1aad:Tarjumaad Iyo Soo Koobid Lacagta Ay Dhunsadeen Madaxda Dowladda KMG.

image

Waxa 30 May 2012 uu Bangiga Aduunku u qaybiyay wufuudii shirka Istanbul warbixin tafaftiran oo ku qoran 18 bog, oo ka hadlaysa lacagta soo gashay dowladda KMG sanadihii 2009-2010 iyo sida ay u qarash gareysay dowladdu. Warbixinta oo kooban ayaan Af-Soomaali ku tarjunay, iyadoo Ingiriis ahna hoos ayaan ku lifaaqi doonaa.
Madaxda hoos ku qoran ayay warbixintu kasoo dooratay mas’uuliyinta dowladda KMG, waxanan sabab u ah waa ragga ay qusayso ama wax laga waydiin doono halka ay martay lacagta malaayinta ah ee maqan, maadaama xafiisyadoodu ay yihiin kuwoo gacanta loo gashay lacagtaas oo qarashgareeyay.

Shariif Xasan Sh. Adan Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’isal Wasaare Xigeen (Hada afhayeenka baarlamanka.


Shariif Sh. Axmed Madaxweynaha dowladda KMG.

C/risaaq Cismaan Xasan Jurile Wasiirka Boostada iyo War-Isgaarsiinta.

C/raxman Xaji Aadan Ibraahim Ibbi, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyradka Badda.

C/rashid Max’ed Cabdi Xashi Cirro Wasiirka Ganacsiga

Max’ed Ibrahim Xaabsade, Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda

Madaxda sare ku xusun waxa ugu tun weynaa xiligaas wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan oo xafiiskiisu uu mas’uul ka ahaa soo aruurinta lacagaha canshuuraadka iyo qabashada deeqaha shisheeya, waxana wasiirkan lagu eedeeyay inuusan soo gudbin warbixinta lacagihii gacantiisa soo galay. Miisaaniyadii ugu horeysay ee uu soo hordhigo baarlamaanka waxay aheyd sanadkii 2011, mana jirin miisaaniyad iyo xisaabxir labadii sanno ee ka horeysay 2009-2010.

Hay’adda baaritaanka xisaabeed sameysay waxan qiyaastay in canshuurta usoo xerootay dowladda sannadkii 2009 ay aheyd $94 milyan, halka sannadkii2010 ay usoo xerootay $70 milyan. Laakin dowladda KMG ah hay’adeeda hantidhowrka iyo xisaabiyaha guud wuxu soo bandhigay inay usoo xerootay aduun dhan $11 milyan sannadkii 2009, meesha $22 milyan ay soo bandhigeen sannadkii 2010, waxaana halkaas ka muuqda farqi aad u weyn oo gaaraya ilaa $130 milyan oo ku maqan gacanta madaxda dowladda. Lacagta maqan ayay hay’addu ku sheegtay inay mushaar ku filan u noqon laheyd dhamaan shaqaalaha dowladda, xildhibaanada iyo ciidamada amaanka labadii sanno ee 2009-2010. Waxa xusid mudan in lacagta kor ku xusan aysan ku jirin deeqaha beesha caalamka, laakin ay tahay lacag canshuur ahaan looga soo aruuriyay dekedda iyo garoonka diyaaradaha oo kaliya. Waxa kaloo xusid mudan in lacagta kor lagu sheegay aysan ku jirin canshuuro laga qaaday shirkadaha telefonada oo gaaraya $49 milyan iyo canshuurta Jaadka oo gaaraysay $38 milyan, labada sanno ee laga hadlayo.

Mar ay hay’adu ka hadleysay deeqaha wadamada dibadu ay ugu deeqaan dowladda KMG, waxay sheegtay in inta badan lacagaha deeqda ah ee si toos ah ugu dhacday gacanta dowladda ay ka timid wadmada Khaliijka. Deeqaha bani’aadanimo ee beesha caalamku bixisay intooda badan waxa loo marsiiyay Soomaaliya hay’adaha samafalka ee NGO iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, laakin looma dhiibin Dowladda KMG. Baaritaan kadis ah iyo xog lagu kalsoonaan karo waxa lagu ogaaday in lacagta deeqaha ee si toos ah ugu dhacday gacanta dowladda KMG ay gaaraysay $59 milyan sannadkii 2009, halka ay dowladdu sheegatay in deeqaha ay heshay ay ahaayeen $3 milyan oo kaliya.

