Nuur Cadde oo shirkad Talyaani ah u xilsaaray in ay xaraashto dhismaha safaaradda Soomaaliya & Soomaalida Talyaaniga oo arrinta ku baraarugay…

02.03.2012   – Waxaa baryahan si xowli ah isu soo taraya eedeymo loo jeedinayo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde), oo lagu eedeynayo inuu maleegay qorshe lagu xaraashayo dhismaha safaaradda Soomaalidu ku leedahay Talyaaniga, waxaana qorshahan Nuur Cadde ku wehliya sida wararku sheegayaan nin uu dhowaan ka dhigay Garyaqaan oo ay isla qarbaboosheen qorshe lagu tilmaamay inuu yahay riyo maalmeed, waxaana qorshahan furdaamintiisa loo xilsaaray shirkad Talyaani ah.

Dhismayaasha ay dowladdii hore ee Soomaaliya ku laheyd Talyaaniga waa hanti Qaran oo shacabka Soomaalida ah ka dhexeeysa, waa hanti go’aan ka gaaristeeda ay leedahay dowlad Soomaaliyeed. Kama jirto dalka maanta dowlad metesha Soomaali oo dhan, tan hadda dhisanna waa dowlad KMG ah oo ay dusha ka maamulaan UN-ka, xaqna uma yeelan karto dowladaasi in ay hanti Qaran iibiso, ummadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku dhaqan arrintaasi si buuxda ayey uga soo horjeedaan” ayuu yiri C/rashiid Siciid oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee degan magaalada Milaano, wuxuuna intaa ku daray in Soomaalidu ay dedaal u geli doonaan sidii ay qorshahaasi u fashilin lahaayeen.

Soomaalidu Roma waxey ku leedahay 5 guri, mid waa deegaanka safiirka, midna waa deegaanka qunsulka, midna waa xafiiska safaaradda, midna waa xafiiska qunsulka, guriga 5-aadna waxaa iska lahaa Somali-airlines, waxaana laga ijaaray dad Talyaani ah, waxaana kirada ka qaata guddoomiyihii Somali airlines Guuleed, Nuur Cadde wuxuu quud dareynayaa in 2 ilaa 3 dhismayaashaasi ka mid ah inuu iibiyo, dhismayaasha ay Soomaalidu leedahay dhammaantood waxey ku yaalaan xuddunta magaalada gaar ahaan waddada via dei villini, waxaana ay kaabiga ku hayaan dhismayaasha safaaraha dalalka Hungry & Itoobiya” ayuu yiri C/rashiid, wuxuuna intaa ku daray in Nuur Cadde ay Soomaalidu qaati ka joogeen markiisii hore, oo lacago xad dhaaf ah uu Soomaalida kaga uruursado warqad A4 ah, haddana uu u soo dhigtay inuu xaraasho hanti ay ummadi wada leedahay.

“Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Talyaaniga waxey baaq u dirayaan dowladda Soomaaliya & madaxweynaha in ay arrintaasi sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan, tan kale ee aan ummadda Soomaaliyeed u sheegayno waxey tahay tuhun aan ka qabno R/wasaare C/weli inuu arrintan wax ka ogyahay maadaama 2 todobaad ka hor uu socdaal ku yimid Talyaaniga, waxaan leenahay adeer haddii hantidaasi ay hunguri kaa gashay kolleey kama absokeyn doontid Nuur Cadde, haddii kale waa inaad muujisaa mowqifka aad ka taagan tahay” ayuu yiri C/rashiid.

——————————————————————————————————————————————-

Jaaliyadda Soomaalida Beljamka oo ka codsatay wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya in ay wax ka qabato musuq-maasuqa ragaadiyey safaaradda Beljamka (Magacyada dadka qoraalkan soo saaray)

11.03.2012 (Moment Media Group) – Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyin ka tirsan wadanka Beljamka ayaa cabasho u jeediyey wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Soomaaliya, cabashadaasoo la xiriirta musuqmaasuq ay sheegeen inuu si xowli ah uga soconayo xarunta safaaradda Soomaalidu ku leedahay magaalada Brussel ee wadanka Beljamka, waxaana lagu sheegay qoraal xubno ka tirsan Jaaliyadaha ka dhisan magaalooyinka Beljamka ay kaga codsanayaan wasiirka arrimaha dibedda inuu wax ka qabto maamul xumidda & musuq-maasuqa ka jira xarunta safaaradda, taasoo weji gabax ku noqoneysa guud ahaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda.

Qoraalkan oo dadkii soo qoray ay magacyadooda ku saxiixeen waxaa qodobada lagu eedeeyey Nuur Cadde ka mid ah isagoo lacago xad dhaaf ah ka qaata dadka safaaradda u yimaada in loo sameeyo baasaboorka Soomaaliga ah & warqadaha dhalashadda & kuwa minishiibiyada, lacagahaasoo ay sheegeen dadka qoraalka soo qoray inuu jeebka ku shubto Nuur Cadde oo xitta kari waayey inuu ku qalabeeyo xafiiska uu ku shaqeeyo.

“Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) wuxuu safaaradda isugu daray 2 arrimood oo sumcad xumo ku ah hanaanka dowliga ah, labadaasoo kala ah; wuxuu qarashaadka laga qaado dadka shaqooyinka loogu qabto safaaradda uu ku shubtaa jeebka, & isagoo howshii safaaradda ku wareejiyey shaqsi aan wax khibrad ah u laheyn shaqo safaaradeed oo darawal u ah, wuxuuna shaqadii ka wareejiyey Prof. Cali Wolf oo ahaa shaqsi shaqada maamulka taqasus u leh” ayaa lagu yiri qoraalka ay Jaaliyadda Soomaalida soo saareen, waxaana sidoo kale ay Jaaliyadu sheegtay in howshii safaarada uu iminka ku takri falo darawalka Nuur Cadde oo gabar xogheyn ah xafiiska keensaday, siduu doonana u isticmaala dhaqaalaha soo gala safaaradda.
 
“Nuur Cadde wuxuu yimaadaa safaaradda isagoo boorso faaruq ah wata, wuxuu ka buuxsadaa lacag, kadibna dayuuraduu ku laabtaa, shaqada uu Nuur Cadde safaaradda ka qabto waa intaas, wuxuuna soo rogay sharci jeebkiisa ah oo uu leeyahay waa in laga qaadaa qofkii Soomaaliga ah ee dalbada baasaboor lacag ka badan 160 Euro oo u dhiganta 200 dollar, halka Kenya, Muqdisho & Dubai dadka baasaboorka dalbada laga qaado 80 ilaa 100 dollar, markii lagu yiri lacagtaan tirada badan halkeey u socotaa wuxuu ku jawaabaa waxaad weydiisaan Gaafoow, warqadda dhalashadda keliya waxaa lagu sameeyaa 50 Euro, wadamada aan ku dhaqanahay waa xaaraan lacag intaas la’eg in lagu qaado warqad E4 (EE FOOR) ah haddana qofkii lacagtaas bixiya lama siiyo wax rasiid ah, waxaa isweydiin leh halka ay lacagtaas ku baxdo, markii la weydiiyey sababta aanu dadka rasiid u siineyn wuxuu yiri waan inkiri karaa beri in lacagta intaas ah aan qaadno” ayaa lagu yiri qoraalkaas, waxaana laga codsaday R/wasaaraha & wasaarada arrimaha dibedda in ay arrimahaasi wax ka qabtaan, dadka lacagahaas laga qaatayna dib loogu soo celiyo lacagahooda.

“Howsha safaaradda waxaa markii ugu horreysay billaabay Nuur Cadde & Prof. Cali Wolf oo ahaa qunsulka safaaradda, wuxuuna Cali ahaa shaqsigii dhidibadda u taagay markii ugu horreysay shaqadda safaaradda, wuxuuna gaarsiiyey safaaradda in uu ka dhigo meel aan laga tebin Nuur Cadde hadduu maqan yahay & hadduu joogo, howshuna si wanaagsan u socoto, nasiib darro Nuur Cadde markii uu dhibsaday nidaamka & Protokolka uu shaqadda u wado Cali Wolf oo macalin ka ahaa Jaamacad Paris-Fransa ku taal wuxuu gacanta soo qabsaday wiil yar oo Soomaali fara badan oo degan Brussel lacago ka dardaray” ayuu lagu yiri qoraalkan, waxaana laga codsaday dowladda Soomaaliya in ay fadeexadda ka jirta safaaradda Soomaaliya ay soo farageliso.

Shaqsiyaadka qoraalka ku saxiixan waxaa ka mid ah:

  •  1) C/rashiid Cali Cumar
  • 2) Max’ed deeq Siciid Cali
  • 3) Yaasiin Afrax Macalin
  • 4) Dirir Cali Ciid
  • 5) Kamaal Shire Xassan
  • 6) Suufi Max’ed Haashim
  • 7) Cali Cabdiraxmaan
  • 8) Garaad Baashi
  • 9) Luul Xassan Ciid
  • 10) Siciido Max’ed Kulmiye

& xubno kale oo fara badan.

Somali embassy in Belgium reopened

MONDAY, MARCH 12, 2012 – Somali Embassy in Brussels, the capital of Belgium has officially been reopened and started holding services for Somali people in Europe countries, official said. 
Somali ambassador for the European Union, Nor Hassan Hussein ‘Nor Adde’ confirmed to the National T.V the reopening of the Somali Embassy in Belgium saying that it started holding diplomatic services.
Nor Adde, the ambassador said, “The reopening of the embassy came after we did a lot of efforts as it was very necessary for Somali communities in European and they are the beneficiaries’.

Mr. Nor Adde indicated that there were some matters to be handled quickly in order Somali communities in European countries’ needs covered.

Nor Hassan Hussein was appointed to the ambassador of Italy and representative of European Union for Somali transitional federal government in 2009.

———————————————————————————————————————————————–

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s