Madaxa Sare Ee Dalka Oo La Eedeyay

image

Kooxda la socodka arrimaha Soomalaiya ee Qaaramada Midoobey ah ayaa warbixin ay soo saartay uga hadashay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen lacago ay dawlada KMG ah ee Soomaaliya ka heshay dalalka UEA iyo Cumaan oo madaxda sare ee dalku lunsadeen.

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in dhaqaalahaan ay saraakiisha Dowlada KMG ah ka heleen  dalka Cumaan, kuwaasoo loogu talo galay laamaha amniga ee dalka, si loogu xoojiyo howlaha la xiriira amaanka iyo Ciidamadaba.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu tilmaamtay in Maamulka Faroole uu isna dhaqale ka helay UEA kuwaasoo loogu talo galay in dhiso Ciidamo ka hortag burcad badeedka, waxeyna qandraaskaasi la siiyay shirkada Saracen taasoo aan ilaa hadda la ogeyn halka ay ka baxday.

General Maxamed Sheekh oo dawlada KMG ahi arrintan u xilsaaratay ayaa kooxda la socodka xaalada Soomaaliya ee QM waxa uu u sheegay in lacagtaasi ay gacanta u gashay sadexda masuul ee kala ah Madaxweyne Sheekh shariif, Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xiligaa ahaa wasiirka Maaliyada iyo raiisul wasaarihii hore ee DFKMG ah Cumar Cabdirashiid.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in Dalka UEA ay sanadiiba bixin jirtay 50-Milyan oo US$, iyadoo maalgelintaasi ay ka mid ahaayeen Maraakiib iyo Diyaarado kuwa Qumaatiga u kaca ah, iyadoo qandaraaskaasi la siiyay 2 nin oo u dhashay dalka Lubnaan, sdioo kale Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagta ay dawlada Cumaan Bixisay uu cadadkeedu ahaa 3 million oo dollar.

Warbixintani waxa ay wax u dhimi karataa damaca siyasadeed ee masuuliyiinta warbixinta lagu xusay in ay aduunkan lunsadeen.

Ma aha markii u horeysay ee warbixin noocan ah oo caalemi ahi ay tibaaxdo in DFKMG ahi ay masuuliyiin ka mid ahi lacago lunsadeen. Laba bilood gudohood ayaa lagu wadaa in Soomaaliya loo dhiso dawlad aan kumeel gaar aheyn

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s