Deeqdii ICRC Xamar oo Puntland loo raray+Siyaasiyiinta Majeerten oo Qatar shir ku leh+Ismahdinta Faroole =!?

12 March 2012 – Markabkii ugu horeeyay ee ku raran Macaawino Hay’ada ICRC ugu tala gashay barakacayaasha Muqdisho ayaa ku xirtay Dekadda Bosaso kadib markii uu Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas amar ku bixiyay in Cuntada ICRC ee Bakhaarada Muqdisho ku jirto loo daabulo Puntland.

Macaawinada ICRC oo loogu talagalay Barakacayaasha labada Shabeelle,Bay iyo Bakool ee Muqdisho lama ogga sababta Gudoomiyaha Gobolka Banadir iyo Madaxweyne Shariif ku aqbaleen in Puntland loo raro hasse yeeshee dhinaca kale waxaa Muqdisho ku sugan Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole oo maalmahii u dambeeyay u hadlayay sida Madaxweynaha Somalia inuu yahay.

%85 Siyaasiyiinta beesha Majeerteen ayaa iskugu tegay Magaalada Doha ee dalka Qatar halkaas oo la filayo inuu gaaro Cabdi Raxmaan Faroole .
Jeneral Cadde Muuse,Xasan Abshir Farax,Wasiirka Macdanta iyo Kheeyraadka Badda Puntland,Ganacsato iyo aqoonyahano u dhashay beesha Daarood ayaa la xaqiijiyay inay caawa ka degeen Magaalada Doha oo ay hore u joogeen ergo badan.
Lama ogga waxay ka shirayaan laakiin ila wareedyo muhiima ayaa sheegay inuu kulankooda DOHA wejiyo badan yahay ,waloow ay ugu weyn tahay inay ka tashadaan Musharaxa uga qeybgalaya tartanka Madaxweynenimada iyo Mashruuca Saliida Puntland.
Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas oo maalmo ka hor ka dhoofay Doha ayaa la xaqiijiyay inuu abaabulay kulanka hogaanka qeybaha Majeerteen.
Inkastoo aan 24 saac gudahood idiin soo gudbin doono faahfaahin la xiriirta nuxurka kulanka hogaamiyeyaasha Majeerteen ee Doha iyo Liiska magacyada ka qeybgalaya hadana wuxuu Shirkooda ku beegan yahay xilli Madaxweynaha Puntland xusul duub ugu jiro sidii uu ku fashilin lahaa qodobadii lagu gaaray shirkii London.
Faroole oo u muuqdo nin ismahdiy oo awood ka baxsan tan maamulkiisa ku dhiiranaya wuxuu Warbaahinta ka sheegay inaysan Dowladda Federalka Somalia wada hadal la geli Karin Somaliland,hadii aysan Puntland goobjoog ka ahayn shirka taas oo diblomaasiyiinta Geeska Africa ku sifeeyeen qorshe uu doonayo inuu ku wiiqo heshiiskii London maadama Somaliland aqbali Karin inay Puntland kala hadasho qadiyada Somalia.
Puntland waxay sameeysatay lacag cusub oo gaar u noqon doonta iyadoo Dowlada Federalka ka hadlid maadama Dastuurka dalka uu dhigayo lacagta shilin Somaliga Qaranka inay tahay mid kaliya.
Puntland waxay goboladeeda ka baareeysaa Shidaal iyadoo dhaqaalaha ka soo baxana gaar u yeelan doonto.
Puntland waxay dooneysaa in dalka Somalia lagu dhaqo Dastuurka qabya qoraalka oo dhigaya qodobo ay ka mid yihiin in qofka ajnabiga ee jooga Somalia shan sano noqonayo Muwaadin,in Xildhibaanka baarlamaanka noqon karo gaal iyo Muslim laakiin sharuudo tahay inuu Diinta Islaamka xaqdhowro.
Madaxweynaha Puntland wuxuu doonayaa in Caasimadda Somalia si ku meel gaara loogu raro Magaaladda Garowe oo Puntland caasimad u ah.
Madaxweynaha Puntland oo garab ka helaya Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas iyo ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia Amb Mahiga wuxuu hab dhaqankiisa caro geliyay taageerayaasha Madaxweyne Shariif oo dareemaya inuu hogaamiyahooda noqday Maqaarsaar.

