Madaxweynaha Jubba Raas oo soo Saaray Baaq ku wajahan Abaaraha Soomaaliya.

 

Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelka Nomad Palace ee magaalada Nairobi ayuu Cabduqaadir Maxamuud Yuusuf uu ku tilmaamay xaaladda abaaraha inay tahay mid halis ah oo kumannaan dad ah ay khatar ugu jiraan inay u geeriyoodaan nafaqo darro.Iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu dalbanayo in gargaar loo fidiyo dadka ay abaartu ku dhufatay ayaa madaxweynaha maamul goboleedka Jubba Raas Cabduqaadir Maxamuud Yuusuf uu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay dadajiyaan kaalmada bini’aadannimo ee ay u fidinayaan dadka tabaalaysan.

Cabduqaadir waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay abaarta ka jirta deegaannada Jubbooyinka oo uu ku tilmaamay in dadkii iyo duunyadiiba ay abaartu saamaysay.

Madaxweyne Cabduqaadir, ayaa waxa uu dhanka kale ka codsaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Maxamed Cali inuu xukuumaddiisa ku soo daro wasiir si gaar ah u qaabilsan abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo Kale Waxa uu Qeylo dhaan u diray Ganacsatada iyo Qurba Joogta Jeebka Buuran in ay Gar gaar deg deg ah la gaaraan dadkaan dhibaateysan, isla markaana ay u qoondeeyaan Qeyb ka mid ah Nolol Maalmeedkooda.

Guud ahaan Dalka Soomaaliya ayaa waxa ku dhiftay Abaaro Baahsan oo saameeyay Dadka iyo Duunyada oo dhan, waxaana isa soo taraaya Dadka kasoo Cararaaya Abaarahaan oo soo gaaraaya Muqdisho iyo Xerooyinka Qaxootiga ee ku Yaalla Kenya.

Full News

Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo )
Madaxa Xafiiska Dayniile ee
Nairobi_Kenya
+2547-21-944591
injineerka3@hotmail.com

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s