Fadeexad ka dhalatay lacago la lunsaday QEYBTA 1AAD Iyo 2AAD

July 15th, 2012  – Warbixintaan oo hordhaceedu ay soo baxday Isbuucaan ayaa waxay xaqiijinaysaa sida lagu helay ilo wareed xog ogaal Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlada KMG Somalia Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim uu lunsaday lacag gaareysa 2 milyan oo dollar Ka dib markii Xafiiska Qaramada midoobay ee arrimaha Siyaadasada Somalia uu bixiyay lacagtaan isla markaana uu ugu talagay in lagu yareeyo Burcad badeeda ku sii xoogaysaneyso Xeebaha Somalia waxaana uu Xafiiska Qaramada Midoobay lacagtaan marsiin rabay Hay’ad maxali ah oo arrintaan ka shaqeysa si ay uga wacyi galiso Dhalinyarada ku sii qulqulaya Burcada badeeda.

Warbixinta soo baxday ayaa waxay xaqiijineysaa in Xafiiska UNPOS qaybtiisa la dagaalanka Burcada badeeda uu lacagtaas siiyay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Bada Xukuumada kMG iyadoo aanan la ogayn lacagtaas halka uu ku bixyay Wasiirka.

Goob-jooge ku sugnaa halka lagu kala saxiixanayay heshiiska lacagta oo lagu magacaabo Abdiaziiz kana mid ah saraakiisha QM xafiiska Somalia una dhashay dalka kenya ayaa xaqiijiyay in Wasiirka uu ka codsaday Saraakiishii ka socotay UNPOS iyo UNODC in ay lacagtaas ay isaga ku wareejiyaan si ay wasaaradiisa wax uu ugu qabato Dhalinta Soomaaliyeed ee ku biiraya Burcad badeeda laakiin Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka Bada Xukuumada KMG lama garanayo halka uu lacataas marsiiyay.


17 August, 2011 ayaa waxaa la sheegay in wasiirku uu kulan kula qaatay Hotel Grand Regency oo ku yaala magaalada Nairobi Saraakiil ka socotay Qaramada midoobay oo ay ku jirto Gabadh la shaqeysa u qaybsamaha Qaramada midoobay arrimaha Somalia, warbixinta ayaa intaas ku dareysa in wasiirka maalintaas lagu wareejiyey lacagtaas, waxaana la socday xiligaas mid ka mid ah xoghayntiisa lacagtaas ayaa la sheegay in cadadeeda ay gaareysay 2million oo doolar Mareykanka ah lamana oga halka ay ka baxday iyadoo aanan la horkeenin golaha Wasiirada xukuumada Somalia.

Maahan lacagaha uu lunsaday wasiirka $ 2-daas million oo kali ah waxa sidoo kale la sheegay in Hay’ada Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Kalluumaysiga Xoolaha iyo Beeraha ee marka magaceeda laga soo gaabiyo loo yaqaano FAO ay bixisay lacag dhan nus Million dolar oo ay ugu talagashay in lagu horumariyo Kaluumaysiga taasoo ay u dhiibtay Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Bada ee xukuumada KMG ee Somalia waxaana la ogayn halka uu lacagahaas ku bixiyay isagoo aanan horkeenin Golaha Xukuumada KMG ah.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’ada FAO ayaa sheegay in Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Bada la siiyay lacagtaas sanadkaan horaantiisa ayna Hay’ada FAO ugu talagashay in lagu hormariyo Kaluumaysiga si Dhalinyarada loogu abuuro shaqo isla markaana waxaa loo marsiiyay wasaarada Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Bada.

Fadeexadan maaliyadeed ee ku soo baxday wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Bada ayaa ku soo aadeysa xili uu sii kordhayo musuq maasuqa dhinaca dhaqaalaha ah oo ay ku kacayaan masuuliyinta dowlada, isla markaana golaha amaanka ee QM uu ka doodayo warbixin uu soo gudbiyey guddiga la socodka xaalada Somalia oo ku eedeeyey madaxda ugu sareysa dowlada iney lunsaden lacag malaayiin dolar gaareysa xili shacabkii Soomaaliyed ee dhaqaalahaas loogu talo galay ay ka baahan yihiin.

———————

I try to leave out the parts that people skip.

