FARSHAXAN waa guurow ka hadlaya horumarka farsamada.

Qormadeena Qaybta 1aad waxaanu ku eegeeynaa Madaxweyne Shariif waa side Cadaaladiisa ,anagoo ku bilaabeeyno inuu xitaa noqon nin u eexdo qabiilkiisa balse noqday nin sedbursi siiya raaska uu dhashay ee Rati Abgaal.

  • 1-Madaxweyne Shariif Shiikh Axmad waa Abgaal Rati Abgaal
  • 2-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dhagax Tuur Rati Abgaal owbakar
  • 3- Daahir Cumar Caraale Agaasimaha Bankiga dhexe Rati Abgaal Owbakar
  • 4-Mareeyaha Dekada Muqdisho Sayid Ali Malin Abdulle Rati Abgaal Warsangeli
  • 5-Agaasime Ku xigeenka Hay’ada Nabadsugida Col Xassan, Rati Abgaal Warsangeli
  • 6-Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Dhexe Abdi jiinow,Rati Abgaal Warsan geli
  • 7-ku xigeenka Gobalka Shabeelada Dhexe Daahir Cadow Calasow Rati Abgal Agonyar
  • 8-Agaasimaha Raadiya Muqdisho and TV Abdi Raxiin Ciise Cadow Agoonyar Rati Abgaal.
  • 9- Agaasimaha VIP Airpor-ka Muqdisho, Abuukar Weheliye Rati Abgal Agonyar
  • 10-la taliyaha Madaxweynaha Qadiija Cosoble Rati Abgaal Warsengeli
  • 11-Xariiriyaha CIA ama sirdoonka Mareeykanka Xafiiska Madaxweynaha Madiina Caamir Rati Abgaal Owbakar
  • 12-Madaxa Nadaafada iyo Bilic Soo celinta Magaalada Muqdisho Jawaahir Barqab Habar Nugal Rati Abgal.
  • 13- U qeybsanaha Ahlusana Xafiiska Madaxweynah Shekh Abdulqaadir Somow Rati Abgal Agoonyar
  • 14-Safiirka Germany Tifow Rati Agal Warsangeli
  • 15-Qunsulka Jabuuti Hiraabe,Rati Abgal Agoonyar
  • 16-Madaxa Caafimaadka iyo xiriirka Hey’adaha Cismaan Dheere Agoonyar Gaabane
  • 17-Xiriiriyaha Qurba joogta Xafiiska Madaxweynaha Sheekh Axmed Caato,Rati Abgaal Agoonyar.
  • 18-Agaasimaha Qalabeeynta xafiisyada Dowlada Gureey Xaaji,Rati Abgaal,Agoonyar.
  • 19-xiriiryaha deeqaha Turkiga iyo Madaxtooyada,Cabdulaahi macalin Muqtaar, harti abgaal, habar Nugaal

Madaxweyne Shariif oo heer kulkiisa qabyaalada gaarsiisay heerkaan wuxuu rajo ka qabaa in dib loo doorto afar sanadood.

Qaybta 2

Qormadeena Cadaalada Madaxweyne Shariif sedex sano kadib ulama jeedno inaan ku xaqireeyno aqoonta iyo kartida shaqsiyaadka ku beesha ah hasse yeeshee Warbixinteenu waxay muujineeysaa in ilahii dhaqaalaha dalka Somalia uu Shariif Ahmed gacanta u gelshay dad reerkiisa hoose ah.

Inkastoo Shariif Ahmed Cadaalad darada uu kala siman yahay madaxdii kursiga Madaxtooyada uga horeeysay hadana qarniga 21-aad waa nasiib daro inay Madaxda Somalida ku dhaqmayaan Cadaalad daradii burburisay Qaranka Soomaaliyeed.

Todobaadkaan akhristayaal waxaan Qeybta 2-aad ku soo gudbineynaa liiska shaqsiyaad ah :