Puntland oo badalaysa lacagta ay iminka isticmaasho

March 8, 2012 |

Garoowe Mar 08, 2012  Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in la badalayo lacagaha iminka laga isticmaalo deegaanada  Maamulkooda.

Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Puntland Faarax Cali Shire ayaa Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa uu sheegay in lacagta iminka ay isticmaalaan la badali doono taasi oo lagu micneeyay inay hoos u dhacday lacagta shilin Soomaliga ah oo iminka laga isticmaalo deegaanaa Maamulkaasi.

Bilaha soo soca gudaheeda ayuu sheegay Wasiirka Maaliyadda Puntland in lasoo daabacayo lacagahaasi, waxaana uu tilmaamay in taasi ay tahay  lagama maarmaan, waxaana la ogeyn waxa badalka lacagta ay iminka isticmaalaan ay kusoo kordhin doonto lacagta iminka la filayo in lasoo daabaco.

Dad badan oo shacab ah islamarkaana ku dhaqan deegaanada Maamulka Puntland ayaa arrintani hadal haya, waxaana la’ogayn sida dadka shacabka ah ay ula qabsan doonaan lacagta cusub ee la sheegay inay soo daabacayso Puntland.

Faahfaahin lacagta Cusub ee imaanaysa Puntland

  March 9th, 2012

Garowe(Pi) Wasaarada Maaliyada Puntland waxay shalay shaacisey inay wadanka imaanayso lacag cusub oo shilin Soomaali ah, taasoo badalaysa lacagta hada la isticmaalo, Dad badan ayaa iswaydiinaya maxay tahay lacagtaan cusubi, ma kuwii lasoo dabacan jiray oo kalaa, ma mid ugaara Puntland baa, hadaba Puntlandi.com áyaa idiin haya jawaabaha saxda ah ee la xiriira lacagtaan akhriso.

Lacagtaan cusub oo dhowaan soo caga dhiganaysa Garowe waa lacag ku timid heshiis dhexmaray Puntland iyo Dowlada kumeelgaarka ah, heshiiskaasoo laga soo shaqeeyey ama soo bilowdey mar hore, Dowlada KMG ah ee hada jirtaana ay meeshii kasii waday, lacagta waxaa la dalbay mar hore, Waana lacag ku imaanaysa ogaanshaha Dowlada kumeelgaarka ah.

Maxaa sababay in lacagtaan la dalbo

Sidaan la socono lacagaha hada laga isticmaalo ee Soomaaliya waa mid duqowday iyadoo taasi jirto waxaa sanadahaan dambe suuqa soo galay lacago shilin Somali ah oo dad gaara si qarsoodi ah usoo daabacdaan ka dibna suuyada lasoo gasho, kuwasoo ku badasha ama urursada Dollar, Arintaan waxay dhibaato wayn ku noqotay Dadka danyarta ah iyo ganacsatada.

Sanadkii dhamaadey waxaa si xawli ah suuqyada Puntland si qarsoodi ah loo keenayay lacagahaas lasoo been abuuray tasoo keentey in maanta macayshadii sare u kacdo, lacagihii adkaa(Dollar) uu qiimohoodu hoos u dhaco.

Taas si looga hortago Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Dowlada Puntland waxay ku heshiiyeen in lasoo sameeyo lacag shilin Soomaali ah oo aan la been abuuri karin, tasoo si sharci iyo cadaalad ahna suuqa loo galiyo looguna badalo lacagihii hor. gacantana loogu hayo isbadalka qiimaha Dollarka, sarena loogu qaado tayada shilin Soomaaliga.

Hadaba lacagtaan iminka imaanaysa waa mid rasmi ah waana lacag loogu tala galay Soomaaliya oo idil, waxaana lagu heshiiyey in lagasoo bilaabo dhinaca Puntland halkaasna suuqa lagasoo gasho.