LA SOCO QEYBTA 2AAD

———————-

QEYBTA 2AAD

Sidee Loo Kala Qaatay Malaayiinta Doolar ee Soo Gashay DKMG Soomaaliya (Qeybtii 2aad Warbixinta QM)  

Nairobi (Moment Media Group) Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay  Moment Media Group ayaa shaaca looga qaaday si faahfaahsan malaayiin doolar oo deeq ahaan u soo gashay DKMG Soomaaliya taasoo ay musuqmaasuqeen madaxda ugu sareysa dawlada, sida warbixinta lagu sheegay.

Warbixintaasi oo ka koobneyd 198 bog ayaa qeybtii hore [halkan ka akhri] oo Moment Media Group ay shalay daabacday waxay ka hadashay masuuliyiinta ugu sareysa dawlada oo lagu eedeeyay inay isdabamarin ku sameeyeen boqolaal milyan oo doolar, waxaana madaxda warbixinta lagu xusay ay kala yihiin Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Raysul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Haddaba qeybtan waxaan ku soo gudbineynaa faahfaahinta sida loo kala qaatay lacagaha la sheegay in la xaday, waxaana ka soo tarjunay isla warbixinta ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group. Halkan ka eeg warbixinta Monitoting Group

“Maxaa iigu jira?” (“What’s in it for me?”)

Warbixinta waxaa lagu bilaabay in shaqadii dawlada Soomaaliya iyo xafiisyadii danta guud ay isku rogeen meel si gaar ah loogu takrifalo oo dad gaar ah kaga faa’ideystaan danahooda gaarka ah. Masuul ka tirsan dawlada oo ka gaabsaday magaciisa ayaa hab dhaqanka ka jira xafiisyada dawlada oo ay ku jiraan kuwa ugu sareeya ku sifeeyay mid daneysi ah, isagoo yiri.

“Waxba lama sameeyo xafiisyada dawladaan, iyadoon qofka isweydiininMaxaa iigu jira?”.

1- Deeqdii ka timid dawlada Cumaan

Bishii April 2009, waxaa taliyaha Laanta Nabadsugida DKMG ah loo magacaabay Gen Maxamed Sheekh Xasan oo xilkaasi kala wareegay ninkii ka horeeyay oo ahaa Gen Maxamed Warsame Faarax “Darwiish”. Markii uu xilka la wareegay Gen Maxamed Sheekh Xasan wuxuu ogaaday in hay’adda nabadsugida ay lacag dhan $3 milyan oo doolar oo kaalmo ah ka heshay dawlada Cumaan, isla markaana dawlada Cumaan ay markale diyaar u tahay inay deeq labaad siiso hay’adda nabadsugida Soomaaliya.

Gen Darwiish (waa taliyihii nabadsugida ee dawladii C/laahi Yuusuf) wuxuu guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group u sheegay in dawlada Cumaan ay horey ugu deeqday $3 milyan oo doolar (USD $3,000,000) lacagtaasina loo isticmaalay mushaharaadka ciidamada nabadsugida iyo qalab loo soo iibiyey ciidamada. Guddiga waxay sheegeen inay ogaadeen in lacagta saddexda milyan ay isku khilaafeen Madaxweynihii xilligaasi Marxuum C/laahi Yuusuf iyo Raysul wasaarihiisa Nuur Cadde. Ugu dambeyntiina lacagtaasi lama marsiin Bangiga Dhexe ee dalka laman oga sida loo isticmaalay.

Bishii March 2010, taliyaha nabadsugida ee DKMG ah Gen Maxamed Sheekh Xasan wuxuu ballan kulan ah la qabsaday dhigiisa wadanka Cumaan. Ballanta kulankaasi waxaa soo qabtay danjiraha dawlada Soomaaliya u jooga wadanka Cumaan Xasan Maxamed Siyaad (Wiil uu dhalay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweynihii dawladii militariga) oo ku sugan xarunta Cumaan.

