Shirkii magaalada Garowe oo xalay lasoo gaba gabeeyay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay – Faalo Qotobka 3aad

Ayadoo uu maalmahaanba shirka wadatashiga ka socday magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa habeenkii xalay ahaa saqdii dhexe waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkaas oo ay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamkaba wax kawada saxiixeen waxyaabihii kasoo baxay.

Saxiixa qodobada shirka ayaa saacado badan qaatay taasoo keentay in xalay saqdii dhexe ay wada saxiixaan dhanacyadu.

Waxyaabihii lagu heshiiyay shirka ayaa waxaa kamid ahaa

  • 1. Yaraynta tirada xildhibaanada baarmlamaanka oo la isku raacay in laga dhigo 250.
  • 2. Ansixinta dastuurka oo laysku raacay in ergooyin 1000 gaaraya oo bulshada qaybaheeda lagasoo kala xulay ay u codeeyaan.
  • 3. Sameynta gole 54-xubnood ka kooban oo baarlamaanka ka sareeya iyo nidaamka maamul ee dalka oo laysla gartay in laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..

Qodobada heshiiskaan ayaa waxaa wax ka saxiixay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cabdi Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, Dr Agustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ahlu suna waljameeca oo ayadana wax ka saxiixday heshiiska.


Faalo Qotobka 3aad oo oranayo  in dalka  laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..

Waa Gobolladii Dowladdii Milatriga ee Siyaad Barre:

Dowladdii uu hoggaamiyaha iyo madaxweynahaba u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-kasanoahayd ee uu dalka ka talinayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey?
Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay “dalka waxaa heystay nin keliteliye ah, wuxuuna u maamuli jiray sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka iyo go‟aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray.” 

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiiloo ahaa halabuur caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group).

“Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya,” ayuu yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, “Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan.” Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, “dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga heybta hoose (Daa‟uud) isku nahay.”

Wuxuu intaas raaciyey, labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri, “waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood.” Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. “Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, „waxaan ku darayaa Warshiikh.‟” Markaas baan ku iri, “Caadley ku dar.” Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Marka la fiiriyo gobolladii iyo degmooyinkii la abuuray iyo sheekadaniba waxay ku tusayaaninuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku wadi karto18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira. 

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah (xilligii dowladdii Carta) isku dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas “idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale.” Waxay sheegeen mas‟uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka dhaqaalo ahaan. 

Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ee xilligaas jirtay ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Waxaa iyaduna xiiso gaar ah leh cayaarihii gobollada ee dhawaan lagu qabtay Garowe, caasimadda Puntland. Runtii, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay ku ammaanan yihiin bahdaisboortiga iyo shacabka iyo dowladda Puntland. Laakiin xiisaha gaarka ah ee ay dhacdadani u leedahay doodda la xiriirta nidaamka federaalka waa in dad badan oo Soomaaliyeed ay isla oggol yihiin gobolladii uu kacaanku ka tagay, loona arko inay sharci ahaayeen. Runtiina, dhacdadan waxaa laga daliishan karaa in aragtida taageeraysa 18-ka gobol ay ka culus tahay kuwa kale.

Waxaan rumaysanahay inay taasi horumar tahay. Hayeeshee, anigu sideedaba ma qabo in nidaamka federaalku ka shaqayn karo dalka. Haddii la samaynayana waxaan qabaa inaan gobolladu ka badan afar, la iskuna raaciyo hab ku salaysan qaaciddooyinka dhaqaalaha iyo horumarka.

Gunaanad

Waxaan soo jeedinayaa inaynaan ku qancin waxa u sahlan hey‟adaha caalamiga ah iyo waxay ay dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya, rabto. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha calaamadihii lama huraan ka dhigayey in nidaam federal ah lagu maamulo. Waxaa jira waxyeellooyin badan oo uu nidaamku wato asal ahaan. Dhammaantood waxay saamayn xun ku leeyihiin aayaha iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed. Dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamka federaalka waa laga heli karaa nidaamyada kale ee ka dhibka yar. Waxaa intaas dheer in aysan jirin hab gobollo oo ay Soomaalidu heshiis ku tahay. Xitaa haddii ay dhacdo in la isku raaco hab ka mid ah kuwa aan soo sheegay, waxaa muuqda inaynaan dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan ka bixi karin nidaamkan. 
Waxaan rumeysnahay in nidaamakani uusan annaga naga iman, uusanna xallinayn mushkiladdeenna. Walow ay u badan tahay in niyadda bulshada caalamku aysan xumeyn oo ay doonayaan inay xal u helaan mushkiladda Soomaalida, haddana waxaa hubaal ah in dalalka deriska ah ay dantooda ka hormarinayaan tan Soomaalida. Itoobiya iyo Kenya waa inaynaan ka filin inay wanaag la doonayaan Soomaalida. Waxaa muuqda in Itoobiya ay iyadu si gaar ah u dooneyso nidaamkan oo ay weliba qaab gooni ah u rabto. Guddiyada loo saaray inay ka soo taliyaan iyo ergada ansixisay waa dad ay inta badan Itoobiya soo xushay ama ay raalli ka noqotay. Haddaba, taas kaliya ayaa ku filan dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan arrintan waayo waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo inaysan Soomaalidu waligeed qaran noqon.

Nidaamka federaalkuna, sida aan qabo, waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas.

Halista Dastuurka Cusub ee Soomaaliya! Halkaan ka akhri 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s