  • 1- Mukhtar Weheliye, Qasnajiga Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Abgaal/Rati Abgaal/Agoonyar
  • 2- Abdullahi Mohamed Nur (TIKA)Madaxa Hay’adda Horumarinta Turkiga TIKA ahna Gudoomiyaha dhalinyarada     Qaranka Soomaaliyeed, Abgaal/Rati Abgaal/Agoonyar.
  • 3- Xildhiban Abdukadir Cosoble, Qandaraaslaha Kaliya ee shidaalka Siiya AMISOM, Abgaal/Rati Abgaal/Warsengeli
  • 4- Bashiir Raage Shiiraar, Qandaraaslaha Kaliya u qaabilsan AMISOM Dhismaha iyo qodida Ceelasha, Abgaal/Rati Abgaal/Warsengeli
  • 5- Ali Mahdi Mohamed, Qandaraaslaha Mashruuca Dib u dhiska Isbitaalka Weyn ee Digfeer,Abgaal/Rati Abgaal/Agoonyar
  • 6- Mr. Dhabareey, Madaxa Immigrationka Garoonka Diyaaradaha Mogadishu, Abgaal/Rati Abgaal/Agoonyar
  • 7- Iimaan Mohamed Ali, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Abgaal/Rati Abgaal/Warsengeli
  • 8-Xogheyn iyo la taliye Xafiiska Madaxweynaha ka tirsan – Mr. Badri Maxamuud Axmed oo ku magac dheer Abaadir, waa qabiilka Abgaal/Rati Abgaal,Agoonyar, wuxuu ku sugan yahay Madaxtooyada waxaa la rumeeysan yahay inuu ka tirsan yahay nin sirdoonka Dowladda Canada oo uu ka heysto dhalasho “citizenship”
  • 9- Xog-heynta gaarka ah ee arrimaha guriga iyo ballan u qabashada dadka soo booqda madaxweynaha – Shariif Maxamed Maxamuud, waa Abgaal/Rati Abgaal,Agoonyar.
  • 10- Qandaraaslaha soo iibinta hubka iyo baabuurta ee Madaxtooyada – Sheikh Yuusuf Maxamed Jimcaale, waa Abgaal/Rati Abgaal, Agoonyar, wuxuu degan yahay Nairobi oo uu ku leeyahay ganacsi iyo guryo farabadan. Walaalkiis oo ganacsi kuleh Dubai, UAE waa ninka sida gaarka ah u haya lacagaha uu Madaxweynuhu ka lunsado qasnadda dowladda, waxaana lagu magacaabaa Cabaas Maxamed Jimcaale.
  • 11- Ku xigeenkii hore ee madaxa shaqaalaha madaxtooyada – Nuur Sheikh Cali Diinaari,Abgaal/Rati Abgaal,waa Agoonyar.
  • 12- Wakiilka ama xiriiriyaha deeqda dowladda Turki-ga – Cabdullaahi Macalin Mukhtaar, waa Rati Abgaal, Habar-nugaale.
  • 13- Mas’uulka zaadka madaxtooyada – Korneyl Garabeey, waa Abgaal,Rati Abgaal,Agoonyar, Cabdalle Agoonyar.
  • 14- Qandaraasyada dhismaha xafiisyada iyo guryaha dowladda – Shariif Maxamuud oo ah madaxweynaha adeerkiis rumaad. Waa Abgaal/Rati Abgaal,Agoonyar.

La soco Qaybta 3-aad ee Cadaalada Madaxweyne Shariif sedex sano kadib?

Beesha Mudulood oo ka cabatay sadbursiga saamiga ay beesha Habargidir ka heshay heshay dowlada Sheikh SHariif

Odayaasha beesha Muddulood oo codsi u gudbiyay Madaxweyne Shariif, kana jawaabay eedeyntii sad-bursi ee horay loogu jeediyay (Akhriso liiska jagooyinka Dowladda ay ka hayaan)

Odayaasha dhaqanka beesha Muddulood ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda KMG ah oo ay kaga cabanayaan maqaallo Websityada lagu soo qoray oo lagu eedeynaayo beesha Muddulood inay sad-bursi ku sameeyeen jagooyinka Dowladda, taasoo ay sheegeen odayaasha in haddii la xisaabtamo ay beesha H/Gidir ka sad-bursatay, balse ay jecel yihiin in Soomaalinimo wax loo qeybsado.

Odayaasha beesha Muddulood waxay Madaxweynaha ka codsadeen inuu bannaanka ka maro wax qeybsiga beesha Hiraab, kuwaasoo sida ay hadalka u dhigeen diyaar u ah xisaabtan xaq ah, balse sheegay inaan loo baahneyn colaadii hore in la soo nooleeyo iyo siyaasi jago-doon ah inuu isticmaalo qabiilka, ummadana dhib dhex dhigo, waxaa kale oo ay u gudbiyeen liis inta jago ee Habargidir heysato, kuwaasoo ay ka mid yihiin:-