Sida warbixintu tilmaameyso, taliyaha nabadsugida ka hor intii uusan aadin wadanka Cumaan wuxuu arinta safarkiisa u sheegay Shariif Xasan oo ahaa wasiirka maaliyadda, isaguna wuxuu ku wargeliyey madaxweyne Shariif- waxayna labaduba ogolaadeen in Gen Maxamed Sheekh uu tago Cumaan uuna weydiisto lacag caawimaad ah oo agu caawiyo dhismaha ciidamada Nabadsugida DKMG ah. Waxana Gen Maxamed Sheekh loo dhiibay warqad rasmi ah oo uu qoray madaxweyne Shariif taasoo toos ugu socotay Suldaanka Cumaan Suldaan Qaboos Bin Saciid Aala Saciid. Warqadaasi oo af Carabi ku qornayd wuxuu Sheekh Shariif ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka mahadcelinayaan taageerada dawlada Cumaan iyo inay soo dhoweynayaan kaalmo kasta oo la siinayo dawlada KMG.

Bishii March 2010, Shan xubnood oo uu hogaaminayo Gen Maxamed Sheekh ayaa tagay Cumaan. Waxayna la kulmeen taliyaha sirdoonka Cumaan oo ay ku wareejiyeen warqadii uu soo qoray madaxweyne Shariif iyo warqad kale oo codsi ahayd oo uu qoray Gen Maxamed Sheekh (taliyihii hore ee nabadsugida DKMG) waxaana waxyaabaha uu codsaday taliyahaasi ka mid ahaa in loo iibiyo baabuur lancruisero ah ciidamada nabadsugida iyo matooroada dabka dhaliya.

Shariif Xasan

Dhowr usbuuc kadib kulanka, Gen Maxamed Sheekh waxaa telefoon ku soo wacay taliyaha sirdoonka Cumaan oo u sheegay in Suldaan Qaboos-ka Cumaan uu aqblay inuu lacag deeq ah siiyo dawlada Soomaaliya sidaa darteedna looga baahan yahay inay u soo sheegaan MAGACA qofka lagu sooo qorayo jeega lacagta (cheque) ay ku bixineyso dawlada Saldanada Cumaan.

Gen Maxamed Sheekh wuxuu markiiba toos ula xiriiray Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif oo markaasi ku sugnaa wadanka Ingiriiska (gaar ahaan London) wuxuuna u sheegay arinta halka ay mareyso iyo in dawlada Cumaan ay ku deeqeyso $3 milyan oo doolar. Shariif Xasan ayaa Gen Maxamed Sheekh u tilmaamay inuu u sheego sarkaalka Cumaan in lacagta uu soo marsiiyo shirkad lagu magacaabo Price Waterhouse Coopers (PWC) oo heysa account number ku qoran magaca DKMG Soomaaliya.

Dhowr toddobaad kadib, waxaa markale Gen Maxamed Sheekh la soo xiriiray sarkaal Cumaani ah oo u sheegay inay dhibaato kala kulmeen soo wareejinta lacagta saddexda milyan iyadoo electronic ah, sidaasi darteed wuxuu ka codsaday in masuuliyiinta Soomaalida midkood uu yimaado si uu u soo qaato lacagta oo jeeg (cheque) ku qoran. Shariif Xasan ayaa markaasi qorsheystay inuu u safro Cumaan si uu ula soo kulmo madaxda Cumaan ee lacagta uu ka soo qaadayo laakiin sababo dhanka farsamada ah darteed waxaa ballanta loo wareejiyey Dubai.

Shariif Xasan markii uu tagay Dubai wuxuu damcay inuu Account Numberka furo halkaasi, laakiin kuma uusan guuleysan sidaasi darteedna wuxuu ka codsaday Danjire C/qaadir Sheekheey (Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dubai) in jeega uu isaga saxiixo si lacagta loo dhigoaccount number ay leedahay qunsuliyadda Dubai oo uu Danjire Sheekhey hayo saxiixeeda (oo ah Dubai Bank account number 020-
102208-0210). Sida laga soo xigtay Gen Maxamed Sheekh, lacagtii saddexda milyan ee doolar waxay toddobaadyo kadib soo gaartay account numberka qunsuliyada- waana laga talabaxay shirkadda Price Waterhouse Coopers (PWC).

Gen Maxamed (Taliyihii hore ee nabadsugida)

Cumar C/rashiid

Gen Maxamed markii uu ogaaday in lacagta saddexda milyan ee doolar la marsiiyey meel kale, wuxuu la xiriiray Shariif Xasan isagoo weydiiyey ‘qeybtiisa’. Waxaana Gen Maxamed Sheekh uu qirtay mudo kadib Shariif Xasan uu u soo diray lacag dhan $10,000 (Toban kun doolar) taasoo uu sheegay inay ahayd kharashaadkii uu ku galay safaradii Cumaan. Lacagta tobanka kun ee loo soo diray Gen Maxamed Sheekh waxaa la sheegay inay meelo kale ka timid ee aysan ahayn lacagtii Cumaan ka timid.