Warbixintu waxay intaas ka dartay in dakhliga canshuuraha dowladdu uu ka yimaado oo qura dekedda, garoonka diyaaradaha iyo dhacdhac kale oo ay ka mid yihiin khidmada baasaboorada, taargada baabuurta, canshuuraha dowladda hoose (munishiibiyo) ee suuqyada iwm. Waxay warbixintu ku eedaysay dowladda inaysan wax canshuur ah ka qaadin ganacsiyada ay ka midka yihiin shirkadaha xawilaadaha, Jaadka, iyo shirkadaha telefonada oo aan loo sameyn qaab-canshuureed hufan, laakin waxa jira qaab gacma-gacmaysi oo shirkadahaas looga qaado lacago la oran karo waa baad, oo ku dhaca gacanta mas’uulka wasaaradaas ay quseyso shirkadu, waxana ugu badan Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaarada Boostada iyo War-Isgaarsiinta oo si joogto ah lacago uga qaada shirkadaha Telefonada. Lakin sida warbixinta ka muuqata dowladdu masoo gudbin canshuur ay ka qaaday shirkadaha telefonada.

Sidoo loo kala leeyahay shaqooyinka.

Wasaarada Maaliyadu waxay u xilsaaran tahay soo aruurinta lacagta, xisaabinta iyo u qeybinta lacagtaas wasaaradaha kale ee laga sugayo inay ugu adeegaan bulshada.

Bangiga Dhexe waa inay kusoo dhacdaa dhamaan lacagta kaash ka ah, meeshay doonto haka timaadee, sida dekadda, garoonka, shirkadaha, degmooyinka, gobolada iyo deeqaha dibadda. Waana in bangigu hayaa oo kala maareeyaa dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.

Hanti-Dhowrka Guud, waa inuu xifdiyaa koobiga dhamaan dhaqdhaqaaqa xisaabaha baxa ama soo gala.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud, waa inuu koontaroolo oo is barbardhigo kharashaadka iyo dakhliga dowladda ee ka baxaya ama soo galaya bangiga dhexe, isagoo isha ku haynaya miisaaniyad-sanadeedkii uu ansixiyay baarlamaanku. Laakin nasiib daro shaqooyinka kor ku xusan oo dhan waxa isku qabta hal, labo ama dhowr mas’uul oo iyaga ay kusoo dhacdo lacagto, kadibna siday rabaan ugu qeybiya hay’daha dowladda, kadibna intay rabaan iyagu ka qaata.

Hay’adda sameysay baaritaankan ayaa lagu magacaabaa PFMU Public Financial Management Unit, Waaxda Maamulka Dhaqaalaha Shacabka, waana hay’ad uu magacaabay Bangia Aduunku laguna ansixiyay howlgalkeeda shirkii London. Lakin nasiib daro hay’adaan waxa is hortaagay howlgalkeeda oo diiday inay saxiixaan warqadaheeda labada Shariif oo hada u eedaysan beesha caalamka, laguna hayo maanta shirqoolkii looga saari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Laakin hay’addan oo ka socota Bangiga Aduunka howlgalkeedii way iska wadatay, waana tan hada soo bandhigtay natiijadii baaritaankeeda.

Gunaanadka warbixintu waxay qoraysaa in lacagaha canshuurta ah iyo deeqaha la rabay inay ku dhacaan hay’adaha iyo qasnadaha kore loo kala qeybsado sida soo socota.
Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Wasiirka Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Maamulaha Dekadda. Warbixinta ay dowladu soo gudbisayna waxay qoraysaa lacagta kusoo dhacday bangiga dhexe oo kaliya, mana sheegayso lacagaha ay kala qaateen madaxda kor ku xusan.

Waxaan hoos kusoo koobaynaa warbixinta dakhligii dowladu dhiibtay iyo warbixinta dakhliga baaritaanka hay’adda PFMU. Dowladda waxa u hadlaya OAG Office of the Accountant and Auditor General, xafiiska xisaabiyaha iyo hanti-dhowrka guud.

Dakhliga Guud

AIFR 2009 2010
OAG $8,208,950 $15,460,374
PFMU $112,260,000 $124,077,428
Farqiga Maqan $104,051,050 $108,617,054


Dakhliga Dekedda Muqdisho.

AIFR 2009 2010
OAG $6,242,682 $12,600,000
PFMU $24,000,000 $30,000,000
Farqiga Maqan $17,757,318 $17,400,000

Dakhliga Garoonka Aadan-Cadde.

