Faroole oo si rasmi ah u cadeeyay inuu bilaabay qoditaanka Shidaalka

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa markii ugu horreysay shaaciyay inuu bilaabayo qoditaanka shidaalka.

Sanad ka hor la soo bandhigay xogta  muujinaysa in Faroole iyo wiilashiisa ay heshiisyo shidaal qodis ah lasoo saxiixdeen sharikado ajnabi ah.

Waxaana uu Faroole waraysi uu siiyay BBC-da qaybteeda Soomaaliga uu ku sheegay in la bilaabay qodista ceel shidaal oo ku yaalla deegaanka Daroor ee gobolka Nugaal.

Waxaana uu sheegay in khilaaf badan kadib uu ku guulaystay inuu ugu dambayntii la bilaabo qoditaanka ceelka.

Qoditaanka khayraadka dabiiciga ah ee dal uu leeyahay maahan mid uu shakhsi ku tagri fali karo ama maamul goboleed uu saxiixo karo, sida ay dhigayso shuruucda caalamiga ah, balse sharikadaha ajnabiga ah ayaa ka faa’iidaysanaya dawlada la’aanta Soomaaliya.

Qoditaanka shidaalkan laga bilaabay Nugaal oo u muuqda mid ay ka faa’iidaysanayaan Faroole iyo caruurtiisa ayaa dhalin kara is qabqabsi dhanka khayraadka ah, kaasoo halis ku ah xasiloonada iyo midnimada Puntland iyo guud ahaanba dalka.

———————————————————————————————————-

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s