FAALLO:Faroole oo Farta lagu wada fiiqay! Q:1-aad

Maqaal: Faroole oo Farta lagu wada fiiqay! Q: 1-aad

Akhriste, inta aadan qormada aqrin, fadlan bal daawo muuqaalkan ama Video-ga ku jira xariggan (Link-ga) hoose, si aad u ogaato qodobada qormadu ku qotonto, markii aad daawato dabadeed Qormadaan qaabka aad doonto u qaado. Aqris wanaagsan.

Murti ayaa dhahaysa: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin ayaa taga” mid kale waxay leedahay: “Nimaan qaybin jirin hadduu qaybiyo, nimaan qadi jirin ayaa qada” mid kale ayaa oranaysa, dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay ahayd: “………… Muuse waa kaa!”.

Sida magaca qormaduba yahay, waxaan kaga hadli doonnaa mudaneC/raxmaan Faroole, oo ah madaxa maamulka Puntland, Anigoo ka dhugan doona dhinacyo dhawr ah, oo u baahan in la dhiraandhiriyo, sababo la xiriira arrimo badan oo is biirsaday iyo aragti weecsan oo la faafiyey awgeed, maxaa yeelay xaqiiqdu waa mid qura mar walba, qof gaar u haystana ma jiro.

Ugu horrayn, ma doonayo inaan wax ka iraahdo sooyaalka aqooneed, maamul iyo sayaasadeed ee Faroole, sababtu waa inaysan jirin meel laga tixraaco oo hufan, qawaar kasta waxaa loo xarriiqay sadarro qurux badan, oo la xiriira taariikh nololeedkiisa, Adiguba dhugo buugga “Halgan iyo Hagardaamo” ee la leeyahay C/laahi Yuusuf ayaa qoray, waaba su’aale: heer uu wax ku qoro ma ku sugan yahay? Maxaa taariikhda loo hagranayaa? Bal daaloco naqdiga Boobe Yuusuf Ducaale ee uu baxshay: “Hadimiyo Hantaaq”.

Puntland, maamulkii marti soorka iyo marti wanaajinta, shirkiiGaroowe ayaan dhaliillo yar ka qoray, waaba la ogaa wixii dhacay, waxaasne dadka xusuusinayaa marka maamul la saluugo ama shaqsi la dhaliilo, inaan la isku qarin qabiil iyo isbaaro, meesha xaal marayo ma wanaasgana, ha ahaato dadka reer Puntland ama dadka ka soo qaxay qaxarka Alshabaab, Amisom, abaaraha ku duftay deegaannada koofureed iyo marxaladda kala guurka ee lagu jiro, balse, dadka qaarkii waxaa uma muuqdaan, oo waxaaba xaal ku sii socdaa ninkii Puntland afka soo mariyaa, Istaaq furallaah, ha dhoho.

“Hogbay ku socotay, haddayse ku dhacday!”

Arartaa gaaban ka dib, aan gudagalo dulucda qormada, Nuradin Adan Dirie oo ka mid ahaa u tartamayaasha madaxa Puntland ayaa markuu guul darraystay yiri: “ Hogbay ku socotay, haddayse ku dhacday!”hadal nin laga guulastay dheh, haddana hadal nin dhabta dhaayaha ku hayey dheh, malaha welwelka wuxuu u muujinyey ma ahayn reer Puntland, ee waxaa ka muujinayey mudane Faroole, waan sii lafa guri doonnaa oraahdaa.

Mudane Faroole, oo aan Anigu u baxshay “FUUQSADE” illeen waxba ma hambayne, waxaa madaxa maamulka Puntland loo doortay billowgii sanaddii 2008-ddii, xilka waxaa ugu horreeyey mudane C/laahi Yuusuf Axmed, oo aan isna u baxshay “Xabaal badiye” illeen waxba ma iyo Cadde Muuse, oo aan isna u baxshay “Cantoobsade” mudanaha hore xoog, xeelad iyo xoolo intaba wuu ku doonay xilkaas iyo midka Soomaaliya ugu sarreeyaba, kuna guulaysay labadaba, haddana wuxuu qaxooti ku yahay Yemen, maya, wuxuu qaxuuti ku yahay xeradiisii rasmiga ahayd ee Xabashi, Cadde Muuse intaan C/laahi Yuusuf si rasmi ah faraha ugula bixin, mar baa taageerayaashiisa lagu raacdaystay waddooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Haddaba su’aashu waxay tahay: maxaa is badalay maalintuu xilka wareejiyey Cadde Muuse, ee uu la wareegay Faroole? Maxaa qabsoomay? Maxaan qabsoomin? Maxaa xumaaday, oo qaldamay? Maxaa la toosiyey, oo la wanaajiyey? Weydiimuhu badan, hubaalna inay dad badan is weydiinayaa, waana midda aan doonayo inaan qormada ku lafa guro.

Faroole iyo faquuqa

Mudane Faroole “Fuuqsade” shaqsi ahaan waa nin af gurracn, aan codkar ahayn, hadalka dadka deeqsii karin, ku caan ah jaajaalaynta iyo hadal jareexo ah, sidaa waxaan u leeyahay laba middood, oo kala ah: hadal uu jeediyo oo aan jabnayn ma maqal, micnaha inuu qolo aflagaadeeyo, inuu af xumo ku hadlo iyo dad kale aafeeyo ma ahane, si qumman uma hadli yaqaan, midda kale, waa inuusan afkiisa dhawrin, hadalkiisana qabyaaladi ka marnayn, oo ah laba hannaan oo qof hoggaamiye ah aan ku habboonayn.

