Siilaanyo Oo Heshiis Shidaal La Galay Ophire Energy

Tuesday 29 November 2011- Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Silaanyo la saxiixday Sharikada Ophir Energy ee saldhigeedu yahay dalka Ingiriiska, si shidaal uga baarto degaanada kuyaala Xeebta Berbera.

Heshiiskaan ayaa saamiga Somaliland ay ku Qanacday wuxuu dhan yahay 2.5%, waxaana heshiiskaasi shaaca lagaga qaaday Qoraal lagu daabacay xalay fiidkii barta Internet-ka ay ku leedahay Sharikada Ophir Energy.

Qoraalka ka Aqriso Meshaan (Guji Halkaan)

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Nuxur Qoraaleedka Heshiiskani oo lagu daabacay barta Bogga Internet-ka ee Sharikada Ophir Energy ayaa wuxuu u dhigna sidaan, isagoo Keydmedia.net idiin soo Gudbineyso inta ugu muhiimsan.

Turjumaad

Shirkadan Ophir Energy oo laga leeyahay dalka Boqortooyada Ingriiska ayaa waxay heshiis la gashay Somaliland taasoo Shidaalka ka qodi doonta Berbera, sida heshiiska ku cad Somaliland waxay heli doonta saami u dhigma 2.5% !!! (Boqolkiiba laba iyo bar) halka Shirkada Ophire Energy ay Helayso 75% (Boqolkiiba shan iyo Todobaatan).

Shirkada laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee loo yaqaan Ra Al Khaimah Gas Company waxaa lagu heshiiyay in ay qaadato 22.5% (Boqolkiiba laba iyo Labaatan iyo bar), labada Sharikadood waxay isku gayn saami heli doonaan heshiiskani la kala saxeexday 97.5 % (Boqolkiiba Todoba iyo Sagaashan iyo bar)

Heshiiskani wuxuu ku saabsanyahay laba ceel oo u dhow Dekedda Berbera oo loo kala bixiyey Block M10A iyo 35, labadaasi ceel oo lagu bilaabo doono qodista iyo soo saarista Batroolka oo ku teedsan dhul cabirkiisu dhanyahay 16,270km2. Hoos ka fiiri Qoraalka Shirkada ee Bogeeda.

 Full  story:.ophirenergy 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s