Cumar C/rashiid, Shariif Xasan iyo Shariif Axmed

Monitoring Group waxay sheegeen in lacagta Cumaan ay kala qeybsadeen Madaxweynaha Shariif, Shariif Xasan (oo ahaa wasiirka maaliyada) iyo raysul wasaarihii xilligaasi Cumar C/rashiid. Cumar C/rashiid wuxuu Monitoring Group u sheegay in isaga iyo madaxweyne Shariif ay heleen $100,000 (Boqol kun oo doolar) midkiiba uuna u maleynayo inay lacagtaasi ka timid dawlada Cumaan.

Cumar C/rashiid ma cadeyn karo sida lacagta loo isticmaalay, sida ay xaqiijiyeen Monitoring Group.

Danjire C/qaadir Sheekheey

Sheekh Shariif Sheekh Axmed (gadaal walaalkiis Daa’uud Sheekh Axmed)

Kooxda Monitoring Group waxay wareysi xaqiiqo raadin ah la yeesheen Danjire C/qaadir Sheekheey (qunsulka Soomaalida ee Dubai) wuxuuna sheegay in lacagta saddexda milyan ee ku soo dhacday Account Numberka qunsuliyada uu u kala xawilay sida soo socota:-

A) US$1.2 million (Hal Milyan iyo Labo Boqol Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda A.S.M.J General Trading (L.L.C.) oo fadhigeedu yahay Dubai. Shirkaddan waxaa, sida horey loo soo sheegay iska leh nin lagu magacaabo Cabbaas Sheekh Maxamed Jimcaale oo ay qaraabo dhow yihiin (Agoon yar/Abgaal) madaxweyne Shariif isla markaana ah nin aad ugu dhow Sheekh Shariif.

B) US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda Jubba Airways Cargo oo la sheegay inay deyn hore ugu lahayd dawlada. Shirkaddan waxaa iska leh nin lagu magacaabo Cabdi Cali Faarax (oo ka soo jeeda Hawiye/Murursade), waana ninka iska leh qaar ka mid ah maraakiibta waaweyn ee badeecadaha u qaada Soomaaliya iyo Dubai.

C) US$1,650,000 (Hal Milyan iyo Lix Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa xawaalad loo dhigay Shariif Xasan ooku sugnaa Muqdishu.

Lacagahan lama helin meel ay ku bexeen,xisaabiyaha guud ee dawlada markii ay weydiiyeen Monitoring Group wuxuu u sheegay in wasiirka maaliyadda (Shariif Xasan) uusan wax dakhli ah oo ka yimid Cumaan ku soo wargelin. “Ma arkin” ayuu yiri xisaabiyaha guud ee dawlada.

Cabbaas Sheekh Maxamed iyo Yuusuf Sheekh Maxamed

Kooxda Monitoring Group waxay sheegeen inay heleen in ganacsatada waaweyn ay laaluush iyo qaab aan toos ahayn adeegyo uga fushadaan madaxda sare ee dawlada. Waxaana dadka la tilmaamay ka mid ah Cabaas Sheekh Maxamed Jimcaale (ama Jamaalo) oo ah mulkiilaha shirkadda A.S.M.J Trading Company taasoo fadhigeedu yahay Dubai.

Cabbaas waxay wada dhasheen Yuusuf Sheekh Maxamed oo iska leh shirkad kale oo la yiraahdo ‘Daljir Trading and General Service’ oo qandaraasyo ka qaadata wasaaradda difaaca DKMG ah isla markaana mararka qaar raashiin iyo qalab u keenta ciidamada dawlada.

Cabbaas iyo Yuusuf (Agoon Yar/ Abgaal) waa ragga gacanta ku haya lacagta madaxweyne Shariif ka helo dawlada, waxayna had iyo jeer labada nin qeybta soo gaarta Sheekh Shariif ku aruuriyaan keydkooda Dubai. Waxay kaloo lacagaha ka soo ururiyaan wadamada Carabta iyagoo ka wakiil ah madaxweynaha, sida laga soo xigtay saraakiil dawlada ku dhex jira.