Dabayaaqada bishan ayaa lacagta lakeeenayaa, waxaana la rajaynayaa in dhinaca Muqdisho ay iyana imaanayso bilaha soo socda.

Wasaarada Maaliyada ee Dowlada Soomaaliya ayaa iyana qayb ka ah imaanshaha lacagtaan.

Wadanka Turkiga ayaa mudo hada laga joogo labo sano isbadal noocaan oo kale  ah ku sameeyey lacagtiisa ka dib markii qiimaha lacagtoodo hoos u dhacdey, xiligaas halkii Dollar waxaa lagu sarifi jirey malaayiin Liire(Lacagta Turgiga) ka dib waxay Dowlada Turkigu isbadal kusamaysay lacagtooda, waxaa lasoo saaray Liire Cusub oo qiimo wanaagsan leh kasoo Halkii liire ka tayo fiican yahay Halka Dollar.

Faahfaahin kale oo ku saabsan lacagta cusub ee Soomalaiya dhowaan ayaan idiin soo gudbinaynaa

————————————————————————————————————————————————–

C/raxmaan Faroole oo fashilay heshiisyo sir ahaa oo ay wada gaareen isaga iyo madaxda dowladda KMG.

HOOS KA DHEGAYSO HADALKIISA

C/raxmaan Faroole, Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntlandayaa markii ugu horeysay fashilay, heshiisyo qarsoodiya oo ay wada gaareen isaga iyo mas’uuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegay in isaga iyo madaxda dowladda KMG ah ku heshiiyeen in Lacag cusub oo dalka dhowaan la keeni doono qeybta ugu badan lasiiyo maamulkiisa, isla markaana dastuurka hadda qabyada ah ee dalka Soomaaliya yeelan doono uu noqdo mid saldhigiisu yahay ama waafaqsan sharciga Puntland u degsan, isagoo sheegay in Puntland hadda ku dhaqanto xeer qabyo ah oo uu maamulkiisu hore u diyaariyey.

Si looga miro dhaliyo isla markaana Xeerka Soomaaliya yeelan doonto u noqdo dastuur laga guuriyey Kan Puntland ayuu C/raxmaan Faroole u sheegay dadkii uu la hadlayay in ay qasab ku tahay reer Puntland in xilliga la ansixinayo dastuurka Soomaaliya ka hor ay dhaqan geliyaan xeer qabyo ah oo uu maamulkiisu diyaariyey, kaas oo noqon doona sharciga Puntland leedahay.

Isagoo xalay ka hadlayay, Xaflad lagu shaacinayey xilliga ay dhici doonto doorashada madaxwaynaha Puntland ee soo socota oo la filaayay inay qabsoonto bisha Janaayo ee sanadka dambe 2013 ayuu sheegay in xukuumaddiisa waqtigeedu dhamaanayo Janaayo 2014, isagoo xusay in waqtigaas ay dhici doonto doorashada madaxtinimo ee Puntland.

Faroole  oo xafaladda uu ka halayay ay kula sugnaayeen  xubno katirsan xukuumaddiisa iyo qaar ka mid ah golaha wakiiladda Puntland ayaa lagu shaaciyay in 15-ka bishan la qaban doono afti u qaaditsa dastuurka cusub ee Puntland oo ay ansixin doonaan 480-ergay oo sida uu sheegay laga soo xuli doono Puntland.

Faroole, wuxuu sheegay in maamul goboleed yada hadda laga sameeyo meelo dalka ka mid ah ay yihiin kuwa lagu xumeynayo Puntland, wuxuuna xusay in aysan dowladda KMG ah xaq u lahayn aqoonsiga maamul goboleedyo cusub ama inay la xaajootoSomaliland.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku jees jeesay ‘sidee niman aan Muqdishodhaafi karin oo aan xitaa Balacad gaarin ula xaajooneyso Somaliland’.

HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKIISA OO DHAN.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s