1. C/Samad Macallim Maxamuud (Ceyr, H/Gidir) – Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Xersi Aadan Rooble (Saruur H/Gidir) – Wasiirka Beeraha
3. Abuukar Maxamed Barre (Sacad H/Gidir) – W/Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada
4. Xasan Jimcaale (Duduble, H/Gidir) – W/Dowlaha Wasaaradda Dastuurka
5. Max’ed Macallim Nuur (Saleebaan, H/Gidir) – W/Dowlaha Gaashaandhigga
6. Axmed Fiqi (Sacad, H/Gidir) – Taliyaha ciidamada Nabad sugidda
7. Cabdi Xaaji (Sacad, H/Gidir) – La taliyaha Madaxweynaha
8. Jan. Subxaanyo (Ceyr, H/Gidir) – La taliyaha Madaxweynaha
9. Bashiir Max’ed Jaamac (Ceyr, H/Gidir) – A/guud W/arrimaha gudaha iyo amniga
10. Bahlaawi (Sacad, H/Gidir) – Agaasimaha guud Wasaaradda Warfaafinta
11. Col. Maalin (Saruur, H/Gidir) – Taliyaha Booliska G/Banaadir
12. Khaliif Axmed Ereg (Sacad, H/Gidir) – Taliyaha Nabad sugidda G/Banaadir
13. Cali Gaab (Saleebaan, H/Gidir) – Taliyaha Taraafikada
14. Burhan (Sacad, H/Gidir) – Taliyaha Nabad sugidda Airoporka
15. Ali Salaad (Sacad, H/Gidir) – K/X Maareeyaha Dekedda Muqdisho
16. Axmed Qoorqoor (Saleebaan, H/Gidir) – K/X Maareeyaha Dekedda Muqdisho
17. Cali Macallim (Saleebaan, H/Gidir) – Agaasimaha canshuurta Dekedda Muqdisho
18. Warsame (Habargidir) – K/X Guddoomiyaha G/Banaadir
19. Axmed Xeef (Sacad, H/Gidir) – Qandaraaslaha dhismayaasha CID-da
20. Ubah Tahliil (Sacad, H/Gidir) – Qandaraasle AMISOM
21 Maxamed Deelaaf (Ceyr, H/Gidir) – Qandaraasle Dekedda Muqdisho
22. Abshir Bukhaari (Saleebaan, H/Gidir) – Agaasimaha madaxtooyada
23. Kamaal (Saleebaan, H/Gidir) – Agaasimaha xafiiska R/Wasaaraha
24. C/Kariim (Sacad, H/Gidir) – Xogheynta gaarka ah ee Madaxweynaha
25. Deeqa Cabdulqaadir (H/Gidir) – Guddoomiyaha degmada Wardhiigley
26. Gardhuub (Saleebaan, H/Gidir) – Guddoomiyaha deg. Xamarweyne
27. Dhabaneey (Saleebaan, H/Gidir) – Guddoomiyaha deg. Hodon
28. Guddoomiyaha Degmada X/Jajab (Ceyr, H/Gidir) -…………………………………

Waxaa Diyaariyay:
C/raxmaan Xuseen Axmed

Maxamuud Axmed Xasan

==================================================================================

Musuqmaasuqa Shariif iyo Gaas oo xoogeystay iyo amar la siiyay Wasaaradaha Dekadda Muqdisho.

24 March 2012  – Madaxweyne Shariif ayaa hoowlwadeenada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Dekedaha ku amray inay hawlaha dekedda Muqdisho faraha uga qaadaan ninka lagu magacaabo Sayid Cali .

Sayid Cali oo dekedda Maamulayay mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa lagu sheegay inuu yahay nin la liita aqoon la’aan,musuqmaasuq iyo qabyaalad gaartay heer shaqaalaha dekadda ka banaanbaxaan.

Sayid cali waxaa lagu eedeeyay inuu rarto mucaawinada ay keenaan Dawladaha Iiraan, Turkiga, Qadar, Cumaan,dhinaca kalena wuxuu maamulka dekedda u diiday inay faraha la galaan masuuliyiintii sharciga u lahaay in ay koontaroolaan oo la socdaan maamulka iyo maaliyadda dekadda.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa qeylo badani ka taagneed Dekedda Muqdisho kadib markii Sayid Cali ka eryay dhamaan shaqaalahii u dhashay qabaa’ilada kale, isaga oo Dekeda maamulkeeda laga bilaabo Maareeye ilaa Muruqmaal u dhiibay beesha uu ka soo jeedo ee Rati Abgaal.

Golaha guurtida Hawiye ayaa sheegay in qabyaalada uu dhiirigelinaa Madaxweyne Shariif soo dedejin karto amni daro baahsan oo ka dhacda Dalka Soomaaliya, umadda Soomaaliyeed ayaa indhaha ka fiirsanaysa maamul xumada uu madaxweyne Shariif ku maamulaya Dalka, xili ay Madaxtinimadiisa ka hartay wax ka yar 5 bilood.

Isku soo wada duube labadii Masuul ee dalka u saraysay Madaxweyne Shariif iyo Raisul wasaare Cabdiweli ayaa ku mashquulsan boobka hantida Qaranka iyo qabyaalad aan shaar loo gelin oo ay ku wadaan dalka, xili dalku marayo Xaalad kala Guur ah,

Madaxweyne Shariif ayaa soo dhaafi waayey Rati Abgaal sida ku cad baaris aan sameeynay oo daaha ka qaaday inuu u dhiibay dhamaan ilihii dhaqaalaha Dalka iyo Hayadihii Turkiga, Halka Raisul wasaare Cabdi weli uu wax kasta la doonayo in la geeyo dhinaca Puntland,

Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee musuqmaasuqa iyo qabyaalada Gaas waxaa ka mida in Mucaawinadii ICRC ee Bariiska, burka Saliida ka koobnayd uu amray in la geeyo Puntland, iyada oo haatan laga raray Muqdisho lana geeyay Boosaaso, mida kale Ra’isulwasaare Cabdiweli ayaa amrya Madaxii Hayadda horumarinta Turkiga inuu tago Puntland ayna dhisaan Garoonka magaalada Garoowe, arintaas oo hadda hawlaheeda lagu guda jiro.

Arimaha ka soconaya Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho ayaa u eg in dhac baahsan ay samaynayaan labadaan masuul inta laga gaarayo bisha August 2012.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s