AIFR

2009

2010

OAG

$351,920

$430,165

PFMU

$1,200,000

 $1,800,000

                      Farqiga Maqan

$848,080

 $1,369,835

Dakhliga Garoonka No 50 ee Canshuurta Khaatka

AIFR

2009

2010

OAG

$114,348

$149,428

PFMU

$38,460,000

$40,758,000

Farqiga Maqan

$38,345,652

$40,608,572

Isha Xogtan (Source)

Aragti (Comment)

FDA Daraasadda (Analysis)
(Financial Diagnostic Assessment)

Inkastoo waqtigan garoonka No50 aysan dowladdu gacanta ku heyn, hadana milkiilaha garoonkaas Xaaf, wuxu siinayay dowladda $60,000 bishii laga soo bilaabo sanadkii 2006-2009 taasoo ah canshuurta Khaat ka.

PFMU Codsatay (inquiries)

Qiyaasta heshiiska u dhexeeyay Xaaf iyo dowladda KMG waxa lagu sheegay $80,000 bishii, sannadkii 2009 iyo wax yar ka badan sannadkii 2010

Dakhliga Shirkadaha Telefoonada.

AIFR

2009

2010

OAG

$0

$0

PFMU

$48,600,000

$51,030,000

Farqiga Maqan

$48,600,000

$51,030,000

Source

Aragti (Comment)

FDA Daraasada (analysis)

Qiyaasta dakhliga laga canshuuri karay shirkadaha telefonada waa $540 milyan sannadkii, waxana laga qiyaastay 1.5 milyan qof oo haysta telefon mobile ah, qofkiina uu ku hadlo bishii $30

Somali telecommunications company source Xogta shirkadaha teleefonada.

Sheegashada shirkadaha telefonadu ay sheegteen inay wasaarada warfaafinta iyo war-isgaarsiinta ku wareejiyaan $100,000 bishii waa war macquul ah. Laakin dowladdu masoo gudbin wax dakhli ah oo kasoo gala shirkadaha telefonada.

Dakhliyo Kale

AIFR

2009

2010

OAG

$0

$446,122

PFMU

$0

$489,428

Farqiga Maqan

$0

$43,306

Isha Xogta (Source)

Aragti (Comment)

Bangiga Dhexe (Central Bank)

Warqad naga soo gaartay Bangiga Dhexe waxa lagu sheegay inay jiraan dakhliyo kale oo soo gaaray bangiga oo gaaraya $1,871,692 sanadkii 2009.

Xisaabiyaha Guud (Accountant General)

Warqad iyaduna naga soo gaartay Xisaabiyaha Guud wuxu ku sheegay, marka laga reebo Wasaarada Maaliyadda ma jirto wasaarada kale oo dakhli usoo xareysay dowladda sannadkii 2009.

Mucaawanooyin khaas ah.

AIFR

2009

2010

OAG

$2,875,000

$6,515,900

PFMU

$42,875,000

$32,725,000

Farqiga Maqan

$40,000,000

$26,209,100

Isha Xogta (Source)

Aragti (Comment)

PWC (Price Waterhouse Coopers) Shirkadd Accountant oo dowladu qoratay xili hore

2009, $2,875,000 ayaa kusoo dhacday qasnadda PWC, taasoo aheyd mucaawino ka timid dibadda oo ku socotay dowladda, waana loo gudbiyay dowladda.

Waaxda Canshuuraha (Customs Department

2009, warbixin waaxda canshuuraha ay na siisay, dakhliga canshuurta sanadihii 2009-2010 oo ah $2,875,000  wuxu shabahay, warbixin uu Hanti-Dhowrka Guud na siiyay oo ah $2,875,000 taasoo uu ku sheegay dakhli dibada ka yimid. Waxaana muuqata in isla hal lacag naloo soo gudbiyay.

FDA Analysis

Baaritaan uu sameeyay gudiga baarlamaanka ee Maaliyadda SFC sannadihi 2009-2010 waxay ku sheegeen in Wasaarada Maaliyadda ay ka codsadeen cadaymaha deeqaha dibada ka yimid, laakin wax jawaab ah kama aysan hilin wasaaradda. Sidaas darteed, gudigu wuxu sameeyay baaritaan, waxaana u soo baxday in dhowr dowladood ay ugu deeqeen Soomaaliya $59 milyan sannadkii 2009, taasoo noqonaysa in ka badan $19 milyan qiyaastii PFMU ay sameysay. Gudiga Baarlamaanka waa laga hor istaagay inay sameeyaan baaritaan kale sannadkii 2010.