Mudane Faroole “Fuuqsade” meesha “Marada uga dhacday” waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Shariife, oo aan isna u baxshay “Xalqo joog” waa: Qabyaaladda qayaxan, faquuqa aan loo fool dayin, haba ugu darnaadeed dadyowga ka soo qaxay koofurta fog, si gaara waxay qabyaaladda Faroole qoorta u gashay dadka ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, oo siduu xilka u qabtay aadba mooddo inuu si gaar ah u faquuqayo.

La yaabku wuxuu ahaa, markuu aflaagaddo dusha ka saaray, xildhibaanno isku dayey inay wax ka dhahaan bahalnimada faroole ku hayo umaddan, isagoo si xun ugu jawaabay kuna dooday inay dadkan ku nool yihiin nolol sarraysa, Adiguba aamin! Erayada aan la illoobi doonin waxaa ka mid ah: “Aragagixisadu waa reer koofur” iyo“reer koofurku ha is diiwaan galinyaan”.

Waxaa iyaduna xasuus mudan, xilli dagaal uu ka dhacayey degmada Kaaraan, oo u dhexeeyey ciidanka dawladda iyo Alshabaab, oo gabi ahaanba laga qaxay degmada, ayaa wariye waraysanayey wax ka weydiiyey dareenkiisa shaqi ahaaneed, wuxuuna ku jawaabay mudane Faroole “Fuuqsade” Waaba Illaahay mahaddiis, haddii Kaaraan laga qaxayo, oo aan waligeed laga qixin, maanta unbaa caddaalad la garay!

Dawladaha dariska ah iyo Somaliland oo inay goosatay sheegtay, wali kama dhicin in Soomaalida lagu yiraa: “is diiwaan galiya!” Waxay ka dhacday barta marti soorka badan ee Puntland, taa kaliya ma ahan, qarixii dhaca, qofkii la dilo, dukaankii la jabsado iyo dadkii badda lagu daadsho kulli waxaa ka dambeeya Reer koofur.

Soomaalidaa waxay tiraa: “Mayd maxaa ugu dambeeyey? Kii la sii siday” bal idinkuba dhagaysta khudbadduu ka jeeday London, maya, waxaad dhagaysataan midduu ka jeedayey saddax sano jirsashadiisii, hadal lagu yaqyaqsado, aan u qalmin inuu nin masuul ah ku hadlo, ayuu la soo shir tagay, waxaaba la yaab leh waa isla qumman yahay, loona qiilinayaa.

Waxaan la yaabay been walba ee uu sheegayo, wuxuu ku hadal qabsadaa: “Ilaahyna waa oghaya idinkuna waa og tihiin” ama “ Wax marqaati loo qabsado Ilaahay ayaa ugu weyne” war heedhe, haddaadba been sheegayso, maad Ilaahay iska dhaaftid! Illeen run sheegi maysid, mise waxaa dhankaaga kaa soo gaartay farriinta ah:“hawraar aan Alle ku jirin laguma hadaaqo” waa siyaasadda sanadaha Jihaadka.

Mudane Faroole “Fuuqsade”, qabiil uusan wax ka sheegin ma jiro, ha ahaadaan kuwa gobolka ama kuwa ka baxsan, waxaan filayaa inaad wada xasuusataan jaa’ifaduu u gaystay xubnihii baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan, isagoo ku tilmaamay qabqabayaashii dagaalka, ee aan rabin nabad, malaha kaan Garoowe tagin waa nabad diid? Waa intii dhimmaneede.

Faroole iyo Fidnada “Amniga”

Mudane Faroole “Fuuqsade” siduu xilka u qabtay, gobolka dhan waxaa ku baahay amni xumo, waxaa daleel walba oo deegaanka ka mid ah ka dillaacay dilal qorshayn, qaarijin, qulqulatooyin dadkii qalqal galiyey, waxaa ku qur baxay madax sarsare oo maamullka ka tirsan, xildhibaanno, wasiirro ku xegeen, madax gobol iyo masuuliyiin qaabilsan amniga, dadka caadiga ah iyaga ka hadal ma leh, oo si joogta ah ayaa loo dilaa.

Madaxdii Faroole uga horraysay maamulka gobolka, muranka hab maamulka, maaraynta iyo midnimada gobolka marka laga soo tago, isaga waxaaba u dheer dil joogta ah, su’aashu waxay tahay: yaa ka dambeeya dilalkan? Faroole warkiisu waa cad yahay: “waxaa ka dambeeya Argagixisada iyo reer koofur” balse iyadoo caqliga la adeegsanayo xaqiiqadana aan la iska indha saabayn, ammaankan faraha ka sii baxay, xilkeeda cidda leh farta maa lagu fiiqo?.

Amni xumida jirta waxay gaartay heer aan ka soo laabasho lahayn, dad badan waxay rumaysan yihiin in dilalka uu maamulka Faroole ku lug leeyahay, maxaa yeelay meelaha ay ka dhacaan iyo sida ay u dhacaan, waxay ku galinaysaa dareen aad u xoog badan, oo qof aan masuul ahayn aan ogaa karin, ama uusan ka fulin karin fal dambiyeed, haddana waxaa lagaa dhaadhicin argagxiso ayaa fulisay, mayee, waxaa fuliyey reer koofur.

Puntland hadda wayba guulaysatay, sida hadalka loo dhigay, maadaama shidaal qodonayso, ma xumo, hurmar bogaadin mudan, mise la is weydiiyey, shidaal iyo burcad badeed inaan la isku baal wadi karin, shidaal iyo shabaq inaan la isku shaandhayn karin, amni xumida ka taagan Puntland ma ahan mid dhiirigalinaysa maalgashi, waase arki doonnaa meesha ay wax ku dhammaadaan.

La soco qeybta xigta ee qormada.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s