii Milateriga ahayd, waxaana ugu xukun dheeraa Maamulkii Al-Shabaab.

Waxaa ka horeeyey beelo badan oo isku hardin jirey gacan-ku haynta deegaanka Kismaayo. Cid gaar ahu kuma guulaysan karto sugitaanka nabadda iyo gacan ku-haynta Kismaayo, arrintuna halkeedii bay weli taagan tahay.

Haddaan beelaha wada daggan Jubbaland ayna isugu iman wax wadaqaybsi Maamulka guud iyo xukun deegaan la wadaago, haddaan lagu heshiin xukun-qaybsiga iyo ka qayb-qaadashada Kheyraadka Deegaanka, waa madhacdo in deegaankaas Nabadu ka curato, beel keliyuhuna ka taliso.

Dhibka colaad Sokeeye waa lasoo maray tusaale cad baana laga hayaa. Taariikhda waa lagu halqabsadaa waana laga faa’idaystaa. Waayoaragnimada waa lagu cibaaro-qaataa. Laablakac beeleed Deegaan laguma qabsado, Dawladnimonah laguma gaaro.


Daawo Lifaaqa: Dagaaladii Sokeeye oo Beenta laga sheegay! – Kismaayo / 


Lama dhalin karo haybad ka ballaaran Soomaalinimo iyo nabad ku wada Noolaasho.

Dhibka iman doona waa in laga gaashaanto oo dhabta laga hadlo.

Hala wariyo Gen. Maxamad Siciid Moorgan inaan Maamul rimaygacmeed ah laga dhisi karin deegaan bulsho-weyn Soomaaliyeed ay wada wadaagto.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s