KHARASHAADKA GUUD EE BAXAY

AIFR

2009

2010

OAG

$11,070,309

$20,089,882

PFMU

$155,150,000

$170,665,000

Farqiga Qaldan

$144,079,691

$150,575,118

Source

Comment

Xafiiska Xisaabaadka iyo Hanti Dhowrka Guud (Auditor and Accountant General)

2009, wuxu keenay qarashka baxay, qiyaas la mid ah mida Hanti-Dhowrka oo  dhan $11,070,308

Baniga Dhexe (Central Bank

2009, wuxu keenay qarashka baxay, qiyaas la mid ah mida Hanti-Dhowrka oo dhan $11,430,718

Wasaarada Maaliyadda (Ministry of Finance

Waxay sheegtay in qarashaadku ay gaareen $18,334,476

Miisaaniyadda Shaqeyneysa (Working Budget )

Waxay sheegtay in qarashaadku ay gaareen $18,308,160

SFC

Gudiga baarlamaanku wuxu cadeeyay in hay’aduhu ay soo kala gudbiyeen afar jawaabood oo kala duwan. Wasaarada Lacagtu wax jawaab ah sooma bixin iyadu. Bangiga dhexe wuxu keenay  $11,430,718. Hangi-Dhowrka Guud wuxu keenay $11,070,308. Xisaabiyaha Guudna  $11,070,308.

Kharashaadka Xafiiska Madaxweynaha.

AIFR

2009

2010

OAG

$285,000

$1,381,327

PFMU

$3,600,000

$3,960,000

Farqiga Qaldan

$3,315,000

$2,578,673

Isha Xogta (Source)

Aragti (Comment)

TFG

Lacagta uusoo gudbiyay Hanti-Dhowrka Guud waxay shabahdaa, qarashkii ku baxay xafiiska madaxweynihii hore C/lahi Yusuf sannadihii 2008- ilaa 2011 oo isku lacag ah.

FDA Daraasad (Analysis)

PFMU waxay sheegtay in meesha Hanti-Dhowrku uu ku sheegay qarashka xafiska madaxweynaha $285,000 sannadka oo dhan, ay aheyd, $95,000 bishii, x 12 bilood = $1,140,000 sannadki. Lakin hadii la qaato kharashka Hanti-Dhowrka Guud, markaas shaqaaluhu waxay mushaar qaateen 3 bilood oo kaliya, waxana maqan oo aan meel lagu sheegi karin $855,000

SCF

Gudiga baarlamaanku wuxu keenay in qarashka xafiiska madaxweynuhu uu ahaa $90,000 bishii, oo noqonaysa $2,160,000 laba sanno 2009-2010 SCF waxay warbixinteeda ku keentay in markaas dowladu ay soo gudbisay kharashkii baxay 3 bilood oo kaliya, wasaarada Maaliyaduna way ka baaqsatay inay keento cadaymo taageeraya warbixinteeda.

Kharashka Xafiiska Ra’isal Wasaaraha

AIFR

2009

2010

OAG

$216,000

$825,551

PFMU

$6,000,000

$6,600,000

Farqiga Qaldan

                            $5,784,000

$5,774,449

Kharashka Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka.

AIFR

2009

2010

OAG

$300,000

$380,000

PFMU

$2,400,000

$2,640,000

Farqiga Qaldan

$2,100,000

$2,260,000

Kharashka Xildhibaanada

AIFR

2009

2010

OAG

$2,640,000

$2,399,042

PFMU

$16,500,000

$18,150,000

Farqiga Qaldan

$13,860,000

$15,750,958

Source

Comment

SCF / Expenditure Estimate Trends

Gudiba Baarlamaanku wuxu sheegay in haddii la qaato xisaabta dowladda oo ah $2,640,000 markaas xildhibaanada mushaar la siiyay 4 bilood oo kaliya.  (550 MPs x $1200 x 4) = $2,640,000

Kharashka Wasiirada

AIFR

2009

2010

OAG

$1,404,000

$212,030

PFMU

$46,800,000

$51,480,000

Farqi Maqan

$45,396,000

$51,267,970

Source

Comment

PFMU

Qiyaasta xisaabta PFMU waxa lagu saleeyay miisaaniyadda bilaha ah ee wasaaradaha taasoo aheyd $100,000 bishii sannadkii 2009  iyo $110,000 bishii sannadkii 2010.

 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s