Sayid Cali Macalim Cabdulle (Maareeyaha dekeda Muqdisho)

Sayid Cali Macalin (Maareeyaha dekeda Muqdisho)

Sayid Cali Macalim Cabdulle waa maareeyaha dekeda Muqdisho, waxay guddigu sheegeen in isaga iyo walaalkiis Maxamuud Macalim Cabdulle (Agoon Yar/Abgaal) ay ka mid yihiin mulkiilayaasha shirkadda Daljir Trading and General Service.

3-dii April 2010 shirkadda Daljir Trading waxay xafiiska raysul wasaarihii hore Cumar C/rashiid u gudbisay warqad qaansheegad ah oo ay ku sheeganeyso in US$1,965,000 (Hal Milyan iyo Sagaal Boqol Lixdan iyo Shan Kun Doolar) ay ku leedahay dawlada KMG ah, taasoo ahayd deyn raashiin iyo qalab ay dawlada u soo iibisay, sida lagu muujiyey dukuminti ay heleen Monitoring Group.

2- Dhaqaalihii ay bixisay SKA Air & Logistics

Bishii June 28-keeda sanadkii 2010, waxay Shirkadda SKA Air & Logistics heshiis qandaraas ah la saxiixatay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa wasiirka maaliyadda iyadoo loo fasaxay maamulka garoonka iyo dekeda Muqdisho. Dhanka shirkadda SKA waxaa heshiiska u saxiixay gudoomiyahooda Mike Douglas.

Isla bishii ku xigtay Mike Douglas (gudoomkyaha SKA Air & Logistics) wuxuu la xiriiray danjire C/qaadir Sheekhey oo ku sugan Dubai, wuxuuna u sheegay inuu rabo in lacag dhan USD $1,000,000 (Hal Milyan Doolar) uu u soo xawilo account numberkiisa, taasoo qeyb ka ahayd heshiiska dhexmaray dawlada iyo shirkadda SKA Air & Logistics. Lacagtaasi waxay ku dhacday account number-ka qunsuliyada ee uu maamulo danjire Sheekhey.

Danjire Sheekhey wuxuu Moniroring Group u xaqiijiyey in lacagta ay soo gaartay isaga, uuna u kala qeybiyey sida soo socota;-

A) 3 million Dirham oo u dhiganta US$220,000 (Labo Boqol iyo Labaan Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda A.S.M.J General Trading oo uu maamulo Cabbaas Sheekh Maxamed.

B) US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa la siiyey C/risaaq Iidow (maamulaha Shirkadda Nationlink ee Muqdisho) waxaana lagu micneeyey in C/risaaq Iidow uu deyn hore ku lahaa dawlada (labada Shariif) xilligii ay joogeen Jabuuti.

C) US$30,000 (Soddon Kun Doolar) waxaa lagu bixiyey safar diyaarado ay ku kiresteen Madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare Cumar C/rashiid.

D) US$600,000 (Lix Boqol Kun Doolar) waxaa lagu soo wareejiyey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sida uu cadeeyay Danjire Sheekheey lixda boqol kun ee doolar ee la soo dhigay Bangiga Dhexe waxaa lagu qoray magaca Ganacsade Cabbaas Sheekh Maxamed, wuxuuna isaguna u kala qeybiyey saddex meelood kala ah sida soo socota:-

1) US$500,000 (Shan Boqol Kun Doolar) waxaa la dhigay Bangiga Dhexe waxaana lagu wareejiyey nin lagu magacaabo M. Cali Xassan Tuacow, waxaana lacagtaasi lagu wareejiyey 14 July 2010. (Bangiga ayaa khidmad ahaan uga goostay US$10,000).

2) US$95,000 (Sagaashan iyo Shan Kun Doolar) Waxaa la dhigay Bangiga Dhexe waxaana lagu wareejiyey Ganacsade Sheikh Ahmed Jimale (mulkiilaha shirkadda Hormuud ahna madaxda Bangiga Salaama) taariikhdu markay ahayd 25 July 2010.

3) US$5,000 (Shan Kun Doolar) waxaa markale lagu wareejiyey M. Cali Xassan Tuacow, taariikhdu markay ahayd 26 July 2010.

Lacagahan la siiyey shakhsiyaadka, sida warbixinta ku cad looma hayo asbaabaha loo bixiyey, waxayna muujineysaa sida wax kasta ay u yihiin wax qarsoon oo mugdi ku jiro taasoo keeni karta isdabamarin inay dhacdo.

