Rag uu ka mid yahay madaxweyne Shariif oo loo baqaayo in maxkamad caalami ah lasoo taago.

August 31, 2012 – Waxaa jirta baqdin ku saabsan in maxkamad lasoo taago rag uu ka mid yahay madaxweyne Shariif ka dib markii la tilmaamay in dad Soomaali iyo Ajnabi isugu jira ay wadaan galaan gal lagu dacweeynaayo ragaasi.

Ragaan ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Shariif iyo sidoo kale saraakiisha midowgii maxkmadaha Islaamiga ee uu ugu horeeyo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cade iyo xubno kale oo maxkamadaha ka mid ahaa.

Waxaa la sheegayaa in muwaadiniin Soomaaliyeed iyo dad ajaaniib ah oo u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in xubnahaan lagu dacweeyo, taas oo ah in dagaaladii Midowga Maxkamada ay la galeen dowladii C/laahi Yuusuf iyo sidoo kale ciidamada Itoobiya ay ku dhamaadeen caruur aad u badan oo arday ah.

In kastoo dadkaan ay sheegayaan in Madaxweyne Shariif uu isaga amrin inay dagaalamaan caruurtaas ayaa hadana waxay sheegeen inuu ahaa gudoomiyaha fulinta islamarkaana uu ka reebi karay in caruurtaasi dagaalada la geliyo, laakiin ninka sida aadka loo doonaayo ayaa ah Indha Cade oo la tilmaamay inuu isaga amarka dagaalka bixiyay maadaama uu dhanka gaashaandhiga u qaabilsanaa maxkamadaha Islaamiga.

Warbixin ay diyaarinaayaan dacwad oogayaashaan ayaa waxay ku sheegayaan in caruur u dhaxeeysa 12 ilaa 18-sano jir ay dagaal geliyeen maxkamadaha Islaamiga, iyadoona dagaalkii Daynuunaay ka dhacay ay ku geeriyoodeen in ka badan laba kun oo caruur arday ahayd misane iskuuladooda laga kaxeeyay.

Source: waajid

==================

Dreams are illustrations from the book your soul is writing about you.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s