Ahmidinijaadoow Xaal qaado Ra’iisal wasaare C/wali Gaas madaxaa looga jiraa.

Labadii maalin aynu soo dhaafnay ayaa idaacadaha iyo joornaalada dalka Iran waxa ay soo qorayeen maqaalo halku dhig looga dhigay (Soomalidu ma waalan yihiin mise ra’iisal wasaarahoodaa madaxa looga jiraa).

Sidoo kale qurbo joogta soomaalida iyo barakacayaasha muqdisho ayaa iyagana wax iska weydiinayey tilaabadii qar iska tuurka aheyd ee ay ku kaceen ra’iisal wasaare C/weli Maxamad Cali (Gaas) iyo wafigii hoggaaminay kadib markii ay fadhiga uga kaceen qudbadii Madaxweynaha dalka Iran uu ka jeedinay shir sanadeedkii qaramada midoobay.

Waxaa xusid in dalka Soomaaliya ay ahaayeen wadanka kaliya ee muslimka ah oo ka baxay qudbadii Ahmadinajaad, sidoo kale Ahmadinajaad ayaa qudbadiisa ku bilaabay in beesha caalamka ay gargaar lasoo gaaraan dalka Soomaaliya,sidoo kalana wasiirka Arimaha dibada dalka Iran ayaa dhawaan 25milyan oo daalar gudoon siiyey ra’iisal wasaare C/wali gaas.

Waalida ku dhacda bini’aadanka waa mid xaq ah oo xag alle ka timaada balse waxaa iyana xaq ah in qof fiyoow shaqo loo dirsado,waxaana ullajeedaa ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya Mudane C/wali gaas oo in mudo ahba ku nolaa dalka Mareynkanka ayaa waxaa jirta oo run ah in uu ku dhacay cudurka maskaxda qafiifiya tasoo muddo aad u dheer uu la tacaalayey daaweyntiisa.

Ra’iisal wasaare C/weli Maxamad Cali (Gaas) oo Taksiile ka ahaa Magaalada Virginia ee dalka Mareykanka intuusan jaamacad bilaabin ayaa dadka sida aadka ah u yaqaanaa ay ku tilmaameen intuusan xanuunsan ka hor shaqi aad u furfuran,kaftan badan sida lagu yaqaano dadka reer Gaalkacyoodka ah,balse nasiib daro C/walagii la yaqaanay meesha waa ka baxay oo waxaa soo baxay nin jiifkii uu ku yaraaday bilaabayna inuu isla hadlo.

Sidoo kale mar uu dhawaan Ra’iisal wasaare C/weli Maxamad Cali (Gaas) joogay Mareykanka safarna ugu anbabaxayey magaalada Toronto ee dalka canada ayaa waxa uu sameeyey dhacdo la’yaab leh,waxayna dad la socday kusoo warameen in Custamka Canada uu u sheegay inuu u socdo aroos balse uu qariyey inuu yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,sababo isaga u gooni ah tasoo ka yaabisay dadkii la socday.

Dowladda Mareynkanka ayaa markii C/wali loo magaacay Ra’iisal wasaare si hoose uga hadashay inuusan gudan karin shaqooyinka horyaala,balse waxaa ku adkeysyay Madaxweyne Sheekh shariif oo markaas culeys badan uga yimid maamulka Puntland iyo Faroole..

Haddaba Su’aasha ay dadbani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay Tilaabada uu ku dhaqaaqay Ra’iisal wasaare C/wali gaas maxay ku egtahay oo kaliya waalidiisa, mise waxaa kaloo jira sida dabani qabaan inuu doonayo inuu carqaladeeyo gurmadka beesha caalamka ay u soo gurmanayaan abaaraha koonfurta Soomaaliya…?

Article Source: http://www.dayniile.com/

===================================================================================

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s