Moment Media Group

——————————

 

Siyaasiyiin iyo Ganacsato Caana oo Socdaalka iyo dhaqaalaha laga xanibaa

19 July 2012 (Moment Media Group) Golaha amaanka ayaa lagu wadaa inuu horaanta bisha Augusto si rasmiya u shaaciyo in xayiraad Caalamiya la saaray Siyaasiyiin iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ku eedeysan xatooyo hanti Qaran,taageerid burcad badeed iyo argagixiso,ku xadgudbid cunaqabateynta hubka ee Somalia.

Golaha Amaanka ayaa Warbixintii UN Monitering Group ee fadeexada Madaxda Somalia ka shirsan maanta,taas oo qalqal badan gelisay eedeysanayaasha.

Shaqsiyaadka dhaqaalahooda iyo  Safaradooda la xayiri doono waxaa ka mida ,Shariif Sheekh Ahmed,Shariif Hassan,Abdiwali Gaas,Mohamed Abdullahi Farmaajo,Abdullahi Gaafow Mohamed,Abdulkadir Sheekhey,Mohamed Sheekh Osman,Cabaas Sheekh Mohamed,Yuusuf Sheekh Mohamed,Siyad Cali Moalim iyo Mohamed Abdi Hassan Afweyne.

Ila wareedyo muhiima ayaa tibaaxay in UN Monitering Group soo saareen Liis cusub oo ay ku qoran yihiin Siyaasiyiin iyo Ganacsato Somali ah kuwaas oo ku kacay musuqmaasuq iyo xadgudubyo ka dhigan dimbiyo heer Qaran.

Warbixinta UN Monitering Group inkastoo hal dhinac u janjeerto,lana dhihi karo dhamaanteed waxaa lagu dabagalay dadka u dhashay Koofurta Somalia hadana marka la qiimeeyo waa mid kaalin weyn ka Ciyaari karta in Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ka joogaan ku xadgudubka hantida Qaranka iyo ku tumashada sharciyada Dowliga.

TUUG LA QABTAY TALO MA LEH

 

Monday 23 July 2012 – Soomaaliya waa beer bexeyso oo ka soo kabaneyso dhibaato mudda dheer ku habsatay, beer bexeysana lagama waayo geed buko, soomaaliya na waxaa mar waliba madax ka soo noqday dad maskaxda ka buko oo haba yaraatee lahayn aragti ama ujeeddo hor u kac, meeshii ay shaqada u doori lahaayeen cid u qalanta oo howsha loo dhiibay taqasus u leh.

Waxa ay u xagliyaan kaliya in danaha waddanka ku aaminaan qolooyin ay qaraabo hoose yihiin ama saaxibo oo xantooda u qariya,kama jirto Soomaaliya hayad guud oo shaqale ama mamul ka madax banana xulasho mugdo ka muuqdo,dhinac waliba aad ka eegtid shaqaalaha dowladda waxaa kuu soo baxaayo in ay hor booda yaan canaasiir qabiil lagu soo xulay oo ku xeel dheer sidii ay u booby lahaayeen hantada yar oo loogu tala galay in umadda lagu taakuleeyo.

Kama jirto waddanka hayad ah xisaabi xil maleh oo dar dar geliso ka war qabka lacagaha dowladda sida bareerka al loo lunsado, ciddii arrintaas isku daydo in ay ka hadasho waxay halis u tahay in shaqada la ceyriyo iyo in weliba xabsi loogu daro sida haatan uu la kulmay ninkii madaxda ka ahaa xeer ilaalinta guud oo dembi looga dhigay ka hadalka tuug iyo madax hanti lunsatay.

Soomaaliya waxay ku sifowday goob ay ka taliyaan tuugo is aruursatay, wax ay hambeynayaan la arag, jeebabka ka buuxsado lacagaha yar oo dalka soo galo, xishood ma yaqaaniin waxaa u cad xatooyo hanti dadwene,s ed buursi iyo laaluush ku dhaqan, balse waxay aakhirkii ku dambeyn doonaan in dabin ku dhacaan laguna qaado tuug la qabtay talo ma leh.

