Shariif Xasan oo Safar Deg Deg ah ku Jooga Nairobi Iyo Qorshaha Safarkiisa oo Warar Hordhac ah Ka Soo Baxayaan (Sir Culus)

Nairobi (Moment Media Group -) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya haatana ah musharax madaxweyne ayaa maanta lagu arkay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya isagoo sida wararku sheegayaan safar deg deg ah kaga soo ambabaxay Muqdisho shalay gelinkii dambe.

Sida Moment media ka ogaatay dad ku dhow Shariif Xasan, saraakiil ka tirsan xafiiska raysul wasaaraha dawlada Kenya ayaa shalay diyaarad gaar ah kaga soo qaaday magaalada Muqdisho si ay wada hadal ugu yeeshaan magaalada Nairobi.

Moment media waxay ogaatay in socdaalka Shariif Xasan uu ku wehlinayey Ilyaas Barre Shiil oo ah la taliyaha xafiiska raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga. Ilyaas Barre Shiil oo ah nin Soomaali ah ayaa beryahan dambe dhowr jeer safaro ku tagay magaalada Muqdisho, wuxuuna kulamo la yeelanayey siyaasiyiin ka mid ah DKMG ah.

 

Ujeedada socdaalka Shariif Xasan

Mid ka mid ah gacan yarayaasha Shariif Xasan oo aan rabin in la magacaabo ayaa Moment Media Groupu sheegay in Shariif Xasan xalay kulan waqti dambe qaatay la yeeshay raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo wasiiro ka mid ah golaha xukuumadda Kenya. Waxaana jiray kulan kale oo maanta ay yeesheen.

Illaa hadda warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen Shariif Xasan iyo masuuliyiinta Kenya. Ilo wareedyada qaar waxay sheegayaan in Shariif Xasan lagacodsaday inuu codadka xildhibaanada uu ku leeyahay baarlamaanka siiyo musharax C/weli Gaas oo Kenya ay u aragto nin xiriir dhow la leh isla markaana aan ka hor imaaneyn qorshayaasha dawlada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Dawlada Kenya, sida ilo wareedkan uu sheegayo waxay ad uga walaacsan tahay in heshiiskii badda ee loo saxiixay sanadkii 2009 uu burburo iyo in carqalad ku timaado qorshaha shidaal baarista ee ay dooneyso inay ka sameyso meel u dhow xeebta Lamu oo badweynta Hindiya ka mid ah.

Shariif Xasan wuu ka fekerayaa cida uu siinayo codadka taageerayaashiisa ku jira baarlamaanka taasoo dabcan uusan ku bixin doonin bilaash balse micne weyn ayey ugu fadhidaa waana sababtaasi mida keentay in saraakiisha Kenya kula gorgortamaan inuu codadka ku taageero C/weli Gaas marka la gaaro doorashada madaxtinimada ee dhacaysa toddobaadka dambe. Shariifku waxaa uu heystaa illaa 65 xildhibaan oo ah kuwii uu isaga gacantiisa ku qoray ee baarlamaanka uu geeyay, iyo qaar isaga raacsan.

Warar horey u soo baxay ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu ku gacanseyray dalab uga yimid saaxiibkiisa hore Shariif Axmed oo ka codsaday inuu codadka taageerayaashiisa ku biiriyo maadaama Shariif Xasan isaga haray tartanka madaxtinimada mar haddii uu Prof Jawaari (oo beesha Digil iyo Mirifle ka soo jeeda) uu ku guuleystay jagada afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana sababta uu u diiday lagu micneeyay in Shariif Xasan uu raadinayo qorshe isaga dani ugu jirto uu ugu yaraan gorgortan fiican ku heli karo, ugu yaraana ay ku jiraan in xilal fiican oo wasiiro dawlada cusub iyo danjirayaal ahba.

Ilo wareedyada ku dhow Shariif Xasan waxay Moment Media Group u sheegeen in sababta Kenya u rabto in C/weli Gaas codka la siiyo ay tahay in illaa hadda masuuliyiinta Kenya ay ku kalsoon yihiin in C/weli Gaas uusan ka hor iman doonin qorshayaasha Kenya iyo heshiisyadii lala galay (Arintaasi waxaa xaqiijiyey Ilyaas Barre Shiil oo u xogwaramay Odinga markii uu ku laabtay Nairobi), iyadoo ay dhici karto in haddii musharixiin kale ay jagada madaxweynaha ku guuleystaan ay diidi karaan, gaar ahaan ragga bannaanka ka ah musharixiinta KMG ah ee loo arki karo inay yihiin kuwa u ololeynaya mabda’a wadaniyadda “nationalists”.

Ilyaas Barre Shiil wuxuu sidoo kale warbixinta uu siiyey xafiiska raysul wasaare Odinga kaga digay in rag uu ka mid yahay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ku jira baarlamaanka Soomaaliya ay dagaal ku hayaan danaha Kenya ee gudaha Soomaaliya sidaasi darteedna wuxuu ku taliyey in Kenya xayiraad ku soo rogto ragga diidan danaha Kenya ee Soomaalida ah. Akhri warbixin hordhac

Arinta Jubbooyinka

Saraakiisha Kenya waxay kaloo walaac ka qabaan in cadaadis kaga iman kari qabiilada dega gobolka Jubbada Hoose oo hadda qeybo ka mid ah ciidamadeeda ku sugan yihiin, iyadoo sida saraakiisha Kenyanka sheegayaan ay ka cabsi qabaan in xifaaltan dhanka awooda qabiilada ah ay ka abuuranto marka la qabto magaalada Kismaayo, halka qabiilada qaarkood laga tuhunqabo inay diidmo kala hor iman karaan qorshayaasha dawlada Kenya- kuwa qarsoon iyo kuwa muuqda intaba.

Sida lagu daabacay wargeysyada wadanka Kenya, Kenya waxay dejisay inay shidaal ka baarto illaa 8-goobood oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xeebta Lamu. Waxaana afartaasi ka mid ah illaa labo goobood oo ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaana goobahaasi ka mid ah meel qiyaastii 15,000 square km ka baxsan xeebta Lamu halkaasoo qiyaastii ku beegan 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Kenya ay dhulka ay shidaalka ka baareyso oo ay ku jirto xeebta Kismaayo u taqaano “dhul biyood lagu muransan yahay”. Illaa haddana DKMG ah ee xilkeedu dhamaaday kama hadlin boobka lagu hayo dhul biyoodka Soomaaliya, waxaana xiise leh in waqtiga ay arimahan Kenya ku dhawaaqday ay tahay xilli doorasho ay ka dhacayso Muqdisho oo dawladii dhacday maamulkeeda iyo musharixiinta cusuba ay ku jiraan loolan siyaasadeedtaasoo micne weyn ugu fadhida dawlada Kenya in waqtigan oo kale ay kaga faa’ideysato danaheeda qarsoon.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s