Maxaad kala socotaa lacagaha sida tooska ah loo siiyo Sheikh Shariif bil walba iyo dhaqaalihii soo galay Xukuumadii Cumar Cabdirashiid iyo Formaajo.

Waxaa dhamaanteen nagu waajib ah in aan xaqiiqda ka sheegno dhamaan lacagaha soo galay Madaxwayne Sheikh shariif oo sida tooska ah bil walba uu u keeni jiray Safiirka Dalka Suudaan iyagoo ugu taka galay in amniga dalka lagu sugo balse aan lacagahaa weligood aan lagu shubin Bangiga dhexe laguna wargelin hayadaha dhaqaalaha dalka sida Xisaabiyaha Guud iyo Hanbtidhowraha qaranka. Dowladda Suudaan

waxay Bil walba bixin jirtay HAL MALYAN IYO MARARKA QAARKOOD HALMAYAN IYO BAR USD$ ah. Lacagtaas oo aan marna lagu bixin meeshii loogu tala galay wax isweydiiyeyna ayan jirin, markii Xildhibaanada qaarkood ay ka hadleyna waa la afjigay dib danbana looma maqal hadal haynteeda. Taa waxaa ka daran ma og tahay waxa lagu sameeyey lacagtii laga qabtay BURCAD BADEEDKA ee Garoonka Aden Cabdulle oo dhaneyd 3.6 (Seddex Malyan iyo Lixboqol oo kun oo doolar iyo Boqol kun oo doolar oo ganaax ahaa oo labada dayaaradood lagu ganaaxay min 50,000 kun USD$ . Aaway lacagtaas halkeyse ku danbeysay sidey bangiga u taashay ayey hal mar libdhatay ama la waayey waxaase la sheegay in lagu qaybsadey 1 malyan oo Formaajo lagu qanciyey inta kalena laba Shariif oo u kala qaatayn Sheikh Shariif oo hantiyey 1Malyan iyo Lix Boqol kun $ kan kalena hal malyan $ ku tagay, mar wax laga warsadey Bangiga dhexe way ka gaabsadeen.

Haddaba waxaa sidoo kale mudan in wax la iska warsado aaway lacagihii soo galay Xukuumaddiik Sharmaarke iyo tii Formaajo oo lagu sheegay in ay ahayd ilaa 85 malyan UAS$. Lacagahaas soo xilliyadii labadaa Raiisul Wazaare oo kala ahaa 52 malyan $ oo ku soo xarootay wakhtigii Sharmaarke Xilligaas oo Waziirka maalliyadda uu ahaa Shariif Xassan, markaas oo lacagaha ugu badan ay soo gashay misna aan wax mishaar ah oo xiriir ah la siinin Ciidanka iyo Baarlamaanka, meesha 33 Malyan $ ay soo gashay xilligii Raiisul Wasaare Formaaje oo wasiirka Maalliyadda uu ahaa Xussein Xalane.

Waxaa intaa dheer maxaa ka jira lacagaha Dekeda ka soo xarooda in si toos ah loooga maamulo Villa Soomaaliya oo Maareeyaha uusan kala xisaabtamin wasaaradda maalliyadda marka laga reebo inta yar ee Canshuurta kala goyska loogu kala qaato dekeda dhexdeeda iyadoo wasaradda Maalliyada waxa ka soo gala ay tahay in yar oo magac u yaal ah.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s