Madaxda waddanka ka taliso meel kasto oo ay tagaan waxay kala kulmaan aflagaado iyo xushmo darro sidii hadda ka hor ka dhacday shirkii London oo si gabasho lahayn loogu sheegay in tuugo iyo caado qaatayaal ay yihiin ayna xadeen lacag malaayiin kor u dhaaftay sidaas daraadeed na mar dambe lagu amini doonin hantida waddanka dibadda uga timaado, shirkaas madax ku shegga kulligood mid qaran ama mid gobol wey u dhammaayeen, meeshii ay ka gil-gilan lahaayen in ay iska rogaan heeryada dusha looga tuuray,waxay ka badin waayeen in gorodda ay raariciyaan waxa ay ogyihiin tuuga nimada ay faraha kula jiraan,tuug la qabtay talo ma leh.

Madaxda tuugada lagu tilmaamay qaar waa culumo, kuwa waa asharaaf,kuwa kalena waa madax hore uga soo shaqeyay dowladihii beri samaad kii,waa dad munaafiq ah oo u bareeray in ay ku takri falaaan jeebabka na ka buuxsadaan hanti guud oo loogu tala galay qolooyin masakiin ah.

Waa xaaraan ku naaxyo aadabta yu yartahay oo sida runta ah dhib badan u horseedi doono haddii ay leeyihiin ubad ay dhaleen, ciddii xaaraan lagu koriyo aaya dambe oo fiican laga sugi maayo,waxay ku wey naan doonaan ayagoo og in waalidkood tuug aha kuna soo koriyay lacag uu dadweynaha ka xaday.

Hoos waxaad ka aqrin kartaa in yar oo laga soo qaaday warbixintii UN ka loo gudbiyay,meeshaas waxaa ka muuqdo wax is daba marin oo haba yaraate loo meel dayin,inta wax hala boobo lagu jiray ayaa waxaa la illoobay in xisaabta la is waafajiyo,tuug la qabtay talo ma leh.

Missing funds, missing information

20. A key enabler of corruption and misappropriation of public finances is the
absence of reliable information. TFG revenue and expenditure records are not only
incomplete, but also essentially incoherent.
23. There exist serious discrepancies in recorded revenues, even within the TFG’sown financial institutions.
For FY 2011, the Ministry of Finance (MoFin) reported
actual revenues of US$72,643,000 whereas the Accountant General (OAG) reported

revenues of only US$55,482,997: a difference of US$17,160,003.

Inta yar oo warbixinta laga soo xigtay waxay muujineysaa in tuugo nimo cad ay madaxda faraha la galeen,mana muuqato caqli iyo cilmiin ay isaga difaaci karaan,waxay ka badin waayeen in midba midka kale uu eed badan farta ku fiiqo,tuug la qabtay talo ma laha.

Somalia: President Is Shielding Pirate Leader, U.N. Report Says

President Sheik Sharif Sheik Ahmed, left, has shielded a top pirate leader from arrest by issuing him a diplomatic passport, according to a United Nations inquiry, which criticizes the “climate of impunity” enjoyed by pirate kingpins in Somalia and abroad. The United Nations Monitoring Group on Somalia said in a report to the Security Council that senior pirate leaders were benefiting from high-level protection from Somali authorities and were not being sufficiently sought by international authorities. The group said a diplomatic passport had been provided “with the authorization of” Mr. Ahmed to Mohamed Abdi Hassan, a pirate leader also known as Afweyne, who presented it to authorities in Malaysia on a trip there in April. The report said Mr. Ahmed said the passport was “one of several inducements” for Afweyne aimed at dismantling his pirate network. Mr. Ahmed, in a letter to the chairman of the Security Council Sanctions Committee, called the report “one-sided” and described its contents as “unsubstantiated allegations.” President Sheik Sharif Sheik Ahmed

Xil kas nimo xumada madaxdaas waxay waddanka u horseeday jahawareer siyaasadeed,mid bulsho iyo mid dhaqaale iyo kala boob xabsi la’aan hantida umadda, maah maah ayaa waxay ahayd: markii bisadda maqan tahay jiirka waa bood booda; waddan madaxdiisa tuugo ku sifowda,xaqiiqda waxay tahay in marna waddankaas shaqaalahiisa laga sugeynin wax fiican oo loo aayo,tuug la qabtay talo ma leh.

————————–

The scariest moment is always just before you start.

LA SOCO QEYBTA 3AAD

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s