Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo markii ugu horreysay u gudbisay UN-ka warbixin ku saabsan xuquuqul aadanaha Somalia

Arbaco, May 11, 2011 (HOL)  Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay u gubisay guddiga xuquuqul insaanka ee Qarammada Midoobay qoraal ku saabsan xaaladaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, sida uu sheegay danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Yuusuf Bari-bari) oo ku sugan Geneva.

Danjire Yuusuf Bari-bari oo wareysi ku saabsan arrintan siiyay BBC-da ayaa xusay in tani ay tahay markii ugu horreysay taariikhada oo ay dowladda Soomaaliya u gudbiso warbixin ay kaga hadlayso xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan xuquuqul aadanaha.

“Dowladda Soomaaliya waxay markii ugu horreysay ku guuleysatay inay xaaladda xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ay ka warbixiso, waana imtixaan ay marayaan dhammaan dalalka calaamka afartii sanaba mar, iyadoo go’aankan la gaaray sannadkii 2006,” ayuu yiri danjire Yuusuf Bari-bari.

Warbixintan ayaa la sheegay inay ku xusan tahay inteeda badan tacdiyo ay DKMG ah sheegtay inay geysteen Xarrakatul Shabaab oo dagaal kula jirta, balse aanay ku jirin dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee taageera.

Su’aal ahayd qaabka loo diyaariyay warbixinta ayuu danjire Yuusuf Bari-bari wuxuu kaga jawaabay in loo maray sababta keentay in qof la dhibaateeyo, iyadoo DKMG ah ay xoogga saartay sida dhibaatadaas looga hortegi karo, isagoo xusay in taasi ay tahay nidaamka ay maraan dalalka caalalmka oo dhan.

Danjiraha ayaa ku eedeeyay hay’adda xuquuqul aadanaha ee Qarammada Midoobay inaysan waxba ka fulin afar qodob oo horay loosoo saaray kuwaasoo dhigayay in la horumariyo xuquul insaanka Soomaaliya iyo maamullada dalka jira, isagoo xusay in qodobbadaas ay taageereen 138-dal oo Qarammada Midoobay ka tirsan.

“Warbixintu waxay tilmaantay inay jiraan aqoon la’aan dhinac ilaalinta xuquuqda aadanaha ah, iyadoo waxyaabaha lagu xusay ay ka mid yihiin in la helo tababarro ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Bari-bari.

Sidoo kale, danjire Yuusuf Bari-bari ayaa sharraxaad ka bixiyay qodobbada ay sida gaarka ah ugu baahan tahay dowladda KMG ah in laga caawiyo, kuwaasoo ay ka mid yihiin: In laga taageero sharci dajinta, sharci ilaalinta, sugidda amaanka iyo in la sameeyo olole wacyigelineed oo ballaaran.

Danjire Bari-bari wuxuu sheegay in waxyabaahan ay codsatay DKMG ah aan waxba laga qaban tan iyo markii dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo muddooyinkii ka horreeyay. Isagoo daboolka ka qaaday in DKMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay taagan yihiin inaan waxba laga sheegin haddii aan waxba loo qabanayn.

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu sheegay in codsiga ku aaddan tababarka dhinaca xuquuqul Insaanka inay u dalbeen ciidamada AMISOM oo aysan u dalbin ciidanka dowladda oo keliya, si xuquuqda shacabka Soomaaliyeed loo ilaaliyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

The world has for too long ignored the appalling cost to civilians of the fighting in Mogadishu. An international commission of inquiry is urgently needed to investigate war crimes committed in Somalia by all sides.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s